HomeWargeyska madaxtooyada miyaa loo waayay Tifaftire?!

Wargeyska madaxtooyada miyaa loo waayay Tifaftire?!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tabarta dhaqaale ee la geliyay waxay ka muuqataa oogada sare. Waxaana taas marag u ah tayada waraaqaha lagu daabacay, balse tayadaasi ma helin tayadii xogeed iyo farsamo ee quruxdaa san sii qurxin lahayd.

Dhismaha guri marka la rabo, sida loogu baahan yahay in la helo dhagax, ciid, sibidh, biyo, agab dhisme iyo ciddii dhisi lahayd, ayaa sidoo kale marka qoraal la samaynayo loogu baahan yahay ciddii qori lahayd iyo ciddii saxnimadiisa hubin lahayd. Tifaftirku wuxuu ka mid yahay tiirarka la’aantii aan la qori karin wax tayo leh oo saxsan – waa haddii la rabo in wax sax ah la qoro’e. Wargeys dhan soo saariddiisa na hadalkeedaba daa! Way dhacdaa in cid waliba wax qori karto, iyada oo aan la marin qoraalkaas tifaftire, hufe iyo toosiye intaba, waxase hubaal ah in waxaa la qoray uu magac ahaan uun sito magaca QORAAL, balse uu noqonayo bar-kuma-taal.

Sida halabuurka kale, ayuu qoraalkuna macno beelaa haddii aanay jirin ujeeddo mug leh oo ka dambaysaa. Haddii ujeeddada soosaarista qoraal iyo wargeys ay noqoto mid aanay waxba ka dambayn oo aan ka ahayn in waxaasi soo baxaan uun, waxa maxsuulku noqdaa magac-ba’ iyo milgo la’aan.

RAAD-RAAC waa wargeys ay soo saaraan xafiiska warfaafinta ee madaxtooyada Somaliland, sida ku qoran wargeyskaas. Waxaan akhriyay cadadkii labaad ee wargeyskaas oo soo baxay bishii hore ee February. Walow sidaan kor ku sheegay tayada waraaqaha lagu daabacay ay tilmaamayaan in tabar dhaqaale la geliyay, haddana runtii tayada xogta uu sido, farsamo ahaan sida loo qaabeeyay iyo xitaa khaladaad tifaftir oo qaarkood aanay suurtogal ahayn in laga aqbalo cidda soo saartay, ayaan ku arkay.

asasKhaladaadka qoraal ee aan ku arkay aan ku horreeyo hab-dhigaalka farsamo ee wargeyskaas (Design and Layout);  qoraalka iyo sawirradu way is-dhex daadsan yihiin. Warka u horreeya waxa uu ku qoran [Sidaad sawirka qoraalkan la socda ku arkaysaan] ‘Soo Dhaweyntii Madaxweynaha’. Ciwaankaasi wuxuu dhex yaallaa sawirka koowaad ee ku yaalla bogga hore, waxaanu qariyay quruxdii sawirkaasi lahaa. Dhinaca midig ee isla bogga hore, waxa ugu sarreeya war ciwaankiisu sidan yahay; ‘Madaxweye ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka Qayb Galay Xuska Maalinta Ciidanka Qaranka’. Waxaan ciwaankaas u qoray sidii uu u qornaa. Ciwaankan waxa looga jeeday MADAXWEYNE-KU-XIGEENKA, waxase la qoray MADAXWEYEKu Xigeenka. Taas oo macnihii jagada uu hayay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka JSL meesha ka saartay, una rogtay MADAXWEYE [Madax weeye]. Qaladka intaas le’eg waxa sameeyay waa xarafka ‘N’ oo laga tegay.

Waxa laga yaabaa in dadka qaarkood ay u arkaan qoraalkan ujeeddo kale ama ay isweydiiyaan muxuu qofka qoray u xusi waayay wax badan oo wanaagsan ee uu uga eegayaa uun dhinaca qaldan. Waxaanse ka duulayaa in wixii wanaagsan ee uu gudbinayo wargeyskani uu yahay mid halkeeda taalla oo aan u baahnayn toosin, sii xoojin mooyaane, balse in aan cidda gacanta ku haysa wargeyskan iyo cidda ka masuulka ah baa an u tilmaamo waxa sixidda u baahan ee badan. Xaqiiqda marka aan indhaha laga qarsanayn wargeyskani wuxuu xambaarsan yahay sawirro aad u qurux badan oo tayadoodu wacan tahay, isla markaana sida lagu yaqaanno sawirka, gudbinaya macno mug leh. Waxase uu caddadkan aan arkay ee wargeyskani ka arraddan yahay tifaftirka.

Qof kasta oo bani’aadam ahi wuu qaldamaa, gaar ahaan qof kasta oo qoraal sameeyaa. Waxa laga yaabaa in qoraalkan naqdiga iyo toosinta ah ee aan qorayo laftiisa haddii aad u fiirsataan aad ka heli kartaan qaladaad, balse waa in qaladkani noqdaa mid la aqbali karo. Ku-dhawaad lix sannadood oo aan wargeys ka shaqaynayay, kala-badh wakhtigaasna aan tifaftire guud ka ahaa ama bahda tifaftirka ka tirsanaa, waan hubaa in qaladaad tiro badan oo qaarkood adkaayeen aan sameeyay. Tanise way ka duwan tahay!

sadInkasta oo khaladaadka qoraal ee ku jira cadadka wargeyskani RAAD-RAAC uu yahay mid aan tiro lahayn, waxase aan aad ula yaabay khalad aan u arko in cudurdaar kasta oo la sheegaa aanu ku filnayn sababta loo sameeyay. Sida sawirrada la socda qoraalkan aad ku arkaysaan, waxa caddadka wargeyskan lagu baahiyay dastuurka Somaliland oo qiyaastayda la rabo in akhristayaasha lagu baro qodobbada dastuurka, waxase meesha aan kala kulmay qodobbo lagu sheegayo inay yihiin dastuurkii, balse aan ahayn. Qodobka 24aad ee dastuurka Somaliland sida caadiga ah ee dastuurka ku daabacan waxa uu u dhigan yahay ciwaankiisu sidan; ‘XAQA NOLOSHA, NABADGELYAYNTA JIDHKA, XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DEMBIYADA LAGA GALO XUQUUQDA AADAMIGA’. Waxase caddadkan RAAD-RAAC uu ugu qoran yahay sidan; ‘XAQA NOLOSHA, NABAD GALEYNTA JIDHKA, XURMAYNTA MAGAC-SAMIDA IYO DAMBIYADA LAGA GALO XUQUUQDA AADAMIGA’. Fadlan u fiirso ereyada aan madow ka dhigay.

Qodobkaas oo kaliya maaha ee bal kanna ila eeg; qodobka 18aad ee dastuurka JSL wuxuu u dhigan yahay sidan; ‘Deegaanka iyo wax-ka-qabashada aafooyinka’, waxase wargeyskan ka soo baxay madaxtooyadu u qoray sidan; ‘DEEGMNKA IYO WAX-KA-QABASHADA MFOOYINKA’. Fadlan u fiirso ereyada aan madow ka dhigay.

Qodobka sagaalaad ee Dastuurku wuxuu u dhigan yahay sidan; ‘Nidaamka siyaasadeed’, balse RAAD-RAAC wuxuu u qoray sidan; ‘NIDAAMKA SIYMSADEED’.Fadlan u fiirso ereyada aan madow ka dhigay.

Qodobka kale ee 11aad wuxuu dastuurka ugu qoran yahay sidan; ‘DHAQAALAHA DALKA’, waxase wargeyskani u qoray sidan; ‘DHAQMLAHA DALKA’ Fadlan u fiirso ereyada aan madow ka dhigay.

Intaasi waa qaladaadka markay indhahaygu qabteen aan is-idhi kaaga filan araggoodu inaad u sii daadegto qoraallada ka hooseeya, waxaanse hubaa in ay ku jiraan kuwo kale oo tiro badan. Waa laga yaabaa in dadka qaarkood ay yidhaahdaan maxaa ku jaban in qaladkaasi dhaco, balse akhristayaal intiina fikirkaa qabtow iska soo taaga dhinaca kale; waa wargeys ka soo baxa madaxtooyada, lagu bixiyo hantida umadda, lagu qalday dastuurkii qaranka! Maxaa soo baxaya? Aniga intaasi isu-kay qaban wayday! Waa hubaal in aan ujeeddo laga lahayn, balse hawl-fudaydsi ayay u muuqataa. Waxa kale oo hubaal ah in aan la waayin cid tifaftir soo-jeedda ku samaysa! Xitaa haddii qaladkaa dastuurka ku jira lagaga soo qaatay meel kale oo la soo min-guuriyay iyada oo aan la eegin ba, ma qabo in ay noqonayso cudurdaar ku filan inay ku qancaan inta uu qaladkani damqay iyo sumcadda halka uu wargeysku ka soo baxay toona. Waase mid laga hortegi karo in uu mar kale dhaco – haddii la danaynayo.

 

Barkhad M. Kaariye

Email: kaariye104@gmail.com

Blog: www.kaariye.blogspot.com

Hargeisa, Somaliland.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories