HomeWasaarada Kheyraadka Biyaha oo Somaliland oo shaacisay inay Ceel-biyood Biyo macaan leh...

Wasaarada Kheyraadka Biyaha oo Somaliland oo shaacisay inay Ceel-biyood Biyo macaan leh ka heleen magaalooyinka Laas-caanood iyo Wadaamagoo’

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Warbixinta Waxqabadkii Wasaarada kheyraadka Biyaha ee sannadkii 2013

Hargeysa (SLpost)- Wasaarada Kheyraadka Biyaha Somaliland  ayaa cadeeysay in baadhitaano ay dhowaan sameeyeen lagu ogaaday in magaalada Laas-caanood iyo Wadaamago’ ku jiraan biyo macaan, lana dhamaystiray qoditaanka 34 ceel riigag ah ee kordhinta helitaanka biyaha miyi iyo magaalo.

wasaaradda kheyraadka

Sawir 1.Ceel Biyood laga qodayo Tuulada Qoolcaday ee degmmada Salaxley.

Sida lagu sheegay warbixinta waxqabadkii Wasaarada Khayraadka Biyaha Somaliland oo ku saxeexan yahay wasiirka Kheyraadka Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdullae ayaa lagu bayaamiyey inay wakhtigan ku hawlan yihiin sahamin lagu samaynayo ilaa 200 ceelal cusub, isla markaana abuureen dugsi lagu tababaro xirfadlayaasha ceelasha Somaliland, dufcadii u horeysay oo ka kala yimi dhamaan gobolada dalka xilligan tababar uga socdo.

Halkan ka dheeho warbixinta waxqabadkii wasaarada Kheyraadka Biyaha Somaliland ee sannadkii tegay iyo qorshaha sannadkan oo u diyaariyey Faysal Xaashi, aqoonyahan ka tirsan wasaarada:

“Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland waxay kala qaybisay wasaaradii laysku oran jiray Wasaarada Macdanta, Biyaha iyo Tamarta oo ay ka abuurtay bishii June, 2013 wasaarada cusub oo la magac baxday Wasaaradda Khayraadka Biyaha.

Shaqaalaha wasaaradu waxa uu ka kooban yahay  86 oo isugu jira xarunta oo ka kooban  51 shaqaale iyo gobolada oo ka kooban 35  waxaaa rag 74 dumarkuna waa 12.

Wasaaradu waxa ay ka hawl gashaa gobolada Somaaliland oo dhan waxaana  ay umadu reer Somaliland u qaabilsan tahay in ay ka haqib tirto biyaha.

Waxaanu umada reer Soomaliland  u soo gudbinaynaa waxaqabadkii sanad laha ahaa ee Wasaaradda Khayraadka Biyaha. Waxqabadkan oo ka kooban sida hoos ku xusan:

2

Sawir 2.Ceel Biyood laga qodayo Tuulada Qoolcaday ee degmmada Salaxley.

 

Waaxda Hindisada iyo Horumarinta  Khayraadka Biyaha   

  • Waxaa si habsami leh u socda mashruucii biyo balaadhinta afarta magaalo: Hargiesa, Burco, Togwajaale, iyo Ceerigabo, Waxaa kaloo hadda bilow ah in ceelasha xumbawayne lagu soo xidho caasimadda Hargaysa.
  • Waxa la dhamaystiray qodaalka 34 ceel oo rig ah oo loogu talogalay kordhinta biyaha magaalooyinka iyo miyigaba , waxa kale oo la dhamays tiray biyo galinta 19 tuulo oo badankoodu  ku shaqaynaya  tamarta la cusboonaysiiyo, waxa kale oo la dhamaystiray dayactirka iyo qodaalka 14 ballay(dam) iyo hirgalinta shuruucda qodaalka riigaga.
  • Waxaa wasaaraddu baadhis ka samaysay 25 goobood biyaha dhulka hoostiisa iyadoo khubarada wasaaraddu adeegsanayaan qalab casri ah; Waxa war fiican ah in meelo badan laga helay biyo macaan iyadoon hore looga aqoon dhulkaas biyo macaaan (sida Las’anod iyo Wadaamo goo).
  • Waxay wasaaradu ka qayb gashay shirar caalami ah natiijada ka soo baxdayna ay ugu waynayd in Somaliland iyo wadamo badan oo ka mid ah beesha caalamku heshiisku gaadheen inay Somaliland kala shaqeeyaan sidii loo harumarin lahaa khayraadka biyaha Somaliland.

 

Waaxda Qorshaynta iyo Tababarada

  • Wasaaraddu Dhamaystirka qaab dhismeedka afar waaxood ee Wasaaraddu ka kooban tahay madamaama ay wasaaraddu tahay mid cusub oo aan hore u jirin (eeg sawir 2):
  • Wasaaraddu waxay 28 tababar u dhamaystirtay shaqaalaha wasaaradda ee xarunta dhexe ilaa heer degmo. Tababaradaas oo isugu jiray kuwo maamul, farsamo iyo wacyi gelineed.
  • Wasaaraddu waxay furtay dugsi lagu tababari doono xirfad yaqaanadda ceelasha oo ka kala yimi gobolada Somaliland oo dhan, iyadoo hadda ay ku jiraan dufcaddii ugu horaysay oo ka kooban 12 arday (eeg sawirada 3 iyo 4). Dugsigan oo wax wayn ka tari doonaa horumarka farsamda iyo maamulka ee shaqaalaha wasaaradda heer gobol, degmo iyo tuuloba.

3

Sawir 3. Dugsiga tababarada farsamo yaqaanada ceelasha biyaha

 

  • Waxay wasaaradu qabaqaabisay 12 shir oo ay ku midoobeen hay’adaha iyo machadyada ku lugta leh hawlaha biyaha iyo ilaalinta tayadooda, shirkaas oo bille ah agaasimaha guud ee wasaaradduna shir gudoon ka yahay (WASH Sector Coordination Meeting).
  • Wasaaradu waxa ay u baxday sahmin ceelasha biyaha oo laga qaadi doono ilaa 200 oo ceel.

 

Waaxda Shuruucda Biyaha iyo Maamul Daadejinta

  • Wasaaraddu waxay dhamaystirtay Dhaqan gelinta sharciga iyo siyaasadda Biyaha Qaranka bishii November, 2013.
  • Waxay Wasaaraddu gaadhsiisay maamulka Biyaha ilaa heer degmo, meelaha qaarna ilaa heer tuulo.

 

Xussen Axmed Cabdulle

Wasiirka Wasaaradda Biyaha, JSL

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories