HomeWargeyska THE GUARDIAN oo warbixin ka qoray Aasaasja Hay'ad lagu taageerayo Adeegyada...

Wargeyska THE GUARDIAN oo warbixin ka qoray Aasaasja Hay’ad lagu taageerayo Adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada ee Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Ismaaciil Axmed oo ah Aasaasaha iyo Mulkiilaha Shirkadda Caalamiga ah ee World Remit, ayaa shaaciyey inuu aasaasay Hay’ad cusub oo taageeri doonta adeegyada Caafimaadka iyo Waxbarashada hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland.

blankWargeyska caanka ah ee The Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska oo warbixin ka qoray, waxa uu maalqabeenku xaqiijiyey inuu aasaasay Hay’adda Sahamiye Foundation oo uu kala badh hantidiisa gelin doono tobanka sannadood ee soo socda, waxaanay Hay’addaasi 500 oo Milyan oo Doolar ku saacidi doontaa adeegyada Caafimaad iyo waxbarashada hoose ee aasaasiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ganacsade Ismaaciil Axmed waxa uu tilmaamay in Hay’adaha dhaqaalaha ee aan ka shaqeynin Somaliland ay caqabad ku tahay fursadihii maalgashi ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ka kasban lahayd Caalamka.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in dhaqaalaha ay soo ururiyaan Hay’adaha caalamiga ahi qadar aad u yari ka gaadho bulshada reer Somaliland.

Ismaaciil Axmed waxa uu Wargeyska The Guardian u sheegay inay Jamhuuriyadda Somaliland caalamka tusaale wax ku-ool ah ugu noqonayso waxqabsiga iyo isku-tashiga hoosta laga soo bilaabo. Waxaanu ku dooday in Somaliland wax qabasatay iyadoo aan cid kale ka helin taageero.

Ganacsade Ismaaciil waxa uu tilmaamay in Warbaahinta caalamiga ahi ay xoogga saaro waxyaabo khaldan, hase ahaatee waxa uu xusay inay Somaliland tahay qaddiyad dhacdo ahaan guulaysatay.

Wargeyska The Guardian wuxuu Somaliland ku sifeeyey dal madaxbannaanidiisa kala soo noqday Soomaaliya oo ku naaloonaya dawladnimadiisa gaarka ah, isla markaana leh Baarlamaan, Lacag iyo Ciidammadiisa Ammaanka.

blankWarbixintaasi waxa ay sheegtay Ismaaciil Axmed uu Ingiriiska ku soo galay qaxoontinimo sannadkii 1988kii, markii Somaliland uu ka dhacay dagaalkii, waxaanu Ingiriiska iyo Somaliland ka hirgaliyey sannadkii 2010-kii mid ka mid ah shirkadaha farsamooyinka casriga ah u xawila lacagaha.

Munaasibad ballaadhan oo lagu daah-furay aasaaska dalladda Sahamiye, ayaa Arbacadii todobaadkii hore lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana goob-joog ka ahaa oo ka qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda, Xisbiyada mucaaradka iyo qaybaha kale ee bulshada.

@Solna

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories