HomeMadaxweynaha Somaliland oo yididiilo fiican ka muujiyey sii amba-qaadista Wada-hadallada Somalia

Madaxweynaha Somaliland oo yididiilo fiican ka muujiyey sii amba-qaadista Wada-hadallada Somalia

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

IMG_0414Ankara (SLpost)- Madaxweye Axmed M. Maxamuud (Siilanyo) ayaa sheegay in wada-xaajoodkii uu la yeeshay Raysal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ku saabsanaayeen xidhiidhka taariikhiga ee u dhexeeyey Turkiga iyo Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilanyo oo wargeyska Today Zeman ee ka soo baxa Turkiga wareysi la yeeshay, ayaa sheegay inuu ka codsaday xukuumada Turkiga, ganacsatada iyo guud ahaan bulshdeeda inay yimaadaan oo maalgashadaan Somaliland.

Sida lagu baahiyey barta internetka ee wargeyska Today Zeman, Madaxweyne Siilanyo waxa uu caddeeyey cadeeyey in wada xaajoodkii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya ka dhici doono dalka Turkiga badhtamada bisha November.

Madaxweyne Siilanyo ayaa yididiilo fiican ka muujiyey in wada xaajoodka u dhexeeya Soomaaliya ee ka dhici doona 8-10 bisha November magaalada Ankara.

Dhinaca kale, wasiirka Arrimaha Dibedda oo ku wehelinayey wareysiga Today Zeman la yeelatay Madaxweyne Siilanyo ayaa sheegay in raysal wasaaraha Turkigu u ballanqaaday inuu booqasho ku yimaado Somaliland marka uu dhamaado dib-u-dhiska madaarka Hargeysa.

 Wasiirka Arrimaha Dibedda, Maxamed biixi ayaa sheegay in raysal-wasaare xigeenka Turkiga, Bekir Bozdağ, iyo wefdi uu hogaaminayo oo maalgashadeyaal iyo ganacsato ah booqasho ku iman doonaan Somaliland bisha November, si loo xoojiyo xidhiidhka ay Somaliland wadaagaan.

Mr. Biixi ayaa raaciyey in raysal wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ballanqaaday inuu booqasho ku yimaado Somaliland marka dib-u-dhiska garoonka caasimada Hargeysa uu dhamaado.

Mar uu ka hadlayey dhinacyada ay Somaliland iyo Turkigu iska kaashan karaan ayuu sheegay Mr. Biixi, inay ka wada hadleen saraakiisha Turkiga iskaashi ay ka yeeshaan dhinacyada shidaalka, dhismaha, biyaha, tamarta, macdanta, kaluumaysiga iyo caafimaadka

 Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland ayaa u sheegay wargeyska Today Zeman in xukuumada Turkigu xafiis ka furan doonto Somaliland, isagoo sheegay in Raysal wasaare  Erdoğan xilligan ka fekerayo siduu xafiis Qunsuliyad ah uga furan lahaa Somaliland, tafaasiisha xafiiskaana laga wada xaajoon doono xilliga booqashada raysal wasaare xigeenka dalkaasi Turkiga Bozdağ’ uu ku iman doono Somaliland bisha November ee sannadkan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories