HomeWarqad Furan Oo Ku Socota GuddOomiyaha Xisbiga Waddani

Warqad Furan Oo Ku Socota GuddOomiyaha Xisbiga Waddani

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Waddani waa xisbiga ugu waqtiga yar marka la eego xisbiyadda imika dalka ka jira ee Kulmiye iyo Ucid, waxaana la asaasay sannadii 2012 xiligaas oo uu ka soo gudbay marxaladii ururnimada oo uu ka qaybgalay dorashooyinka golaha deegaanka ee dalka ka dhacday.

Xisbigu waxaa uu fursad weyn ka helay bulshada reer Somaliland heer uu gaadhay inay ucodeeyaan boqolkiiba afartan 40% dadkii wax dooranayay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacaday dabayaaqadii Sanadkii 2017, wallow aanu ku guulaysan haddana wuxuu ka cod badnaa xisbiyo ka waaweynaa.

blankWaddani waqtigan aynu joogno waa Xisbi mucaarid ah wuxuuna uu haystaa fursadii ugu weynayd ee wax ku mucaaridi lahaa lakiin kama uu faa,iidaysan waayo sababtoo ah waxa uu la kulmay xukuumadii ugu waxqabdka jilicsanayd uguna nugaylka badnayd taas oo meeshii la eegaba ku fashilantay, hadday noqoto wax kaqabashada Caafimaadka, Waddooyinka biyaha iyo Waxbarshada, marka la eego xagga xidhiidka arrimaha dibada, ictiraafi raadinta iyo galista heshiisyadda caalimiga ah waatii ugu gaabiska badnayd iyada oo heshiisyadii ay la gashay qaarka mid ah waddamo uu booqday Madaxweynah imika talada hayee Muuse Biixi ay noqodeen qaar dhicisoobay oo aan waxba ka hirgalin taas oo ay ugu danbaysay kii la lahaa basaboorka Somaliland ayaa lagu tagayaa waddanka imaaradka carabta.

Fursado badan oo laga faa,idaysan karayay way soo mareen Xisbiga Waddani taas oo lagu ku dhisi karayaayay awoodna loogu yeeli lahaa mucaaridnimada xisbigu uu ku dhaliilayo Adeeg la,aanta ay la tiicayaan bulshadii dalka, Maamul Xumada iyo musuq maasuqa xadhkaha goostay ee imika dalku ku suganayahay si uu u kasbado quluub ta dadweynaha hadhow doorashada marka la gaadhàna codkooda ugu meelmaro.

Guddomiyaha Xisbiga waddani waa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo ah Musharixii doorashadii Madaxtooyada ee 2017 laga guulaystay, waa nin Ilaahay Edeb iyo Akhlaaq ku karaameeyay Aadmuhuna Af iyo Adinba ka nabgaleen, muddo 12 Sanno ah ayuu ahaa Guddomiyihii Golaha Wakiilada Somaliland oo ah Masuulka saddexaad ee dalka usareeya, Odeygu waxa uu la qabsaday nolosha muxaafidnimada markii uu dibada uga soo baxay ee baneeyay Xilkii Guddomiyanimada iyo xildhibaanimada mucaaridnimadii waxay ku yeeltay waji kale oo ubaahan inuu waqti galiyo si uu ula qabsado, Mucaaridnimadiisii ugu horeysayna waxay noqotay inuu Komishankii Doorashooyinka Qaranka ee Doorashadii uu ku guuldaraystay qabtay uu kalsoonidii kala noqoday iyagoo aanu dhamaan waqtigii sharcigu u ogaalaa talabdaas ayaa ay dadka falanqeeya siyaasada ay ku tilmaameen il duuf siyaasadeed oo uu Guddomiyuhu ku dhacay isla markaana mudada ugu kordhiyay Golayaashii sharci darada ku fadhiyay.

Ninka kaliyaate maanta Somaliland lagaga dayan karo xagga mucaaridnimada waa Madaxweynaha imika xilka haya Mudane Muuse Biixi Cabdi kaas oo sidii madaxbaanaanid dalka loogu dhawaaqay ahaa Mucaarid isagoo oo xataa xisbigiisii uu ka tirsanaa ee Kulmiye oo talada dalaka gacanata ku haya uu mucaarid ku ahaa waana macalinka kaliyaate laga barankaro habaka waxa loo mucaarido loona gilgilsho dawladaha.

Madaama uu Madaxweyne Muuse Khibrad weyn uleeyahay habka wax loo mucaarido si aan xukuumadiisa jilicsan ee lagu masaalo sida keega aan loo mucaaridin dhamaan xisbiyadii dalka oo dhan waxa uu ka saaray awoodii ay wax ku mucaaridi lahayeen kaas oo markii uu arkay in xisbiyadu awodoodu isa soo tarayso ugu hanjabay in uu furayo Ururadii iyo asaxaabtii badnayd taasina waxay lafjab ku noqotay xisbiyadii dalka ka jiray oo iyaguna awood sidaa u badan ku lahayn bulshada dhexdeeda oo laga aaminsanaa inaanay xisbiyo qarana ahayn ee ay yihiin Ururo Niman Ama Reero leeyihiin, ugu danbayntii qodobkaa uu Madaxweynuhu sheegay waxay xisbiyadii dalka u horseeday inay noqdaan Wasaarad ka mid ah Wasaaradaha uu madaxweynuhu soo magaacabo isla markaana aan sheegi Karin dhaliisha xukuumada iyo wax qabad la’aanta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Waxa kale oo jira dagaalo kale oo uu madaxweynuhu ku la jiro Xisbiyada Mucaaridka gaar ahaan Xisbiga Waddani waxaa ka mid ah.

1: isku shaandahayn kasta oo uu sameeyo Madaxweyne Muuse waxaa uu magaacabaa haldoorka iyo dhalinyaradda ugu cad cad eek u jira Xisbiga Waddani ama dad ay isku jufo yihiin Guddomiyaha Xisbiga Waddani si uu u wiiqo taageerayaasiisha.

2: Masuul kasta oo ka tirsan Xisbiga Waddani isla markaana la arko inuu aad ugu dheeraynayo macaaradad xukuumada waxaa loo soo diraa cid ugu soo hanjabta inay dilayso ama waxaa la soo baadha tariikhdiisii hore taas oo haddii uu shaqo liidata markii hore ka shaqayn jiray inta warbaahinta lala soo fadhiisto lagu caayo sharftiisana meel lagag dhaco.

Cadooyinkaa lagu arkay xukuumada Madaxweyne Muuse waxay sababtay inuu hoos udhaco mucaaridkiisii isla markaana dagaalkaa uu ku hayo Xisbiga Waddani aanay ka warhaynin Madaxada sare ee xisbigu.

Maxay Tahay Fariinta Aan U Dirayo Guddomiyaha Xisbiga Waddani

1: Inuu Guddomiyaha Xisbiga waddani uu sameeyo isku shaandayn xisbiga u noqota qolof rid taas oo u badan xubanaha sarsare .

2: Inuu joojiyo magacaabistan uu samaynayo ee ubadan dhaliyarada sababtoo ah dhalinyaradu wax samayn ah kuma laha reeraha dhexdooda.

3: Inuu sharci adag ka soo saaro Inamadan yaryar ee magaca xisbiga ku hadalyee inatay shir jaraaid qabtaan haddan aan waxba laga faa’iidayn isla markaana dadka ka waaweyn caayay ama aflagaadaynaya taasina waxay hoos u dhigaysaa karaamadii xisbigu bulshada ku dhex lahaa .

4: Inuu sameeyo mucaaridad adag oo ku dhisan aqoon iyo waayo aragnimo

5: Inuu hagaajiyo Xidhiidhka warbaahinta iyo Xisbigiisa ka dhexeeya oo imika aad u liita.

 

WA BILAAHI TAWFIIQ

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories