HomeWasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Bogaadisay Mo. Faarax

Wasaarada Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Oo Bogaadisay Mo. Faarax

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray  Orodyahanka Mo Faarax kadib markii uu ku guulaystay Tartankii Olombikada ee uu ka qayb galay, waxaanu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in orodyahan ka soo jeeda Somaliland inuu kaalinta kowaad ka galo tartamada shanta kun iyo tobanka kun ee KM.

 

blank

 

 

 

Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Ciyaaraha ee Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada ciyaareed ee dalka, waxaanu sheegay inay ku dadaali doonaan sidii ay u horumarin lahaayeen ciyaaraha kala duwan ee dalka, waxaanu yidhi “Waxaan hambalyo u dirayaa Orodyahanka Mo Faarax ee ka soo jeeda Somaliland ee wacdaraha ka dhigay Tartankii Olombikada Adduunka ee ka dhacay dalka Brazil, waxaana ku hambaliyeynayaa sidii wacnayd ee uu ugu guulaystay ama uu kaalinta kowaad uu uga galay tartamadii orodka ee Tobanka Kun iyo Shanta Kun ee uu ka qayb galay, waxaana u rajaynayaa inuu tartan walba oo uu ka qayb galo inuu kaalinta kowaad ka galo, waxaana xaqiiqo ah in dalka uu u ordo ee Ingiriiska iyo dalka uu u dhashay oo dalkeena Somaliland inuu labadaba sumcad u soo hooyey”.

 

 

 

Wasiir ku xigeenka Ciyaaraha mar uu ka hadlaayey xaalada Ciyaaraha ee dalka ayaa yidhi “Anagu ka wasaarad ahaan waxaanu diyaar u nahay in aanu horumar gaadhsiino qaybaha kala duwan ee Ciyaaraha, waxaanu diyaar u nahay in aanu dhiirigelino Ciyaaryahanada iyo kooxaha kala duwan dalka, waxaanu diyaar u nahay in aanu qabano wejigii labaad ee Tartanka Koobka Gobolada, oo aanu walibana qabano wakhtiga ugu munaasibadsan ee aanu u aragno inay ku haboon tahay, haddii ALLE idmo marka Diiwaangelintu inaga dhamaato ayeynu qaban doonaa”.

 

 

 

Wasiir ku xigeenka Ciyaaruhu mar uu ka hadlaayey Garoomada dalka ayaa yidhi “Maanta Garoomadii waaweyna ee ku yaalay Magaalooyinka waaweyn ee dalka intoodii badnayd waxa la dhigay Roog, kuwa hadhayna waa la wadaa, waxaana sabab u ah Xukuumadda, gaar ahaan Madaxweynaha Qaranka Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo isagu bixiyey lacagta, waxaana hubaal ah inuu Madaxweynuhu mar walba diyaar u yahay dhiirigelinta dhalinyarada iyo horumarkooda”

 

 

Somalilandpost.Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories