HomeWarqad Sun xambaarsan oo madaxweyne Obama lagu Socodsiiyey oo Dhexda laga Qabtay

Warqad Sun xambaarsan oo madaxweyne Obama lagu Socodsiiyey oo Dhexda laga Qabtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Warqad sun xambaarsan oo la sheegay in Madaxweyne Obama loo soo diray, ayaa lagu qabtay xarunta hubinta waraaqaha ee Aqalka cad.

Siroonka Maraykanka ayaa sheegay inay ka heleen baadhitaano hordhac ah sun nooca loo yaqaan ricin, warqada madaxweyne Obama loo soo diray, isla markaana hubinaaan inay xidhiidh leeyahiin warqad kaloo soo diray xildhibaan baarlamaanka Maraykanka ka tirsan, lagana helay dareere sun halis ah salaasadii.

Madaxweynaha Maraykanka
Madaxweynaha Maraykanka

Afhayeenka aqalka Cad, Edwin Donovan ayaa sheegay inay warqada ka heleen sirdoonka aqalka cad xarunta hubinta waraaqaha, oo dhamaan waxii soo gala lagu hubiyo. “Xaruntu waxay si joogto ah u hubisaa waraaqaha  iyo xidhmooyinka u baahan hubin labaad, ka hor intaan la gudbin.”

Sirdoonka ayaa la sheegay inay kala shaqeynayaan booliiska iyo FBI baadhitaanka warqadan sumaysan ee loo soo diray madaxweynaha.

Warqad hore loogu diray xarunta Aqalka odeyaasha Maraykanka ayaa laga helay dareere sun halis ah, isla markaana loo gudbiyey xarunta Maryland si hubin dheeraada loogu sameeyo.

Warqadaa ayaa ku caalaamadsanayd in laga soo diray Memphis, Tenn., balse aan lahayn ciwaanka soo diraha.

Xildhibaan Claire McCaskill, ayaa sheegtay in warqadu ka timi shaqsi inta badan waraaqo u soo dira xildhibaanada, balse diiday magacaabistiisa, inkastoo saraakiishu baadhitaan ku samaynayaan.

Suntan ricin ayaa la sheegay inay tahay sun halis weyn leh, si dabiiciyana looga helo midhaha castor, oo saliida laga sameeyo. Suntan ayaa ku jirta hadhaaga saliida laga sameeyo, taasoo sida daqiiqda, ama neef laga dhigi karo.

Suntan ayaa hore la sheegay in loogu adeegsaday dilkii qoraa reer Bulgaria oo lagu weeraray dalad suntaa la soo mariyey. Ciidamada Maraykanka ayaa adeegsan jiray suntan ricin sannadihii 1940-kii, halka sidoo kale wararka qaarkood sheegayaan in loo adeegsaday dagaalkii Ciraaq, sannadkii 1980-kii.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories