HomeWarqad aakhiro ka timid

Warqad aakhiro ka timid

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Kelmado af-carabi ah oo aan fahmi waayey ayaa si xoog ah ku soo jiidhay debnihiisa iyaga oo soo tuuryaynaya candhuuf sida roobka u rushaynaysa cid kasta oo hor taagan. Ka ma dhigna inaan fahmay hadalka uu yidhi balse cagahayga ayaa u dhaqaaqay dhankii doonida. Aan idhaahdee laashka. Laashka rabadhka ka samaysan ee dhowrka meelood ka ragcan. Lugta midig ayaan dhex dhigay laashkii, lugtaydii bidix ayaan weli kasoo dhammaan berriga Liibiya.

Buuq iyo qaylo kadib, saacad wax dhiman kadib ayaanu dhaqaaqnay. Badhidayda lafaha u badan ayaa sida irbadda ugu mudan sagxadda laashka. Jilbahayga ayaa soo laaban oo gadhkayga hadhsanaya. Gacmahayga ayaa sida xadhiga ugu soo laabmaya mijahayga seefta ah. Waan uruursanahay sidii ilmo uur ku jira. Muddaan sidaa ahaa, muddooyin kalena waan sii ahaan doonaa. Xanuun iga soo gaadhay jug ay si hagar la’aan ah iigu hubsatay heblaayada buuran ee iga soo horjeeddaa mar aan is idhi lugaha fidso ayaa asluub aan la’iiga baran korkayga huwisay.

Muddada aanu illaa hadda badda ku jirnay ayaa garaadkaygu sixiddeeda ku guuldarraystay. Maskaxda oo aan iga helin tamar ay ku shaqayso ayaa iga canaadday inay dib u tiriso maalmaha. Horto laba cadceedood way soo baxeen. Kolley intaa in le’egna way dhaceen. Laakiin mar haddaanan ogeyn inta cadceedood ee soo bixi doona intaan badda korkeeda joogo, maxaan kaba tirin? Haddii aad is tidhaahdo qof wax weydiina mid carab ah oo meesha taagan sidii malaggii nafta qaadayay ayaa shaabuug dheer sita qofka uu doonana ku dhufanaya. Sida edaabta badan ee dadku u fadhiyaan markaan arko waxaan soo xasuustay malcaamaddii quraanka aan ka dhigan jiray.

Safarkan intii aanan bilaabin waxaan ugu jeclaa laba xilli oo maalinta ka mid ah, marka ay cadceeddu soo baxayso iyo marka ay dhacayso. Labadii mid baan nacay. Qorraxdu marka ay soo baxayso aad ayaan u jecelahay. Waan soo dhoweeyaa. Qoortayda oo culayska madaxa la dheelliyaysa ayaan kallifaa si aan uga bogto cadceedda. Rajooyin nacasnimo u badan ayay igu abuurtaa. Maalinta oo dhan in ay keligay ii iftiimayso ayaan moodaa. Marka ay shaqadeeda dhammaysato ayay iska hoyataa. Waa marka aan ugu necebahay. Cadceed sii dhacaysa. Waxa aan ogahay waxa ka dambeeya. Indho la’aanta ka dambaysa. “Habeen waa hiil” ayay ayeeyday ku maahmaahi jirtay. Anna waan u soo joogay. Habeennadii hore xiddigaha cirka ku suntan ayaan daawan jiray. Balse caawa xaalku waa ka geddisan yahay sidii hore. Isna uu hagoogtay. Daruuro ayuu xijaab ka dhigtay. Malaha waan ku indho batay. Malaha eegmadaan ku badiyay.

Alla madoobaa. Dhan kasta mugdi ayaa iga xiga. Hoostayda badweyn ayaa jiifta. Korkeeda dhibic yar ayaanu ku nahay. Dulqaad ay u dhalatay ayuun bay nagu siddaa. Sanqadha ka imanaysa biyaha ku dhacaya janbiyada oo ay weheliso gurxan hoose oo af-carabi u badan wer-werna ka muuqdo ayaa dhegahayga si tuugo ah u soo gaadhaya. Hurdo aan u kala saari waayey in ay carruurnimo iga keentay iyo in ay tamardarro iga keentay ayay naftu ka door-bidday soojeedka.

Badhidaydii dhulka ku mudnayd oo dhulka ka korraysa, culays heblaayo buuro dusha igaga tuurtay, qabowga dhibcaha roobka ee sida rasaasta wejigayga ugu laba dhacaya iyo qaylada mar keliya uun aguugtay ayaan ku toosay. Baddii inay kacday ayaan markiiba dareemay. Dulqaadkeedii inuu dhammaaday ayaan markiiba fahmay. Inay igu waddo meel ay kumanyaal hore geysay ayaan markiiba xaqiiqsaday. Dhowr suuradood oo jis camma ah oo ka sii noolaa shan jis oo aan beri hore korka ka hayey ayaan subcintooda bilaabay. Adduunka waxa ugu foolxun dumar barooranaya, waxa kasii foolxun rag u jiibinaya. Labadiiba caawa way kulmeen. Anigu faatixadaan ku adkaystay. Dhowr duco oo aan aqaannayna waan ku ladhay. Toloow janno ma tegayaa haddaan dhinto? Inaan ashahaadda ku go’o ayaan go’aansaday, Ilaahayna siduu doono hadhow ha’iga yeelo.

Anigoon hadalkiiba dhammayn ayaa mawjad cadhaysani hoosta naga martay. Rabadhkii aanu saarnayn ayaa kor u booday sidii ey rabbaysan. Samadaasaanu tagnay. Haddana way naga hoos baxday. Meel hoosaanu tagnay. Show walaasheed oo cadhaysan ayay noo sallaxaysay. Mid kaloo firfircoon ayaa dhankaa nagaga timid. Sidii kubbad Carlos uu laagay ayay meel fog nagu tuurtay. Kolley cayna way noogu dartee annagaan maqlaynin. Dadkii laashka saarnaa midba meel ayuu kaga hagaagay badweynta sidii huube la saydhay. Nasiibkayga ayaan ka qaaday. “Bac” ayaan ku idhi korkeeda oo ka adag sibidh la shubay. Haddana albaabbada ayay iga furtay si aan hoos ugu dhaadhaco. Nin badweyn u heshiisay ayaan noqday. Waa aniga iyo badda. Bad cadhaysan. Nafta oo aan weli la’i odhan keen ayaan sii diyaarshay. Labaatan sanno ayaan noloshanba ku lahaa. Hooyaday inaan ka ilmaysiiyo ayaan u soo koray. Aakhiradayda inaad ku ciyaaro ayaan u soo tukaday. Inaan naftayda halligo ayaan wax u soo bartay. Jidhkayga boqolkiiba sagaashan ayaa biyaha ka hooseeya. Dhowr mawjadood oo cadhaysan ayaa madaxayga ku kulmay. Waxay u tartamayeen in ay i qisaasaan. Meel aan hawo lahayn ayay ii dhaadhiciyeen. Waxyar markii aan ka hor taagnaa inay sankayga galaan ayay xoog igu jiidheen. Sambabkaygii biyo ayaa buuxshay. Gariir ayaan dubaaxiyay. Haddana xubnahaygaa dabcay. Waanigaa is…

Ismaaciil Ubax

Hiilqalin

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories