HomeWasaaradaha Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha Oo Qaabilay Koox Dalxiisayaal oo Dalka Booqasho...

Wasaaradaha Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha Oo Qaabilay Koox Dalxiisayaal oo Dalka Booqasho ku yimi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md Abiib Diiriye Nuur (Tima-cad),  ayaa maanta  xafiiskiisa ku qaabilay Koox Dalxiisayaal ah oo booqasho ku jooga dalka.

Xubnahan Dalxiisayaasha ah oo ka kala socday Wadamada Ingiriiska, Jarmalka iyo Faransiiska, ayaa haweenay ka mid ah oo u hadashay ay Sheegtay inay tahay markii ugu horaysay ee ay Somaliland timaado isla markaana ay ku aragtay Waxyaabo faro badan oo soo jiitay, aadna ay ugu faraxsan tahay Imaatinkeeda Somaliland.

Guud ahaan Xubnahan Dalxiisayaasha ahi ay Tilmaameen nabadgalyada Buuxda ee dalka ka jirta,iyagoo ka mahadceliyay Sida diiran ee Meel kasta oo ay tagaan loogu soo dhawaynayay.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane Abiib Diiriye Nuur oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, ayaa si Wada Jir ah Xubnahan Dalxiisayaasha ah warbixin uga siiyay hawl qabadka Wasaarada Warfaafinta iyo Waaxyaha ay ka kooban tahay, waxaanay xuseen in Imaatinkoodani uu ka Turjumayo nabadgalyada iyo Xasiloonida buuxda ee ka jirta Somaliland,Isla markaana ka rajayanayaan in Wixii ay indhahooda ku arkeen ay gaadhsiin doonaan Shucuubta ku dhaqan Wadamada ay ka kala socdeen.

Dhinaca kale, Dalxiisayaashani Waxaa booqdeen Suuqyada Caasimada iyo Xarunta Wasaarada Arrimaha Gudaha,halkaas oo ay ku qaabileen Wasiir ku Xigeen arrimaha Gudaha ee dhinaca Maamulka Md Cismaan Garaad Soofe oo ay wehelinayeen Ku-simaha Duqa Caasimada Hargaysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi iyo Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje).

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories