HomeWasaarada Caafimaadka Oo Ka Hadashay Cudurka Jadeecada Oo Ka Dillaacay Gobolka Saaxil

Wasaarada Caafimaadka Oo Ka Hadashay Cudurka Jadeecada Oo Ka Dillaacay Gobolka Saaxil

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SL.Post) Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Saleebaan Jaamac Diiriye iyo isku-duwaha Caafimaadka ee Gobolka Saaxil Dr. Cabdirixiim Ducaale Cajab, ayaa ka warbixiyey cudurka Jadeecadda oo ka bilaabmay  deegaanka Bariga Saaxil ee Somaliland.

6390-jpg

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegay in illaa afar qof u geeriyoodeen inta uu ogyahay cudurka Jadeecadda ee ka dilaacay bariga gobolka Saaxil.

“Way jirta inuu ka dilaacay Bariga Gobolka Saaxil, Laasciidle iyo Xagal iyo deegaanada ku dhow dhow cudurka Jadeecadda, waxa jira kooxo wasaarada caafimaadku leedahay oo ka hawlgalay iyo kuwo imika baxayey , illaa iyo toddobaadkii hore ee aanu arrintan ogaanay kooxaha u dirnay oo hawshaasi way socotaa, dawladda waxa uga meel yaala Saaxil meel maaha meel go’doon ah  maaha ee waxa jira kooxo ka hawlgala oo mar walba talaalka siiya oo ka shaqeeya ayaa jira, marna waa talaal marna waa ka hortaggeedda, si aanu u fidina talaalkii iyo daweyntiiba way is garab socdaan.“ ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaarada caafimaadka Somaliland

Mar la waydiiyey in Xildhibaanno golaha deegaanka Berberi oo sheegay in dayac badani ka muuqato oo ka hortag aan laga samayn cudurkan,w axa uu yidhi “Anigu kuma raacsani erayga dayaca, xildhibaanadda iyo hawl-wadeenadda wasaarada ayaa meesha tagay, way ogyihiin inaanu ka qaybqaadanay imikana ku jirno, waxaan halkan ka qirayaa  in hawl-wadeenadu ay marar badan kaga xog ogaalsan yihiin deegaanka, waa laga yaabaa in marka ay dadku xanuunsanayaan uun tageen, laakiin hawl-wadeenaddu mar walba way joogaan mana daadafaynayno cabashadda xildhibaanadda”

“Afar baan ogahay inay xanuunkaasi u dhinteen, anigu wali warbixin rasmiya ka helin, laakiin xanuunka Jadeecadda xumad badan bay leedahay, waana loo dhiman kara, laakiin kooxo badan baanu u dirnay, laba kooxood H argeysa ayey ka baxeen, laba kale Berbera ayey ka baxeen laba kooxood oo kalana way sii joogeen.”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka oo la waydiiyey in tiradda dhimashaddu marayso lix caruurra, haseyeeshee isagu sheegay in uu ogyahay uun afar qof.

Dhinaca kae Isku duwaha gobolka Saaxil Dr:Cabdirixiim Ducaale oo isna ka hadlay ayaa yidhi “25 caruur oo shan jir ka yar uu ku dhacay xanuunkaasi, labaatan qof oo dadka waaweyna wuu ku dhacay, halka 111 caruur ay ka talaaleen kuwo ka yar shanta sanno, kooxaha caafimaadka ee xildhibaanadaasi la socday dadka dawaynayey. ”ayuu yidhi Dr:Cabdirixiim Ducaalle.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories