HomeWarqad furan oo ku socota Wasiirka Qorshaynta iyo lacagta lagu soo rogayo...

Warqad furan oo ku socota Wasiirka Qorshaynta iyo lacagta lagu soo rogayo qurbajoogga – W/Q: Dhaqaalayahan Abdi Ali Jama

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Salaan ka bacdi, waxa aan holladay qalinka si aan waxooga talooyin iyo iftiimin ah uga soo jeediyo qorshaha qurba jooga  laga rabo in ay bixiyaan lacag yar oo dheeraad ah,  markasta oo ay xawaalad soo dirayaan. Qorshahaas wuxu u baahan yahay in laga baaraandego oo aynu lafagurno sida uu u hirgalayo iyo saamaynta taban ama togan ee uu ku yeelanayo dhinacyada uu khuseeyo.

Waxa jira saddex dhinac oo aasaas u ah hirgalinta mashruucan, kuwaasoo ah xawaaladaha, dawladda iyo muwaadiniinta lacagta bixinaya.  Anigu waxan qabaa in arrintani ay tahay fikrad qurux badan laakiin gidaarka waaqaca madaxa ku dhufan doonta marka la is yidhaa fuliya. Bal aan mid mid u soo qaadanno saddexda dhinac ee mashruucani taabanayo.

Dawladda:

Haddiiba qurbajoogu u hogaansamo mashruucan,  dawladdu ma laha awood farsamo oo ay ku xisaabin karto lacagta ay qubojoogu soo dhigeen. Tani waxay la mid tahay cashuurta iibka ee lagu soo rogay illaa hoteelada cuntada taasoo wasaaradda maaliyaduu aanay haysan farsamo iyo hannaan ay kula xisaabtanto meheradaha, taasina waxay keentaa in qofkii muwaadinka ahaa laga qaado lacagtii, isla markaana aanay lacagtaasi wada gaadhin qasnadda dawladda. Taasina waxay ka dhigan tahay tiiyoo meheradaha loo fasaxay in ay baadhaan jeebadaha muwadiniiinta marka horeba ka dakhli  hooseeyay kuwa meheradaha leh ee ladan(negative impact on income distribution)

Shirkadaha xawaaladaha.

Dhinaca labaad ee arrintani khusayso waa xawaaladaha, kuwaasoo dawladda u qabanaya lacagta. Way adkaan doontaa in ay ina siiyaan macluumaad sax ah oo lagu ogaado lacagtii la soo diray, waayo waxay ka baqanayaan in la ogaado xaddiga  lacagta ay soo xawilaan taasoo sidaynu ognahay immikaba dawladdu dhibaato kala kulanto inay ogaato tirada lacagta dhabta ah ee ay soo xawilaan xawaaladuhu,  si looga qaado cashuurta loo yaqaan cashurrta daqliga(income tax). Haddi ay inoo sheegaan xaddiga saxda ah ee lacagta ay dawladda u soo direen qurba joogu marka mashruucani hirgalo, waxay ka baqanayaan in aynu xisaabin karno lacagta guud ee ay soo xawileen dabdeedna ay halkaa ku dhammato dhibatadii kala haysatay iyaga iyo wasaaradda maaliyadda.  Haddii boqol dollar oo kasta qofka qurba jooga ahi soo raaciyo hal dollar oo kaliya, oo aynu ogaano  wadarta lacagtaas, waxa si sahlan loo xisaabin karaa lacagta guud ahaan xawaaladduhu soo xawileen.  Shirkadaha xawaaladuhuna ma aha qaar intaa aan fahmayn,  sidaa darteed waxan qabaa in aanay xaggooda ka suuragalayn in ay inoo sheegaan xaddiga saxda ah ee lacagta qaadhaanka ah ee la soo diray. Haddii ay sidaasi dhacdana, waxay noqonaysaa in aynu  iyaga marti uga noqonno inta lacag qurbo- joogu dawladda u soo direen, si la mid ah sidii awalba w.maaliyaddu ugu qasbanayd in ay la xaajooto xawaaladaha si ay uga qaaddo cashuurta.

Muwaadiniinta.

Ugu danbayntii dhinaca saddexaad ee mashruucani  khuseeyo waa muwaadinka taasoo arrintani ay keenayso saamayn aan fiincayn oo caddaalad darro ku ah muwadiniinta lacagta soo diraya,  maadaama lacagtu ay ka imanayso dad u badan danyar oo qurbaha  jooga,  isla markaan ay ku dhacayso shirkado xawaalado oo marka horeba ladnaa ama si kale haddii aynu u dhigno,  maadaama lacagtu ka imanayso dad fara badan oo baahsan isla markaana ay ku soo dhacayso  gacmo tiro yar oo ah mulkilayaasha xawaaladaha taasi waxay keenaysaa in la sii kala fogaado xagga qeybsiga dakhliga(inequality gets worse by the project).  Bal ka warran haddii aniga immika qof kasta oo muwaadin ahi ii soo diro hal dollar, saw daqiiqad ku  taajiri maayo!!!! Waxaba aan soo jeedin lahaa inta aynu wan weyn subag ku shubayno, in aynu isla qaadanno mashruuc aynu maalinba muwaadin inaga mid ah aynu taajirino; aan waliba codsigayga raacsadee, aniga ha la  iigu horreysiiyo sacadutul wasiir!!!!!!!!!!

Sidaa darteed waxan ku soo koobayaa talo aan la ruugin waa lagu rafaadaa,  ee aynu isaga nimaadno marka hawlaha ceynkaas oo kale ah la galayo, waayo ma aha dadka aan xilka haynin in ay u fekeraan in laga xigo talada waddanka, kuwa talada hayaana ay is xigsiiyaan talada. Waxan qabaa in arrin walba cidda u ehelka ah ee aqoonta la bidayo ay isaga yimaaddaan oo ay lafaguraan inta aan laga dhigin sharci ku soo baxa amar dawladeed oo aan markaas waxba laga odhan Karin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories