HomeWasaarada Caafimaadka Oo U Digniin U Dirtay Farmasiyada Daawooyinka Iibiya

Wasaarada Caafimaadka Oo U Digniin U Dirtay Farmasiyada Daawooyinka Iibiya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka  Dr Saleeban Ciise Axmed (Xaglo-Toosiye), ayaa ayaa farmasiyada magaalada Hargeysa ugu baaqay inay xil iska saaraan dawooyinka ay shacabka ka iibinayaan.

images

Wasiirka oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay, waxa kale oo uu amaanay koox salaadiin ah oo ka qayb qaadatay sidii gacanta la isugu saari lahaa labada murashax ee KULMIYE iyo Waddani oo hadalo ay warbaahinta isu mariyeen noqdeen kuwo xanaf leh.

Ugu horayn isagoo ka hadlaya salaadiinta iyo kulanka labada murashax, wuxuu yidhi “Salaadiinta waan ku hambalyeynayaa, waan ku amaanaya, waana uga mahadnaqayaa sida milgaha,sharafta iyo gobonimada leh ee ay yeeleen ee ay iskugu keeneen Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi ee ay u heshiisiyeen, ee ay u dhammeeyeen khilaafkii soo kala dhex galay, waxaana wakhtigan aynu ku jirnaa xaalad aad u adag, abaaro daran, dadkeenii oo iska tabaalaysan, Xoolihii oo inaga dhammaaday, Doorashooyin inagu soo food leh, markaas Xisbiga Muxaafidka ee aan ka tirsan nahay ee Kulmiye iyo Labada Xisbi ee kale ee UCID iyo Waddani, aynu wada ilaalino qaranimada iyo midnimada Shacabkeena reer Somaliland, oo aynu ka fogaano wax walba oo dhib iyo hagar-daamo ku ah”.

Wasiirka Caafimaadka isagoo ka hadlay kormeer uu Shalay ku tagay Cisbitaalka guud ee Hargeysa ayaa yidhi “Waxaan kormeer ku tagay maanta (shalay), Cisbitaalka guud ee Hargeysa, oo aan soo eegay qaybihiisa kala duwan, gaar ahaan qaybta Gargaarka deg deg ah ee imika waxa la dhisay wakhti hore, oo wakhtigaas dadka intan wey ka yaraayeen, laakiin hadda waxa isticmaala Cisbitaalka Hargeysa ilaa iyo saddex milyan oo qof, mana aha Cisbitaalkan Hargeysa, Cisbitaal Gobol ee waa Cisbitaal Qaran, balse imika waxaanu dhisayna qaybta ama waaxda Gargaarka deg deg ah oo aanu si casriya aanu u dhisayno,oo waxaanu u dhisaynaa si Caalamiya oo la mid ah Cisbitaalada Caalamiga ah, waxaana filaynaa inay dabooli doonto baahidii loogu talagalay Waaxda Gargaarka deg dega ah, waxaana filayaa in haddii ILLAAHAY yidhaahdo inuu furi doono oo uu xadhiga ka jari doono qaybtan Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), oo isagu hirgelintiisa iska leeyahay”.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka mar aanu wax ka weydiinay noocyada xanuunada ka dhashay abaaraha  ayaa yidhi “Xanuuno badan baa ka dhashay Abaaraha, balse Dawooyinkii ayaanu meel kasta gaadhsiinay, waxaanu ku guulaysanay in aanu xakamayno xanuunadaas ka dhashay abaaraha, waxaana xanuunadan ka mid ah xanuunka shuban biyoodka, xanuunka shuban dhiiga, xanuunka oof wareenka iyo nafaqo darada, laakiin fiditaankooda aad iyo aad baanu u xakamaynay, dadaal xoogan baanu ka galay, waxaana ku dadaalnay oo aanu ku guulaysanay in aanu halkooda ku xakamayno, si aanay u fidin”.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka mar uu ka hadlaayey Farmasiiyada iyo Dawooyinka ayaa yidhi “Waxaan Farmasiiyada ama Goobaha Caafimaad leeyahay xil iyo masuuliyad iska saara Dawooyinka aad iibinaysaan, oo marka aad dadka ka iibinaysaan aad uga fiirsada Dawooyinka aad iibinaysaan, waana xad gudub sharci in Dawooyin dhacay lagu iibiyo Farmasiiyada,ilaa haddana ma hayno Farmasii lagu iibinayo Dawooyin dhacay, balse Farmasiiga aanu ku qabano ama cida aanu ku qabano Dawooyin dhacay talaabo sharciga waafaqsan baanu la tiigsanaynaa”.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories