HomeWasaaradaha Caafimaadka iyo Warfaafinta ee Somaliland oo Isku Haysta Shaacinta Xogta Covid-19

Wasaaradaha Caafimaadka iyo Warfaafinta ee Somaliland oo Isku Haysta Shaacinta Xogta Covid-19

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradaha Horumarinta Caafimaadka iyo Warfaafinta ee Somaliland, ayaa Xogo aad u kala fog ka faafiyey heerka uu dalka ka marayo iyo tirada kiisaska laga helay cudurka Covid-19, kaddib ay labada wasaaradood dhawaan soo bandhigeen macluumaad kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo dhawaan saxaafadda la hadlay, ayaa shaaciyey in tirada kiisaska laga helay caabuqa Coronavirus marayso 19 qof. Haseyeeshee, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaad oo isla maalintaas hadlay, ayaa shaaciyey inaanay jirin tiro dheeraad ah oo ku soo korodhay kiisaskii hore loo shaaciyey oo ahayd 6 qof, arrintaas oo khalkhal ku dhex-abuurtay bulshada.

Wasiirka Warfaafinta oo ah Afhayeenka xukuumadda Somaliland, ayaa xubin ka ah guddiga heer Qaran ee Covid-19, waxaana guddiga guddoomiye u ah madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, haseyeeshee madaxweyne Muuse Biixi ayaa hore u shaaciyey in xogta dhabta ah iyo Arrimaha ku saabsan cudurka loo daba-fadhiisanayo Wasaaradda Caafimaadka.

Haddaba, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo maanta bulshada u soo bandhigay warbixinta maalinlaha ah ee ku saabsan cudurka Covid-19, ayaa sheegay inaanay Cid kale oo wasaaradda Caafimaadka ahayni ka hadli karin xogta la xidhiidha caabuqa Coronavirus.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Agaasimaha Guud

https://www.youtube.com/watch?v=jZu0uPchvsw

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories