HomeWargeyska Mise Websaydka – W/Q: Abdifataah Mahamed Ahmed

Wargeyska Mise Websaydka – W/Q: Abdifataah Mahamed Ahmed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ayaamo Hore  oo tageey Ayey Noqonayaa Maalmihii aan wakhti ku qaadan Jirey in aan aad u Akhriyo Wargeysyada kala duwan ee Caasimada ka soo baxa.Fadhigii Maqaaxiyaha qaarkood ee Subaxii Maalmaha qaar Ayaan dib u Xasuustey ka hor intaan Shaqooyinka la gelin ama maalmaha laga Fasaxa yahay ama laga soo Rawaxo.Gelinka hore oo qudha ma arkeysid dad Gacmaha ku wada Heysta Jaraa,id,laakiin Mararka qaar Gelinka danbe Ayaa Sheekada lagu xoojiya Qaar ka mid ah Wargeysyada Madaxa banaan ee Caasimada ka soo baxa.War baa ugu gaajo kulul,Warka subaxnimaduna  waa Mid u muhiima ah sida Shaahu subaxii inoo Yahay.

Waan ka mashquuley ma garan karo wakhti aan iibsadey Jaraa,id bilihii ugu danbeeyey,Maalin dhaweyd oo aan iibsadey Mid ka mid ah ayaan sidaasi u eegay waxaan xasuustey beri uu maalin kasta nolosheyda qeyb ka ahaa ama wax aan u direy lagu soo qori jirey.Xiisihii aan kula Socon Jirey Wargeysyada Qoraalada warqadaha ah Weli maskaxdeyda ka  may wada bixin hase ahaate waxaan u waayey Fursad wakhti oo aan ku Akhriyo hadaan iibsado.

Jaraa,idka subaxnimo iyo Shaaha aroortii Ayaa ahaa kuwo  Qarniyo Badan  Aduunka u ahaa Farxada aroortii.Buuqi Maqaaxiyaha qaarkood Saacadaha hore ee subaxdii Ayaanan ilaawi karin,boqolaal qof oo ku kaftamay,ka doodaya,ka sheekeysanaya,ka cadheysan,ku faraxsan,ka yaaban ama ka naxey warar kala duwan oo ku soo baxey Wargeyska subaxnimo ee cadadka kala duwan ee Inta badan Jaraa,idada.Buuqa la xidhiidha Sheekada ka dhalatey  Wararka wargeyska ayaa meelo badan subaxii Heysta.Gacmaha dad badan oo subaxnimadii Fadhiya maqaaxiyaha suuqa ama Xafiisyada qaar badan oo ka mid ah ayaa heysta Waraaqaha Wargeyska ay sida tooska ah ugu xidhan yihiin,Warka, Xayeysiiska, Shaqada Maqaalada, Sheekooyinka, Ciyaaraha, Halxidhaalaha iyo googooska Ayaa dad badan ku haya in ay noqdaan kuwo subax kasta gacanta ku dhiga Mid ka mid ah wargeysyada Warqadaha ah.

Abaayaasheen Ayaa inta badan akhrisan Jirey warka oo aroor kasta ku soo baxa Warqado iyo Jaraaid,Taariikhda intii hore,Hase ahaate maanta Jaaraa,id kasta waxa suuqa ka saareya Shebekado kala duwan oo barta Internetka laga heli karo iyaga oo laga soo buuxiyey wararkii ka hor intaan Subaxnimada la daabicin. Hadaad beri hore ka warwari Jirtey Wargeys ma arag maanta waxa laga fekirayaa Internetka ma gelin ama ma booqan Shebekadihii wararka. Jaraa,idadii Ayaa noqdey kuwo leh bog bar kulan Internetka ah oo laga helo wararkooda oo Macno tirey in la iibsado Jaraa,idkii Subaxnimo.

Fikirka ah in Maanta la soo Kordhiyo ama la furto Jaraa,id u shaqeeya sida kuwa hore ee labada Warqadood ah isla markaasina Siyaasada,Ciyaaraha iyo googooska oo keliya ku shaqeeya wax Macno ah maanta kuma Fadhiyo,Jaraa,ido badana dib ayaa la iskaga xidhey ama ay u scocon waayeen,Adeegsiga Internetka iyo Shabakadaha wararkuna waxa ay yareyeen Xiisihii loo Qabey warka oo ku qoran Warqadaha wargeyska.Sannadaha soo socdana waxa iman doonta in Wargeysyo badan la xidho oo ay is bixin kari waayaan ama Cadaadis ay ka tirsanayaan dawladu niyad Jebiyo,Cadaadiska ka sakowna Maaha in cayda dadka iyo xadgudubka mararka qaar loogu soo gabado xoriyatul Qawlka.Dawladuna in ay Awoodo ku tagri falid iyo Baalmarid Sharci lagu eedeeyo ilama Qurux badna.

Ugu danbeyntii Ma odhan Karnaa Shebekadaha Internetku waxa ay hoos u dhigeen Xiisihii loo qabey in Jaraa,id la iibsado ama in wargeysyada wararka Warqadaha ku soo baxa aroortii lagu xidhnaado.Wargeyska Mise Wabsaydka.Dhib iyo Dheef wixii laga arkey Markii dadkeenu warkii Shebekado kala duwan u Furteen Qoraalkan kaga hadli mayno balse Mustaqbalka Weynu Diyaarin doonaa.

Abdifataah Mahamed Ahmed

Ceelaabe_10@Hotmail.Com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories