HomeWarqad Furan Oo Ku Socota Gole Weynaha Baarlamaanka Somaliland

Warqad Furan Oo Ku Socota Gole Weynaha Baarlamaanka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Marka Hore Way Salaamanyihiin Guud ahaan Xubnaha Goolahe Weynaha Wakiilada Somaliland, Warqadan furan ee aan u diraayo goolaha ayaa Murtida ayey u jeedadeedu tahay Shacabka dalka oo golaha wakiilada u arkay kuwo Khilaafkoodu Halis baaxad leh ku abuuri karo dalka.

Dulucda qoraalkani Wuxuu Xambaarsanyahay “Mudanayaal Mustaqbalkii Dalku gacantiina ayuu ku jiraa Ee Dhuuni iyo Hunguri ka raaca Mustaqbalka Ifaaya Ee Somaliland Ama Noqo Badbaadiye Dalkiisa iyo Hantida Shacabka ee Qaranku leyahay”

Khilaafka Laxaadka leh ee ka dhexe aloosan goolaha wakiilada Somaliland waa mid marka labada dhinac ee khilaafku ka dhexeeyo la eegaba aanay ka maqnayn qush qushayn iyo dabada ka gujin laga dambeeyo, Halka labada dhinac ee khilaafku ka dheexyo
sida ay bulshadu u arkaan aanay u muuqan kuwo ay ka. dhabtahay wax ay u dagaalamayaan, Bal aan Dhinac walba sidiisa u fiirino.

DHinaca Gudoomiyaha Barlamaanka:

Garabkan Isaga ah ee Uu gudoomiaya Barlamaanku Hogaanka u hayo, waxaa guud ahaan Shacabku ku dhaliilayaan in aanay dhab ka ahayn u hiilinta hantida qaranka ee hadda la isku hayo ee ah Haamaha shidaalka ee Berbera, Halka shacabku u daliishanayaan Hanti hore oo qarankani leeyahay oo ay kamid tahay Warshadihii laydhka ee Berbera iyo Hargeysa oo hore u galbaday, Hanti badan oo dhul ah oo iyaguna hore u galbaday, Iyo Hadda oo La hadal hayo Kiraynta dekeda berbera oo Aanu ka Hadal laakiin midan maanta ee khilaafku ka taaganyahay ay tahay mid isagu uu si gooni ah uga dhex raadsanaayo bulshada taageero gaar ah.

Gudoomiye Baarlamaan bad baadi Dalkaaga iyo dadkaaga oo ugurmo hantida qaranka ee aad u aragto in waddo sharci daro ah ay ku socoto, Laakiin u adeegso nidaam sax ah oo aad bulshada si taban wax ugu fahamsiin karayso, Ogowna Inta bulshadu kaa dareento Daacadnimo Ayey Kugu taageerayaan.

DHinaca Wakiilada Kulmiye

Mudanayaal Ma ogtihiin in Idinka la iidiin doortay In aad Maanta Badbaadisaan Hanti kasta oo qaranku leeyahay ma ogtihiin Dadkii hadh iyo Habeen Sacabka idila garab taagnaa in ay maanta ka niyad jabsan yihiin ficilada aad ku dhaqaaqaysaan.

Adiga ayaa masuul ka ah Wax kasta oo waxyeelo Shacabka iyo qaranka soo gaadhay, Ha noqonin kuwo u daba dhilifyo ah Niman kale, loona soo adeegsado in lugu meel mariyo Rayi iyo afkaaro khaldan.

Luguuma dooran in aad Ninka madaxda ah ku taageertid khalad uu ka galay wadanka iyo shacabka ee waxaa luguu doortay in aad ka hor istaagtid khaladkaas, Ogow Oo afka aad shalay Maya Ku lahayd Yaanu Maanta Haa kasoo yeedhin, Waayo Waa ayaan darro Nin weyn oo laba hadal ku kala hadlay go’aan yeelo  oo fadlan Ha noqon Dhuuni raac ee noqo Dadkii raac.

Warqadan Furani waa iga talo iyo tusaale aan kula hadlaayo labada dhinac ee khilaafku u dhexeeyo maaha mid aan qolana ku taageerayo midka kalena aan ku guneynaayo, Guntii iyo gabo gabadii Noqoda gole isku duuban Bulshaduna way idin daawanaysaa Beri marka aad Xilka ka degtid ayey taarikhdaadu Bilaabaysaa wixii Dheef iyo Hadimo ah ee aad qarankan la dhex joogtay.

Ha noqonina kuw Beri ka maalin La yidhaah Kaasi waa Hebelkii Lacagta jecelaa, Ha noqonina kuwo Marfishyada iyo Goobaha la iskugu yimaado Xumaantiisa lagaga sheekeeyo ee Noqo Mid wanaagsiia iyo tarikhdiisa lagaga sheekeeyo.

MAHADSANID

Mr.Hamse Bashe Mohumed-Wiyeer

BBA-Accounting And Finance

252-63-403 8503

Xamse18@gmail.com

Hargeysa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories