HomeWariye Aamina Muuse Weheliye oo Ka Diga-rogatay Telefishanka Universal

Wariye Aamina Muuse Weheliye oo Ka Diga-rogatay Telefishanka Universal

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

aamina muuseLondon (SLpost)- Wariyaha Caanka ah ee Aamina Muuse Weheliye oo hore uga tirsanayd telefiishanka Xaruntiisu tahay magaalada London ee Universal, ayaa maanta si rasmi u shaacisay inay ka tagtay shaqadii ay Telefishankaas ka haysay.

Wariye Aamina oo hadda oo ku sugan Dalka Ingiriiska Qoraal kooban oo ay warbaahinta soo gaadhsiisay ku shaacisay shaqo ka-tagisteeda, waxa ay sheegtay inay u wareegtay isla markaana ka tirsanaan doonto hawl-wadeennada telefishanka Xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa ee Horn Cable Tv.

Qoraal Aamina ayaa u dhignaa sidan:  “Maanta oo bisha March tahay 8, sanadka 2013-ka waxaan idiinla socodsiinayaa, in aan iska casilay si rasmi ah shaqadii aan u hayey taleefishanka UNIVERSAL oo aan la soo shaqeeyey si sharaf leh muddo ku dhow laba sannadood.

Waxaan u rajeynayaa mulkiilaha, maamulka iyo shaqaalaha walaalaheyga ah meel kasta ooy dunida ka joogaan, horuumar iyo badhaadhe, tageerayaasheyda waxaan leeyahay idinkama tagine, gurigii uun baan ka guuray, midka cusub oo aan degayna marti kama tihiin, waana isla socon doonnaa, iskana war qabi doonaa haddii eebbe yidhaahdo.

Barnaamijyadii aad iiga barateen ee NALA FIIRSO, BANDHIGGA AMINA iyo kuwo kale oo hor leh-na waxaad ka daawan doontaan HCTV oo ay iminka suurta-gashay inaan wada gaadhno heshiis wada-shaqeyneed oo rasmi ah, ka dib markii wadahadal iyo gor-gortan shaqo oo culusi uu noo socdan aniga iyo milkiilaha Taleefishankaasi Farxaan Xaaji Cali, tan iyo bishii MAY ee sanadkii hore ee 2012-kii, gor-gortaankaas oo ay dad farabadan oo kale oo Soomaliyeedna ka qeyb-qaateen,

Waxaan idin leeyahay kulligiin nabad iyo caano ku noolaada.”

Amina Muuse Weheliye.

Luton, Bedfordshire.

United Kingdom.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories