HomeWasaarada Waxbarashada Gobolka Sanaag oo Mar kale Qaylo dhaan Musuq-maasuq ka soo...

Wasaarada Waxbarashada Gobolka Sanaag oo Mar kale Qaylo dhaan Musuq-maasuq ka soo yeedhayso iyo Wasaarada Dalka oo aan warkeedaba hayn!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Aniis2Waxa maalmihii u danbeeyey isa soo taraya cabashooyinka iyo qaylo-dhaanta ka soo yeedhaysay macalimiinta dugsiyada dowliga ah ee Ceerigaabo , kana cabanaya mushaharka dowladu siiso oo aan ku filnayn ka dib markii maamulka wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee gobolka Sanaag Mudane Aniis Saalax X. Xasan uu goostay lacag ku dhow Labaatan iyo Shan doolar malinkiiba , waa sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah macalimiinta dugsiyada ee uu ka goostay lacagtan aan sharciga waafaqsanayn dhawaanna ay ahayd markii xukuumada talada haysaa ay u kordhisay mushaharada.

Macalilmiinta gobolka Sanaag ayaan haba yaraatee awood u lahayn in ay ka hadlaan cabashadoodana gaadhsiiyay maamulka Wasaarada Waxbarashada Dalka sababtuna ay ku micneeyeen in aanay haysan warbaahin ay codkooda ku dhiibtaan hiilna ay bidaan , kagana ciil baxaan cunaqabataynta Isuduwaha Wasaaradu ku hayo mushaharkoodana maalinba sida uu doono kaga yeelayo maadaama gobolka ay joogaan keliya laba Telefishan iyo Idaacadda Radio Hargeysa , warbaahintaasi-na ay kala yihiin TV-ga iyo Idaacada afka xukuumada ku hadla uuna u joogo Isu-duwe weriyana ah iyo TV-ga HCTV oo ah mid ku jira gacanta Isu-duwahaas oo hadda iyo jeer u adeegsada warbaahintaas lacag af-buuxin ah.

Macalimiinta ay ku andacoonaya haddii ay hadlaan kana cawdaan mushaharkan uu jarto in uu ugu hanjabo in shaqada laga eryi doono, cid ku soo celin kartaana aanay jirin.

Muceeshada magaalada Ceerigaabo kolka loo eegona aanay haba yaraadeene waxba ka tarayn macalin u soo shaqo tagay Toban carruur ah iyo hooyadoo oo iskuulo sare ama jaamacado qaar ugu jiraan 120-ka doolarna wab aanay ka bixinayn. Waa kan Macalin codsanaya in aan magiciisa la shaacain ‘’ Waxaan ahay macalimiinta muddada dheer wax soo dhigaysay shaqo kale ma haysto waxaan u soo jarmaadaa subax kasta waa iskuulkaas waxan dhalay 7 ciyaal ah oo 5 ka mid ahi iskuulka ku jirto, midna Jaamacada sanadkii labaad ii dhiganayo , meel kalena waxba igama soo galaan aan ahayn mushaharka dugsiga aan ka qaato, 120 Doolar ayaa lagu sheegaa lacagtaan qaadano , weligayona maanu u xaadirin lacagtaas , 20 Doolar hadda ka hor buu naga goostay maamulka wasaaraddu oo Isu duwaha ayaa marba meel saara oo yidhaahda maantana meel heblaayo ayaa qaadhaan loo uruurinayaa, anaga yaa noo uruurinaya kaayaga bukooda , ka shil ku dhaco iyo qofkii masiibo kale ku timaado midna wasaaradu waxba kama oga xuquuq kalena nalama siiyo’’ Macalin kale oo isna dhiibtay fikirkiisa ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto arinkan ‘’ Waxaan ku baaqaynaa in si degdeg ah wax looga qabto cabashadayada afkaa nala hayaa xabsi banau ku jirnaa idinkuna hadeerba magacayga ha sheegina ileen mushaharkaa layga goosanyaa cid iga qabanaysaana ma jirto shaqona tan ayaan ku indho belay oo xoogaygii iyo maskaxdaydiiba ku bixiyay e’’

Ugu danbayntii macalimiinta dugsiyada Hoose dhex ayaa u eeg kuwo la ciirciiraya dayow iyo jahwareer ay la daala dhacayaan mushaharka iyo sixir bararka Ceerigaabo ka taagan , isla markaana waqtigu ku simay, wasaarada Tacliintuna ay noqonayso meel aan ka war hayn degmooyinkeeda iyo goboladeeda haddii ay sidan ku sii eegatona loo qaadan doono inay raali kaga tahay waxyaabaha uu samaynayo isagoo ugu baana macalimiinta in aan cid wax ka qaban kartaa aanay jirin Ilaahay mooye, horena wax loogu eedeynayay in Isu duwuhu leexsaday isla markaana si cad uga xisaabtamin xalka uu mariyay lacagtii qaadhaanka wadada ayna hore warbaahinta maxaliga ah ee gobolka dibediisu wax ka qortay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories