HomeWarqad Furan Oo Ku Socota Marwada Kowaad ee Somaliland: Xadhigga Masuuliyiinta WADDANI!

Warqad Furan Oo Ku Socota Marwada Kowaad ee Somaliland: Xadhigga Masuuliyiinta WADDANI!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

siciidWaxa aan dhambaalkan hawada u marinayaa Marwada Kowaad ee Somaliland ahna Marwada Madaxweynaha Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-Weris), waana mid aan u arkay in uu muhiim yahay. Ugu horreyn, hooyo/eddo iga guddoon milge iyo maamuus aad geydo iyo tixgelin waalidnimo oo aan guudka kuu saarayo.

Magacaygu waa Siciid Maxamuud Gahayr, qoraa, cilmi-baadhe iyo hal-abuur ku nool magaalada Hargeysa. Haddii aan xasuusaha dib u celiyo, waxa aynu ku kulannay madalo uu ka mid yahay xuskii sannad-guurada afartanaad ee qoraalka Afka Soomaaliga oo ay Jabuuti kaga wada qayb-galnay 17kii Disember 2012ka. 08dii Jenewari 2014ka oo Maansoor Hotel lagu qabtay munaasibad shahaado-sharafyo la idinku guddoonsiiyay adiga, Wasiirkii hore ee Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Maareeyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye, waxa aynu kala guddoonay hadyad kooban oo ahayd dhiganaha SAMO-TALS: Diiwaanka Taariikhda Odayga Somaliland Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf, oo aan anigu qof ahaan qoray.

Waxa xus mudan in aan ahaa Qoraagii Ururka SODRA u aqoonsaday qalin-maalkii ugu waxqabadka fiicnaa sannadka 2013ka, waxa taas la igu siiyay abaal-marin aad gacantaada igu guddoonsiisay munaasibad 12kii Jeneweri 2014ka ka dhacday Ambassador Hotel ee magaalada Hargeysa.

Haddii aan muraadkayga sheego, waxa muddo ku dhaw laba bilood magaalada Hargeysa ku xidhan Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Waddani Maxamed Siddiiq Dhamme oo ay maanta maxkamadda gobolku amartay in xorriyadda loo soo celiyo iyo Xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga Waddani Yoonis Axmed Yoonis oo lagu xukumay sannad xadhig ah. Waxa dhallinyaradan loo xidhay weedho ay ka yidhaahdeen iyo bannaan-bax ka dhacay xilli la duminyay deyrar iyo meherado xannibay waddo hor marta Ali Jirde Hotel, jidkaas oo ay dawladda hoose ku sheegtay in loo bannaynayo ciidanka dab-demiska.

Dadka danyarta ah waxa la geliyay cagaf iyaga oo aan digniin iyo ogeysiis midna la siinnin, waana ta keentay gadoodka bulshada. Aniga oo mucaarid ah waxa aan garanayaa dhaqanka iyo asluubta hadalka, marna ma taageero nin fagaare istaaga oo haweenay dhaleeceeya. Haddii aad noo dhibirsanaato, waxa aanu dhiigga iyo dhuuxa u shubaynnaa in aanu kaa difaacno wax kasta oo meel-ka-dhac ku ah xushmaddaada qof ahaaneed. Si kasta oo carrabka looga meermeeriyo inaad lug ku leedahay taxaabista saraakiishan, waxa 100% bulshadu u tuhmaysaa inaad kaalinta ugu weyn ku leedahay qorshaha ay wiilashani u xayiran yihiin. Waxa aan jecelahay in farta la inagu godayaa inaga leexato, xaajaduna ku dhammaato uursamaan, niyadsami iyo laab-xaadhnaan.

Mucaaridnimadu waa xaalad adag, waana tii laguu seejiyay shaqadii aad aqoontaada kaga heshay Haayadda CARE sannadkii 2005ta. Wax foolxun ayay noqonaysaa haddii aynu ku dhaqanno cadaadiskii aynu shalay duurka ka galnay ee aynu dalka u xoraynnay. Xilli aad tababar aqooneed ugu baxday Muqdisho sannadkii 2004ta adiga oo haayad la socda, waxa wargeyskii Maandeeq/Dawan lagu qoray “Xaaska Guddoomiyaha KULMIYE oo Xamar ka degtay”.

Tilmaantaas nacabka kugu hagi karta waxa dhigaalkeeda lahaa Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo ka mid ah badhasaabyada dalka. Haddii aad wax ka tirsatay hadalka masuuliyiintan WADDANI, waxa aan jeclaa in aad u cafido sidaa aad Mustafe-Shiine u saamaxday. Xitaa haddii aanay ku xidhnayn codsi, amar iyo talo aad leedahay, waxa aan sida wedkayga u hubaa inaad kaalinta kowaad ka qaadan karto sii-deyntooda. Ergeynta, waanwaanta iyo hogatuskuna waa mid u furan ummadda Somaliland.

Waan ogahay in xadhigga ay si uun madaxtooyadu ugu lug leedahay uu ka adag yahay kuwa kale, ciidanka booliska iyo xeer-ilaalintuna waxa ay noqdaan ‘hal libaax arkaysaa ma godlato’. Qudhaydana waxa la ii taxaabay amarro ka yimi Madaxtooyada oo aan 88 cisho u xidhnaa sannadkii hore iyada oo wax dembi ay maxkamaddu igu weyday.

Hooyo/marwo/eddo, barbaartu ma aha cadaw dalka ku soo duulay. Keliya waxa ay cabbireen dareenkoodii. Dalkeennuna waxa uu qaatay nidaamka axsaabta badan, qofna ma aha in lagu colaadiyo mabda’a uu qaato. Xisbiga Waddani ma aha argaggixiso iyo aafo god madaw inagu ridaysa, waa mid ku soo baxay codka shacabka Somaliland.

Xadhigga iyo caga-jugleyntu ma dhalaan midho aayatiin leh, waxa ay sii huriyaan dabka, waxaanay labanlaabaan is-nacaybka iyo kala-fogaanshaha ummadda. Wiilasha xidhani waa ubadkaaga oo kale, waa kuwii ku heesi jiray “Wuu dhacay Siyaad, Siilaanyo dhalay”, waxa aan soo jeedinayaa in loo damqado, loo tudho, culayskana laga qaado. Anigu qof baan ahay, haddiiba ay laba ruux is-qabtaan waxa aan mar walba raacaa ka la tun-jileecsado, waxa aan ka soo horjeedaa in xaalkeennu noqdo ‘miskiin baa misko la fuulo leh’. In badan ayaanu cambaarayn wadnaye, waxa ay ila noqotay in aan arrinka si kale uga wareego maanta. Sidaas ayaa ay diirraddayu kuu qabatay.

Ugu dambayntii aniga oo og inaad tahay aqoonyahan, shakhsi aanu qaddarin mug leh u haynno iyo qof maskax furan oo fahmi kara dulucda dhambaalkan aan hawada kuu soo mariyay, waxa aan si xushmad leh kaaga codsanayaa in aad ka hawlgasho sidii Cafis Madaxweyne loogu sii deyn lahaa Xoghayaha Ciyaaraha Waddani Yoonis Axmed Yoonis iyo in Xeer-ilaalintu ka laabato rafcaanka ay ka qaadatay amarka ay maxkamaddu ku sii-deysay Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Waddani Maxamed Siddiiq Dhamme.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

Qoraa, Hal-abuur iyo Cilmi-baadhe

Hargeysa

siciidgahayr@gmail.com, saedmgahair@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories