HomeWarqad Furan Oo Ku Socota Guddomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland

Warqad Furan Oo Ku Socota Guddomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Baanka dhexe ee Jamhuriyada Somaliland waxaa uu ka mid yahay hayadaha dalka iyo dadku ka sugayaan waxqabadka lakiin ka gaabiyay inay daboolaan baahida ay bulshadu qabaan iyadoo ay taasi sababayso hadaba masuulka loo soo magaacabo ee haya maamulka iyo jihayta hayadaasi.

Baanka dhexe waa haayada ilaalisa dhaqaalaha dalka iyo isku badalaka lacagaha qalaad iyo ta dalka leeyahay waana jaangooyaha Sarifka lacagaha qalaad taas oo uu kula xisaabtamyo cidda adeega ka shaqaysa ee bulshada u qabanaysa oo ah haayad ama shaqsi.
Ujeedada ugu muhiimsan ee loo asaasay Baanka Dhexe waa inuu gaadho joogteeyona degenaanshaha sicirka gudaha. Sida ku cad Qodobka afraad ee xeerkaas.

Hadaba ujeeddada loo asaasay baanka dhexe ee Somaliland waa uu ka gabaayiyay amaba waxba kamuu qaban intii loo soo magaacabay masuuliyiintan imika xilkiisa haya, waxaana ka mid masuuliyada ay dayaceen ama ay ku fashilmeen inay jaangooyaan isku badalaka lacagaha dollarka Maraykanka iyo Somaliland shilling.

Waxaa jira in adeeg Zaadka gudihiisa lacagta layskugu dhex sarifo oo ay lambaro ay ku dhex leeyihiin sariflayaasha dalka kuwaas oo uu qiimaha usoo gooyo baanka dhexe ee Somaliland.

Qiimayaasha uu Baanka dhexe soo gooyo waxaa loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah marka uu qofku doonoyo inuu sarifto lacag dollarka Maraykanka isagoo doonaya lacagta Somaliland shilling oo loo yaqaan Gacanta horre/ iibsashada (Buying rate), Iyo inuu qofku sito lacag Somaliland shilling oo uu doonayo in loogu sarifo lacag ta dollarka Maraykanka taas oo loo yaqaan Gacanta danbe iibinta(Selling rate).

Qiimayaasha uu Baanka dhexe soosaaro waxa uu si maalinle ah uu ugu soo diraa qaab fariin taas oo uu soo dhex mariyo shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka lakiin khaladka ugu weyn ee ay galeen maamulka baanku waxay ahayd inay daba galaan fariimaha ay soo dirayaan inay sidoodii ushaqeeyeen iyo inaanay ushaqayn tusaale ahaan sariflayaasha dalku marka ay bulshada dollarka Maraykanka ka uruursanayaan ama ay ugu badalayaan Somaliland shilling waxay isticmaalaan qiimihii uu Baanka dhexe Somaliland soo saaray, laakiin marka uu qofku doonayo inuu iibsado dollarka Maraykanka isagoo sita Somaliland shilling kuma saleeyaan fariintuu uu baanku soo diray ee waxa ay ku iibiyaan habka loo yaqaan suuqa madow iyagoo samaystay sixir (rate) u gaar ah waana ta keentay fashilka ugu weyn ee ku yimi awaamiirtii uu Baanka dhexe soosaaray ee ku salaysnayayd isku badalka lacagaha qalaad iyo shilling dalka.

Haddii aad istidhaahdo adigoo lacagta shilling Somaliland ku haysta adeega zaadka aad istidhaahdo ka badalo sarifle adigoo isticmaalaya adeega zaadka ee sariflayaasha kama helaysid waxa udhigma 100000slsh oo marka la badalo moqanayso waxaan gaadhin $12 dollarka Maraykanka iyagoo markaas ku soo diraya fariin udhigan (Fadlan Sarif lahan lacag ku filan uguma jirto) haddii aad isla waqtigaa aad wacdo lamabarka caadiga ah ee sariflahaas oo aad waydiiso lacag inuu hayo lacag dollarka Maraykanka wuxuu ku odhanaya “waan hayaaye laakiin waxaan kaa siinayaa qiimahaas ee waxaad samaysaa lacagata ku soo dir lamabarkayga caadiga ah” heshiiskaa dhex maray labadaa qof iyadoo laga faa’iidaysanyo baahida ay bulshadu uqabto lacagta dollarka Maraykanka madaama baahiyihii aasaasiga ahaa laga dhigay in lagu iibasan karo lacagataas oo kaliyaata sida Laydhka, Raashinka, biyaha, waxbarashada, iyo Adeegyada isgaadhsiinta ee shirkaduhu iibiyaan.

Markaa waxay taasi meesha ka saaraysaa Awaamiirtii iyo sixirkii uu Baanka dhexe ee Somaliland soo saaray si uu u xakameeyo isku badalaka lacagaha, iyadoo amarka uu jabiyay sariflahaasi tahayna in lagula xisaabtamo ama uu Baanka dhexe kala noqodo ruqdasa isku sarifka ee uu ku shaqaynayo.

Maxay Tahay Fariinta Aan Udirayo Guddomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland?

  1. In uu Guddoomiyaha Baanka la xisaabtan buuxa ku sameeyo sariflayaasha dalaka gaar ahaan kuwa hargeysa wixii awaamiirta uu saasarna qaadan waayana uu kala noqodo ruqsada ay ku shaqaynayaan
  2. In uu Guddomiyaha Baanka dardar galiyo shaqada baanka dhexe ee Somaliland oo gaabis ku jira tan iyo intii uu la wareegay xilka hayaadaasi.
  3. In uu Guddomiyaha Baanka uu cida kastoo aqoon u leh Arrimaha sarifka.
  4. Inuu Guddomiyaha Baanka la dagaalamo inta awoodiisa inaan dalku galin sarif barar.

WABILAAHI TAWAFIIQ
W/Q: Cabdiraxiim Cabdilaahi Shiine

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories