HomeWasaarada Caafimaadka oo War Ka soo Saartay Xannuun Faro-baas Ku Haya Shacabka...

Wasaarada Caafimaadka oo War Ka soo Saartay Xannuun Faro-baas Ku Haya Shacabka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland ayaa maanta shir ka yeelatay saamaynta Xannuunka Xumadda oo faro-baas ku haya bulshada, kaas oo fiditaankiisa ay ka qayb-qaadato kaneecada.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr-Maxamed cabdi xergeeye ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Xaaladaha deg-degga ah (Emergency) oo tododbaad kasta lagu faaqido xaaladaha Caafimaadka gaar ahaan kuwa deg-dega ah.

Shirkan oo ay kasoo qayb-galeen gudidda xaaladaha degdega ah (Emergency Team) ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka, ayaa gebo-gabadiisii laga soo saaray Qodobbo wacyi-gelin ah oo tilmaamaya ka-hortagga iyo daaweynta Xannuunka xukuumadda ee Kaneecadu sababto.

  1. In qofkii isku arka xanuunkan xumadda ah xaaladiisana ka yaaba aanu iska qaadan daawooyin aan dhakhtar u qorin ee uu lasoo xidhiidho xarun Caafimaad halka ugu dhaw, talada iyo daawooyinka uu dhakhtarku siiyana uu qaato.
  2. In guud ahaan bulshadu ka taxaddarto wax kasta oo dhalin kara kaneecada ama ay ku gabban karto, sida goobaha biyo-fadhiisinka ah, goobaha dhirtu ku badan tahay iyo wixii la mid ah, si aynu ula dagaalano kaneecada oo ah midda gudbinaysa xanuunkan.
  3. Si loo xakameeyo xanuunkan waxaa muhiim ah in qofkasta oo muwaadin ah oo dalka ku nool uu ka qayb-qaadato sidii loo xakamayn lahaa, inaga oo daryeelayna deegaankeena, xanuunkani wuxuu ka dilaaca kaneeco, kaneecaduna waxay ka dilaacdaa nadaafad-daradda ka dhacda deegaanka, qofkasta oo ka qayb-qaata nadaafadda deegaankiisa, sida gurigiisa, iskuulkiisa, jaarkiisa, goobtiisa shaqo, wuxuu qayb-weyn ka yahay sidii aynu xanuunkan u xakamayn lahayn.
  4. Wasaaraddu iyada oo kaashanaysa Dawladaha hoose ee dalka, Dowladda dhexe waxay ka hawl-galaysaa baabiinta wax kasta oo sababi kara fiditaanka kaneecada, kaneecadaasi oo si dhib-yar uga dilaacda biyuhu haday 24-saac iyo wax ka badan meel yaalaan, bulshadana waxaan u sheegaynaa in ay qayb-weyn ka qaataan sidii loo dabar-goyn lahaa meeshana looga saari lahaa kaneecaasi.
  5. Guud ahaan cusbitaalada dalku waxay diyaar u yihiin in ay qaabilaan dadka xumadani ay kusoo dhacdo ee u baahan in Cusbitaalka taageere lagu siiyo, berrina waxaan kulan la qaadan doona cusbitaalada gaarka loo leeyahay si aanu uga wada tashano sidii loo daryeeli lahaa dadka ay soo ridato xumadani.
  6. Wasaaraddu waxay ka hawl-gashay sidii gudiyadan Xarunta dhexe ka samaysan ee gargaarka degdega ah (Emergency Team) kuwii la midka ahaa ee goboladda matalayay looga aasaasi lahaa, dhamaan goboladana waxaa la farayaa in ay gudiyadda hawl-geliyaan, si ay ula shaqeeyaan dawladaha hoose iyo dawlada dhexeba, si loo yareeyo faafitaanka xanuunkan xumadda ah.
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories