HomeWargeysyada ka soo Baxa Hargeysa oo Ka Maquurtay Daabacadda Warkii Furitaanka Dib-u-Dhiska...

Wargeysyada ka soo Baxa Hargeysa oo Ka Maquurtay Daabacadda Warkii Furitaanka Dib-u-Dhiska Madaarka Hargeysa iyo Asbaabaha loo Aanaynayo Arrintan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

latest SL newsHargeysa  (SLpost)- Jariiradaha Madaxa-bannaan ee ka soo baxa magaalada Hargeysa, ayaa gebi ahaan ka muquurtay daabacadda warkii furitaanka dib-u-dhiska iyo casriyeynta lagu sameeyey madaarka Caalamiga ah ee magaalada Hargeysa, ka dib markii wasaaradda Duulista Hawada Somaliland iska hortaagtay inay ka qayb-qaataan tebinta munaasibad madaxweyne Siilaanyo Xadhigga ka jaray.

Wargeysyada ka soo baxa caasimadda Hargeysa oo tiradoodu gaadhayso ilaa dhowr iyo toban jariiradood oo maanta oo Axad ah intooda badani soo baxeen, ayaan haba-yaratee wax war ah ka qorin isla markaana aan daabacin warkii furitaanka madaarka Egal International Airport ee Caasimadda, ka dib markii amar ka soo baxay Wasiirka Duulista Hawada shalay lagaga horjoogsaday wariyeyaashii ka socday jariiradaha iyo Website-yada inay gudaha u galaan Madaarka Hargeysa oo gudihiisa lagu qabtay munaasibad ballaadhan oo madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo xadhigga ka jaray dib-u-casriyeyn iyo dib u dhis labadii sanno ee u dambaysay ku socotay dhabbaha diyaaradaha iyo dhismeyaal lagu kordhiyey qaybaha kala duwan ee madaarka.

Arrintan ayaa ka dambaysay ka dib markii Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi uu si badheedh ah u kala xushay warbaahinta madaxa-bannaan ee ka hawl-gasha caasimadda, isaga oo si gaar ah u casuumay Afar ka mid ah telefishannada oo muuqaal-tebiyaha afka dawladda ku hadlaa ka mid yahay. Waxaanay wargeysyadu tallaabadan u qaadeen iyaga oo difaacayay xuquuqdooda warbaahineed isla markaana ay ka biyo-diidsan yihiin kala-xulashada saxaafadda oo muddooyinkii u dambeeyey ay caadaysteen masuuliyiin xukuumada ka tirsani.

 Tallaabadani oo ka shidaal-qaadanaysa wada-shaqayn la’an ugub ah oo u bilaaban tahay xukuumadda iyo warbaahinta ugu miisaanka culus saxaafadda Maxalliga ah, isla markaana muujinaysa nidaam-xumada iyo baratakool la’aanta hay’adaha dawladda Qaarkood kula macaamilaan warbaahinta, ayaa weji cusub u furaysa xidhiidh xumo dhex marta Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo saxaafaddii uu dhaadhan jiray xilligii uu mucaaradka, waxaanay ka mid tahay astaamaha iyo nidaam-xumada ka soo if-baxday hay’adaha dawladda xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo qaarkood.

Masuul sare oo ka tirsan wasaaradda Duulista Hawada oo wariye ka tirsan Shabakadda Somalilandpost la xidhiidhay si uu wax uga weydiiyo sababta aanay munaasibaddaas ugu casuumin warbaahinta kala sida Jariiradaha iyo Website-yada, ayaa sheegay in Wasiirka Duulista Hawadu u qorsheeyey munaasibadda inay ka qayb-qaataan oo kaliya, warkiisana ay tabiyaan kaliya Afar telefishannada ka mid ah oo wasiirku heshiis la galay.

Ujeeddada ka dambaysay tallaabada wasiirka Duulista Hawadu kaga horjoogsaday Wargysyada inay ka qayb-qaataan tebinta warka furitaanka madaarka, ayaa u muuqata inuu wasiir Maxamuud Xaashi qarinayey xaqiiqada dhabta ah ee ah inaan si la rabay dhismaha madaarka loogu fulin lacag Malaayiin Dollar ah oo Dawladda Kuweyt ugu deeqday Casriyeynta Madaarrada Somaliland.

Maaha Markii u horreysay ee Wargeysyada dalka ka soo baxaa ku tallaabsadaan go’aan ay mar kaliya ku qaaddacaan tebinta dhacdo ka mid ah war-tebinta ay u heellan yihiin, waxaanay sidan oo kale dhacday wakhtigii xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale, wakhtigaas oo dhacdo noocan kale lagu kala faquuqay saxaafadda dalka, arrintaas oo xukuumaddii Daahir Rayaale ka baqatay xidhiidh-xumo dhexmarta isaga iyo Xukuumaddiisii.

Si kasta ha ahaatee, waa tallaabo hor leh oo iftiiminaysa fadeexadaha musuq-maasuq ee hay’adaha Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo warbaahinta kaga indho-saabayso inay u gudbiso shacabka xaqiiqooyinka ka jirta xayn-daabka maamul ee Xukuumadda Xisbiga Kulmiye, waana tallaabo horseeday xidhiidh-xumo ugub ah oo u bilaabanta Warbaahinta ugu miisaanka culus dalka (Wargeysyada) iyo Xukuumadda.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories