Home“Warka Odhanaya Wuxuu Waabeeye Ku Biiray Waddani, Wax Ka Jiraa Ma Jiraan,...

“Warka Odhanaya Wuxuu Waabeeye Ku Biiray Waddani, Wax Ka Jiraa Ma Jiraan, Anigu Isbahaysiga Ayaan Ka Mid Ahay, Waxaanu Ku Tashano Ayay Taladayadu Noqonaysaa” Waabeeyo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye oo ah guddoomiye xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE islamarkaana ka tirsan siyaasiyiinta isbahaysiga KULMIYE, ayaa beeniyay inuu ku biiray xisbiga Waddani islamaraana uu guddoomiye Cirro ku weheliyay safariwacyigelin ah oo uu ku marayay deegaano ka tirsan Gobalka Togdheer.

Xildhibaan Waabeeye oo u waramay Geeska Afrika, wuxuu sheegay inuu muddo safar wacyigelin ah ugu maqnaa gobalada Togdheer iyo Oodweyne, waxaanu sheegay in wefti uu horkacayo guddoomiye Cirro oo ay xildhibaano ka mid yihiin ay ku kulmeen magaalada Laan-mulaaxo ee gobalka Togdheer oo uu xildhibaanku ku sugnaa, “Sidaad la socotaan waxay diiwaangelintii ka bilaabantay gobalka Togdheer, maadaama oo aan ahay xildhibaan laga soo doortay gobalka Togdheer, waxaan ka qayb qaatay wacyigelinta diiwaangelinta ee Togdheer iyo Daad-madheedh, waxaanan safarkayga ka bilaabay Oodweyne anoo markii dambena gaadhay xuduudka Hawdka halkaas oo aan dadka ku wacyigelinayay inay qaataan kaadhka codaynta doorahada.”

Xildhibaanka oo sharaxaya sida ay guddoomiye Cirro iyo weftigiisa ugu kulmeen deegaanka Laan-mulaaxo wuxuu yidhi “Khamiistii anoo jooga Laan-mulaaxo oo wacyigelintii wata waxa igu soo maray Guddoomiyaha Waddani iyo wefti uu horkacayo oo xildhibaano ka mid ahaayeen, waxaanay halkaas nala joogeen in ka yar saacad, waxaanay noo dhaafeen khaatumo oo ay qado ku lahaayeen. Waxaan ka mid ahaa dadkii ay deegaankas ugu yimaadeen, waxaanan anigoo ku hadlaya afka isbahaysiga ku soo dhaweeyay magaaladaas Laan-mulaaxo oo aan idhi ku soo dhawaada, waxaanan ahay guddoomiye xigeenka KULMIYE weliba isbahaysiga dimquraadiyad doonka ayaan ahay, laakiin sidii caadada iyo dhaqanku ahaan jiray waxaan idinku soo dhawaynayaa magaalada aad iigu timaadeen. Intaas markaan idhina waan ka baxay kulankii oo iyagaa sii watay wacyigelinta iyo kulamadoodii kale, waxaanay markiiba noo dhaafeen deegaanadaas kale.”

Ugu dambayn xildhibaanku, wuxuu yidhi “Markaas warka odhanaya wuxuu Waabeeye ku biiray Waddani, wax ka jiraa ma jiraan, anigu isbahaysiga ayaan ka mid ahay, koox ayaanan nahay wixii aanu ku tashano ayay taladayadu noqonaysaa, aniguna ma ihi nin saaxiibadii ka rayi iyo tallo duwanaanaya, dadkuna markay safar ku jiraan deegaanada way ku kulmi karaan oo weligeedba waanigii annagoo KULMIYE ah deegaanada iyo magaalooyinka ku kulmi jirnay UDUB. Markaas warkaa waxba kama jiraan, isbahaysiga ayaanan ka mid ahay, welinka halkaygii ayaan ahay, talada la qaatana waan la qabaa.”

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories