HomeWasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka hadashay Guddi-farsamo oo dawladda Kenya u soo...

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka hadashay Guddi-farsamo oo dawladda Kenya u soo dirtay Qiimaynta safaarad dalkaasi ka furanayo Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

SuudiHargeysa (SLpost)- Guddi-farsamo oo dawladda Kenya u Xil-saartay Qiimaynta Safaarad ay Somaliland ka furanayaan, ayaa 23-kii bishan dalka socdaal ku yimi, waxaanay kormeer ku sameeyeen wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay kulamo kula qaateen masuuliyiinta u sarraysa wasaaraddaas, sida lagu baahiyey warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka wasaaradda Axmed Yuusuf Cilmi.

Guddigan oo isugu jiray xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka socday dawladda Kenya, ayaa intii ay ku gudo-jireen socdaalkooda Somaliland ku qancay dhammaan xog-urursigii ay u yimaaddeen Somaliland, i sida war-saxaafadeedka lagu sheegay.

War-saxaafadeedka oo dhammeystiran, ayaa u qornaa sidan: “Guddidii farsamo ee Kenya ee uu wehelinayay wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Md. Maxamuud Jaamac ee Arbacdii 23-kii April dalka yimi, ayaa shalay 26-kii April dalka ka amba baxay. Guddidu waxay ka koobnaayeen afar ruux, iyadoo ujeedada socdaalkooduna ahayd inay qiimayn ku sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah aasaaska safaarada Kenya ee Somaliland.

Guddidii farsamo ee Kenya waxay booqasho ku tegeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland opo uu ku soo dhoweeyay wasiir-ku-xigeenka Md. Mawliid Maxamuud. Muddadii ay Somaliland joogeena wasaaraddu waxay siisay taageero iyo tilmaamid.

Guddidu waxay urursadeen dhammaan macluumaadkii ay u baahnaayeen, iyagoo ku qancay dhammaan waxyaabihii ay arkeen.

Booqashada Guddidu waxay daba socotay heshiis hore u dhex-maray Somaliland iyo Kenya, kaasoo labada dawladood hore ugu heshiiyeen bilaabitaan xidhiidh Diblomaasiyadeed. Hordhac waxay u noqon doontaa in Safaaradda Somaliland ee Kenya noqoto qayb ka mid ah xidhiidh iskaashi ee Kenya.

Weftigu waxa uu la kulmay shaqaalaha Kenya ee Somaliland ka shaqeeya. Abuuritaanka xidhiidhkan waxa uu balaadhin doona iskaashiga dhaqaaale iyo midka farsamo ee laba dawladood.

Kenya waxay ka mid tahay xubnaha ugu muhiimsan urur goboleedka IGAD, sidoo kalena waa cudud dhaqaale, sidaa darteed waxa muhiim ah inaynu la yeelano xidhiidh diblomaasiyadeed oo fiican.”

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka weftigan ayaa noqonaya markii saddexaad ee dawladda Kenya wefti miisaan leh u soo dirto Somaliland waxaana ka horreeyey laba wefti oo isugu jiray xildhibaanno iyo siyaasiyiin oo afartii sanno ee u dambaysay wakhtiyo kala duwan socdaal shaqo ku yimi Somaliland.

SOMALILANDPOST,NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories