HomeWarqad Furan: Baarlamaanku Ma Ogyahay Heshiisyada Qarsoon Ee Madaxda Dalka Iyo Shirkadaha...

Warqad Furan: Baarlamaanku Ma Ogyahay Heshiisyada Qarsoon Ee Madaxda Dalka Iyo Shirkadaha Sahaminta Macdanta Iyo Shiidaalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Waxaan Illaahay ugu mahad celinaya inuu  ii sahlay maqaalkan, kuna saabsan shacabka reer Somaliland hantidooda. Waxaanan  kusoo qadanayaa maqaalkan oo aad u mihiim ugu ah shacabka Somaliland oo ku saabsan Wasaaradda, Macdanta, Tamarta iyo Biyaha (WTB) in wasaaraddaasi ay la xidhiidheysey  qorshe ah sanadihii u danbeeyey  Qandaraas shirkaddo shisheeye, shirkaddahaas oo WTB ay siisey liisanka ama  sahaminta batroolka, macdanta iyo gaaaska.

Waxaa marba marka kasii dambeysa sii badanaya, Fadeexado iyo lunsasho Hanti Dadweyne oo kusoo baxaya Madaxda Sare Sare ee ka taliya Qaarada Afrika, taasoo caalamku indhaha ku hayaan una saareen Gudiyo Garsoor iyo Guddi Kormeer ah oo hoos taga Qaramada Midoobey, ilaaliyana musuqmaasaqa ka faa’iideysiga mashaariicda ama lunsiga kheyraadka dabiiciga ah ee hantida shacabka ka dibna u beddeshaan ganacsi gaar loo leeyahay.

Waxa dhowaan soo shaac baxay in la magacaabay xilal qarsoodi ah Madaxtooyada Somaliland dad ku dhow dhow, loona  magacaabay Heshiisyada gaarka ah ee Kheyraadka dalka.

Waxa su’aal u baahan in uu baarlamaanka iyo ummada reer Soomaliland muhiim u ah iney ogaadaan shirkadahan Sahaminta Batroolka iyo Macdanta halka ay ka yimideen, shaqada ay hayaan iyo halka ay hiigsanayaan, iyadoo ay runta tahay in ay yihiin shirkado aad iyo aad u mug yar, dhaqaalla badan oo wax qabadeed ama baadhitaaneed aanay laheyn ama heli karin. Balse ay jirto xidhiidh iyo heshiisyo gaar ah oo ay wada yeesheen madaxda sare ee dalka si ay u suurtowdo in uu hamigoodu noqdo in ay gacanta ku dhigaan kheyraadka dabiiciga ah ee dalka iyo Maareynta shidaalka Somaliland.

Muxuu yahay heshiisyada qarsoodiga ahi ama baarlamaanku ama shacab weynaha reer Soomaliland aaanay ogeyn­? Anigoo si faahfaahsan idiinku soo gudbin doona, aan inyar idin tuso, sida ku cad saamiyada la kala iibsaday ilaa ganacsato Carbeed  wax ku leeyihiin kheyraadkeeni iyo dad dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland laakiin haysta dhalashooyin Ajnabi,  ka akhri halkan http://www.ophir-energy.com/assets/somaliland#licence  tasoo aad ka dheehan kartid runtii, Percentage ama tiro aad u badan oo ay shirkado shisheeya lahaadaan iyo Maamulista Maareynta Batroolka iyo kheyraadka dalka Somaliland, marka loo eego shirkadahan Orphin, Asante, Australia Jacka Farms Resources iyo kuwa kaleba oo haba yaraatee wax qarash ah oo la taaban karo aanay ka gelin howlahan cilmi-baadhista shidaalka ku saabsan, ama haddey noqon laheyd wixii kalee horumarin arrimaha bulshada ee dalka ku saabsan oo aanay waxba ka geysan, kheyraadkii dabiiciga ahna dalka ka guranaya.

Qoraalkeygaan aan ugu tallo galey in aan dareen geliyo shacabkayga iyo golaha Wakiillada, waxaan u sheegayaa inaan maqaalkayga dambe ku soo gudbinayo, sida, Macluumaadka guud ee shirkad walba, Sharciga Maareynta Kheyraadka dabiiciga ah, Madaxda dalkeena ilaa inta ay kaga jiraan ama ashkhaasta ku lug leh arrimahan iyo waxa la gudboon Baarlamaanka, kuna soo gudbin doono dukumentyo cadeynaya arrimaha aan soo sheegay.

Prof. Mohamed Ahmed Farah (Jaafaa)

Jaafaa66@yahoo.no

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories