HomeWasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Hargeysa Ku Qabtey Kulan Lagaga Hadlaayey...

Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Somaliland Oo Hargeysa Ku Qabtey Kulan Lagaga Hadlaayey Qaabka Ugu Fiican Ee Dadka Rer Somaliland U Gudaan Karaan Wajibaadka Xajka‏

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(Hargeysa):-  Wasaaada diinta iyo awqafta Somaliland  ayaa waxaa ay maagalada Hargeysa ku  qabtey kulan lagaga hadlaayey  qaabka ugu fiican ee dadka rer somaliland u gudan karaan wajibaadka xajka  iyo sida looga hor tagi karo caqabadaha soo waajaha xujaajta.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka wasaarada diinta iyo awqafta Sheekh Khaliil , agaasimaha wasaaradaasi Sheekh Saleeban Siciid Cali , wasiirka wasaarada Cadaalada mr Cadare, wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka , gudoomiyaha ururka dhakhaatirta Somaliland, wasirul dawlaha Madaxtooyada , xildhibaano , culmo awdiin ka soctey lixda gobol ee Somaliland kuwaas oo dadka xajka geeya Iyo qaar ka mid ah madaxda shirkadaha Diyaaraha .

Waxaana ugu horeyn  munaasibadaasi ka Hadley agaasimaha wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Saleeban Siciid  Cali waxaana uu ka war bixiyey u jeedka ay maanta  ay kulanka  u qabteen  waxaana uu yidhi

“yeedhida aanu wasaarad ahaan isku yeedhnay culimada dalka oo dhan waxaa laga hadli doona hal qodob oo laga hadli doono xajka iyo sidii aynu u xaji laheyn iskana wareysan laheyn isla  markaana ay tahay masuulyadii wasaaradan saarneed waxaana aanu u yeedhnay culimadii dadka xajin jirtey dalka oo dhan sababihii aanu xajka iyo arimihiisa aanu iskula eegi laheyn isla markaan aanu ka hor tagi laheyn xalna u sameyn laheyn caqabadaha soo waajaha xujuujta wakhtiga ay gudanayaan wajibaadkaas xajka” ayuu yidhi agaasimaha wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Saleeban Siciid Cali .

Sidoo kale waxaa isna dhinciisa ka Hadley  kana war  bixiyey u jeedka ay wasaraada diinta iyo awqaafta Somaliland kulankan u soo abaabushey wasiirka wasaaradaasi Sheekh Khaliil Cabdilahi Axmed  waxaana u sheegay in uu yahay kulankani  yahay kii ugu horeyey ee la iskugu yimaado lagaga hadlana arimahan maanta laga hadlaayo waxaana uu yidhi

“kulankan aanu maanta isku nimid waa sidii aynu u hagaajin laheyn wajibadka xajka oo ah rukni ka mid ah diinteena Islaamka  isla markaana loo soo gudan lahaa iyada oo laga hor taayo caqabadaha soo waajaha dadka xujaajta ah xilga ay ku sugan yahiin gudashada waajibkaasi saran waxaanan aad ugu mahad naqayaa culimad arintaas gacanta ku heysa ee dadka kaxeeya oo da daal badan sameeya iyo madaxda shirkadaha diyaaraha oo iyaguna qeyb weyn ka ciyaara.

Somaliland ma aha dal la aqoon san yahay  isla markaana ma saxeexno  hishiiska xujaajta dawlada sucuudigu waxay aqoon san tahay dawlada faderaalka ah ee somaliya oo iyadu hishiiskaasi saxeexda balse waa in aynan arintaas  isku haleynin  oo aynu iskeen wax u qorsheysanaa  waxaana aanu halkan iskugu yeedhanay dadkii fikir iyo talo aanu bidney “ ayuu yidhi wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland sheekh Khaliil

Dhinca kale waxaa munaasibadan ka Hadley qaar ka mid ah  culmo awdiinka Somaliland oo ka yimid lixda gobal ee dalka  isla markaana dadka xajka geeya iyo qaar ka mid ah madaxda shirkadaha diyaaradaha waxaana ay wasaarada diinta uga mahad naqeen kulankan ay maanta Hargeysa ku qabtey iga oo xusay in kulankani uu ah mid aad loogu baahnaa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories