HomeWariya La Xidhay Kadib Markii Magaca Madaxweynaha Oo Warka Ku Jiray Uu...

Wariya La Xidhay Kadib Markii Magaca Madaxweynaha Oo Warka Ku Jiray Uu “Mudane” Ka Horreysiin Waayey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Aljeris (SLpost)- Maareeyaha guud ee talefishanka dalka Aljeeriya ee Cannal Algerie Tawfiiq Khalaadi ayaa shaqada ka eryey saxafi caan ku ah warbaahinta oo lagu magacaabo Axmed Laxri oo wararka ka akhriyey jiray talefankan, isaga oo lagu eedeeyey in isaga oo warka jeedinaya uu galay qalad fool xun kadib markii magaca madaxweynaha dalka Cabdalcasiis Buu Tafliiqa uu sheegay isaga oo aan ka horreysiin erey sharfid muujinaya, tusaale ahaan aan odhan Mudane ama Sayid Cabdalcasiis Buu Tafliiqah.

3537218-Abstract-vector-color-map-of-Algeria-country-Stock-Vector-alger

Maareeyaha talefishanka Tawfiiq Khalaadi ayaa ku dooday in ficilkaas uu ku kacay wariyuhu ee ah in magaca madaxweynaha uu ka horreysiin waayo kelmad ixtiraam iyo sharfid muujinaysaa ay tahay khalad dhinaca xirfadda ah iyo xaqiraad aan la aqbalin karin oo uu kula kacay madaxweynaha dawladda oo ah astaanta ugu sarraysa ee qaranka.

Wariye Axmed Laxri ayaa isagu ku dooday in aanu arrinkaasi badheedh ka ahayn balse uu u dhacay si aan ku talogal ahayn. Warkan oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa dadweynaha dalka Aljeeriya ka dhex abuuray xiisad iyo dood kulul, gaar ahaan dhalinyarada oo sheekada iyo doodda la xidhiidha aad isugu dhaafsanayey Bar-kulannada bulshada ee internet ka.

Isla maalinta ay arrintani dhacday ayaa gabadh wariye ah oo iyaduna warka ka akhriyeysay talefishanka A-Shuruuq Tv ee dalkaasi ay sidan oo kale uga tagtay in magaca madaxweynaha ay ka horreysiiso kelmad muujinaysa sharfid iyo ixtiraamid, iyadana isla markiiba shaqada ayaa laga joojiyey waxaana arrinkeeda loo gudbiyey guddi anshax marin ah. Dalka Aljeeriya ayaa ka mid ah dalalka sida aadka ah loogu eedeeyo cabudhinta warbaahinta iyo guud ahaanba dhowrista xorriyadaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories