HomeWARJIRE: Xogta iyo Xusuus-qorka ku Duugan Buug uu Qoray Suxufi Axmed Siciid...

WARJIRE: Xogta iyo Xusuus-qorka ku Duugan Buug uu Qoray Suxufi Axmed Siciid Cige oo Hargeysa lagu Daah-furay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Waxaa magaalada Hargeysa xalay lagu qabtay xaflad aad u heer-sarraysa oo lagu soo bandhigay buug uu qoray ruug-caddaa saxaafadeed Axmed Siciid Cige oo muddo 20kii sanno ee u dambeeyey ka shaqaynayey Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Buuggan oo loogu wan-qalay ‘WARJIRE’ ayaa uu khabiirkaasi kaga hadlayaa waxyaabihii uu soo joogay amaba uu soo tabiyay iyo weliba xasuus qorkiisii muddadii ku dhawaad dhawr iyo afartanka sano aheyd ee uu ku dhex jiray warbaahinta Soomaalida.

blank
JELDIGA SARE EE BUUGGA

Qaar ka mida dadka buugga soo akhriyey oo uu ka mid yahay Cabdikariin Axmed Xinif oo sheegay waxyaabaha buuggani kaga duwan yahay buugaagta kale ayaa yidhi: “Axmed buugga waxa uu ka qoray wixii uu isagu goob joog ka ahaa, Axmed ma uu fasirin oo aragtidiisa kuma uu darin dhacdooyinka uu soo tebinayo, laakiin dadka ayuu u deynayaa inay aragtidooda ku cabbirtaan”. Sidoo kale waxa uu sheegay in buuggani saxayo taariikho badan oo dhallinyarta danbe si khaldan u haysato.

Dadka buuggan akhriyey oo uu ka mid yahay Cabdi Maxamed Xasan Buuni ayaa isna sheegay: “Waxa isoo jiitey in buuggan ay ku jiraan dhacdooyin farabadan oo ay tahay in dadka dib loo xasuusiyo, kuwaas oo xiiso gelin lahaa waxaana ka mid ah, in uu u soo joogay Somaliland gudaheeda intaas oo doorasho madaxweyne, oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Cigaal, Daahir Rayaale, Siilaanyo iyo Muuse Biixi, isagoona soo tebiyey dhacdooyin farxad iyo murugo lahaaba”, Sidaas ayuu yidhi Cabdi Maxamed.

blank
Suxufi Axmed Siciid Cige

Axmed Siciid Cige, ayaa isna laftiisu sheegay in ujeeddada uu qorista buuggan ka lahaa ay tahay in aanu taariikhda la dhiman oo uu ugu talogalay inay ka faa’idaystaan dadka Soomaaliyeed.

Axmed ayaa sidoo kale sheegay, sababta uu magaca Warjire ugu xushay buuggiisu ay tahay, maadaama uu geel-jire ahaa yaraantiisii, markii dambena noqday war-jire soo tebin jirey wararka.

Axmed waxa uu si rasmi ah ugu biiray laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da 15-kii January,1999-kii. Waxaana uu la kowsaday xilli siyaasadda Soomaalidu ay meel xun mareysay oo la waday qabanqaabadii shirkii dowladda KMG-ka ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti lagu soo dhisay.

blank
Axmed Siciid Cige oo ka dhex-muuqda Socdaal ay Hargeysa ku timi Kaaliyihii Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Jendayi Frazer oo madaarka lagu soo dhaweeyey, Sannadkii 2008-dii.

Somaliland oo uu uga soo warramo BBC ayaa madaxweynaheedii xilligaas, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, iyo baarlamaanka iyo guurtiduba ay go’aamiyeen in qofkii Somaliland u dhashay ee ka qayb gala shirka Carta ee dib u heshiisiinta Soomaaliya uu galay khiyaano qaran.

Diyaarad ay saaran yihiin mudanayaal ka tirsanaa baarlamaanka Jabuuti iyo odayaal kale ayaa ka soo degtay garoonka Hargeysa sannadkii 2000, iyagoo rabay inay ku qanciyaan Somaliland in shirka Carta ay timaado, laakiin waxaa madaxweyne Cigaal uu amar ku bixiyay in aanay dhulka u soo degi karin ee ay dib ugu noqdaan Jabuuti. Axmed Waxa uu ugu dhex tegay garoonka si uu u helo xaqiiqada oo BBC ugu tebiyo. Wararkaas iyo kuwo kale oo waaweyn ayuu muddadaa labaatanka sano ahayd Axmed u soo tebiyey BBC, sida ku xusan buuggiisa.

Xigasho: BBCSomali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories