HomeWARQADDII LUNTEY - A/Fataah M.Ahmed

WARQADDII LUNTEY – A/Fataah M.Ahmed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

ceelaabeWakhti hore oo Fog Ayey Aheyd,Berigaasi ayaa Dirida Warqaduhu ay Socdeen,Horumarkuna Muu aheyn Mid gaadhsiisan Heerka wakhtigan uu Taagan yahay.Keliya Dadka oo Is arka ama wax iskugu soo Dhiiba qof Kale Ayaa aheyd Isgaadhsiinta iyo Xidhiidhka aadamaha.Dirida Warqadana waxa Shuruud u aheyd in qofku wax Qori karo isla markaasina Akhrisan karo oo aan Loo Akhriyin ama Soo Qorin.Maalintaasi Fogeyd ee Tagteyna Qaar badan Ayaa maanta ka liita oo aan Waxna Qorin,Akhriskuna ku Adag yahay Haddana Madax ah oo Fadhiya Kuraas Dadweyne.Hadal iyo Sheeko Ayaa Ummadeena Dhaxalkii Qarniyo hadhi lahaa ka hortaagan,Dhegta Ayaana ka fac weyn Qoraalka Bulshadeena.Inta wax Qorta,Akhrida iyo Dadka kale Ayaana kumaankum Jeer kala Badan.

Dirida Warqadaha Beryo hore Sidee Ayaad isku Aheydeen Ayaa la weydiyey,Wuxuuna ku Jawaabey in uu Jeclaa Marar badana uu Soo Direy warqado ku Socdey Ehelka iyo Asxaabta ama Lamaane kale intaba.Warqad Waxa ku qoran waa La ilaaliyaa lamana gubo,lama Dhigo Meel uskag ah,Laguma Ciyaaro,Lamana Tuuro,Warqadaha Qaarkood sannooyin badan ka dib waa La nacaa iyaga iyo waxa ku Yaalaba,Warqadaha qaarkood Waa la gubaa ama La jeexjeexaa,Warqadaha qaarkood Sirta ku Dhigan Awgeed La isma tuso,Warqadaha Waa la kala qaata,La uruursadaa,Lagu heshiiyaa,La isku Furaa,Lagu Wada shaqeeyaa,Warqadaha qaarkood waa lagu Dhoofaa,Warqadaha qaarkood waa la isku Xidhaa,Warqadaha qaarkood Waa Abaalmarin waxbarasho iwm.Helida Warqado kala duwan Ayaa dad badani u heelan Yihiin,Warqad Luntey oo muhiim aheydna Waxa ay joojisaa Shaqo socotey.Warqad laguu soo Qoreyna waxa ay ku siisaa Fursad aad Raadineysey.Quruxda iyo Soo dhaweynta Warqaduna waxa ay ku Jirtaa Shaambada iyo Saxeexa saaran marka laga tago Qofka sita.

I soo Dir warqad oo Iska soo Waran Wey Farxad gelisey,Wuxuuna Isla markiiba u Dhaqaaqey Diyaarinta Warqad Xog badan oo Naftiisa ah uu ku Qoro si uu ugu Dhiibo qofka ugu horeeya ee Baxaya.Nooca iyo Midabka warqada Ayuu ka Fekirey oo wuxuu Raadsadey Warqad Bilic soo Jiidasho leh,Wuxuu Ka Fekirey Qalinka iyo Noocyada qalimada kala duwan ee u adeegsan doono si qoraalkiisu u soo baxo,Wuxuu Go,aansadey wakhtiga uu u fadhiisan doono Qorida warqada si uu u bilaabo Mar maskaxdiisu degan tahay oo u helo Erayo Xikmad leh oo ku socoda Qofka sugaaya Warqadiisa,Salaantii ugu Erayada wanaagsaneyd,Ayuu Dusha sare u Xushey,Badhtamaha Warqadana wuxuu ku Faahfaahiyey Waayihiisa Nololeed iyo Wixii u kala danbeeyey intii ay soo kala Maqnaayeen.Ugu danbeyntana Wuxuu ku soo Gunaanadey Is arag danbe oo Xiiso leh,in uu Soo socdo iyo Sida uu u Sugaayo Is araga xiisaha leh iyo Wakhtiga u hadhey soo Guryo noqodkiisa.

Qoraalkii Warqadu wuu Dhanyahay,Waxaaney ku qaadatey Afar habeen oo Xidhiidh ah in uu u qori si uu ku Qanacsan yahay,Maxaad ku Ridaa,Maxaad sii Raacisaa,Ma hadyad Mise Keliya warqad Ayaad Galka ku xidhaa Ayaa haddana ku cusub,Sawir ma Raacisaa,Galka warqaduse Sidee Ayuu noqon doonaa Waa Shaqaada hada hortaala.Yaase baxaaya oo aad u sii Dhiibtaa ama Wakhtiga dhow Diyaar ahna Soo raadi.Waase la baxaa Hadh iyo Habeen oo dadku  intaasi ma Istaago,Boostaduna wey Shaqeysaa.Ma qof Ayaad u dhiibtaa Mise boostada Ayaad u dhigtaa Ayuu kala doortey,Wuxuuna  Doorbidey Boostada Dawlada oo Degdeg ah,Gee Xafiiska oo Qor Guriga iyo Cida Warqada loo Dirayaba,U dhiib iyada oo ku Jirta Gal laga garan karo Halka lagu wado iyo waxa ku qoranba.La qaad oo lala Dhaqaaq loona Qaad Meeshii loo Qorey,Lala socey oo Gashey Safar dheer oo ku Wajahan wadanka la beegsanaayo.

Miye tahay Warqad lunta,Miyey tahayse Warqad la Furo inta ka horeysa Gacanta qofkii loogu talo galay,Todobaad Weli Mey gaadhin Qofkii,Weli Ma hayo iyo Xafiiska Waan Tagey oo wey Gaadheysaa Ka dib waxa Cadaatey in Warqadii Luntey oo ay Raacdey Warqado kale iyo Ciwaan khalad ah.Wey Luntey,Waase la Heli doonaa,Habeeno badan oo  la  Qoraayey,Farxada iyo Sugidii qofkii Loo Qorey iyo Kelmadihii ku Qornaa,Midabka qalinkii lagu qorey,Dherarkii warqada,Galkii iyo Sawirkii ku Dhex Jirey Ayaa Mar qudha aan Maskaxda ka baxeynin oo la Nool.

Si Warqadaasi Dhacdooyinka Aduunka ugu biirto,Isla markaasina u noqoto Warqad Soomaali isku Dirtey waxaan Rajeynayaa in la Heli doonoo 100 sanno ka dib.Warqad Luntey oo Dad Mareykani isku  soo Qoreen oo Keliyi Maaha mid dhacdooyinka ku biirta Ka dib marka La Helo  70 sanno ka dib.

Markaan Arko Qof warqad Raadinaaya ama Meel uu Dhigey garan la ama ay Iska dhex galeen oo aad uga warwersan kuna Mashquulsan Ayaan isweydiiyaa halka ay Nolosha Warqadu ugu Jirto,Waana tii Hore aan Laba Jeer uga Qorey NOLOSHA WARQADAHA,I,II.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories