Home“Wareejinta Haamaha Shidaalka Waa La iskaga Daba Imanayaa, Xukuumad ha Ahaato ama...

“Wareejinta Haamaha Shidaalka Waa La iskaga Daba Imanayaa, Xukuumad ha Ahaato ama Ganacsade ha Noqdee” Xildhibaan Rayte

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Hargeysa(SLpost)-Xildhibaan Ibraahim Jaamac (Rayte) oo ka mida Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa ku eedeeyey xukuumadda Madaxweyne SIILAANYO inay iska indho-tirtay go’aankii Golaha Wakiilladu ku laalay inaan la wareejin Karin haamaha Kaydka Shidaalka Berbera, taas oo macnaheedu yahay inaanay Xukuumaddani sharci, Baarlamaan iyo Dastuur midna u-jeedin. Isla markaana waxa uu ugu baaqay shacabka inay ka dhiidhiiyaan arrintaasi.

 

Sidaa waxa Xildhibaan Rayte ku sheegay Wareysi dhinacyo baddan taabanaya oo uu siiyey Tifaftiraha Shabakada Wararka ee Hayaannews Mustafe CabdI Maxamed (Mustafe-Janaale)

Mar la weydiiyay Xildhibaan Rayte sida uu u arko go’aanka ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo maalintii Axada ee aynu soo dhaafnay ku wareejisay Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera oo hore Golaha Wakiilladu u laaleen wareejintooda, ayaa waxa uu ku jawaabay “Arrintaa waxaanu u aragnaa arrin sharci darro ah, siday dadweynaha reer Somaliland-ba u arkaan, Sababtoo ah xukuumaddu awood sharciya umalaha inay haamaha Kaydka Berbera wareejiso.Xeer awood u siinayaa ma jiro, Dastuurku waxa uu waajibinayaa Qodobkiisa 12aad, faqradiisa 2aad in hantida umaddu ama hantida qaranku sida loo maamulayo iyo sida looga go’aan qaadanayo.in Xeer Baarlamaanku soo saarey uu qeexayo, haddii aanu xeerkaasi jirin Xukuumaddu awood umalaha inay wax talaabo ah ka qaado. Waxa kale oo ay faqradaasi sheegaysaa waxa waajib ka saaran yahay dawlada ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka, waa inay dadweynuhu ka hadlaan oo ay is-hortaagaan, sida sharci-darada ah ee hantida qaranka loo maamulayo.”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Qodobkaas laftiisa faqradiisa 5aad waxay sheegaysaa  in hantida guud lahaan-shaheedu haddii loo baahdo in la wareejiyo ay ku wareegi karto uun sifo-sharciya. Waa lagu wareejin karaa dad sifo-sharci-daro ah, laakin waa lagaga daba tagaayaa, cidda doonta inay sifo sharci-darro ah uga faa’iideysato hantida umadda ka dhaxeysa, muddadaada ay sharci-darada kaga faa’iideysanayaan waa muddo kooban waana lagaga dabo imanayaa marka uu sharcigu guuleysto.Maanta waxa muuqata inay sharci-daradu socoto. Arrintaa go’aan Golle ayaa ka soo baxay, oo Baarlamaanku go’aan ah inaan la wareejin Karin haamaha ayuu ka soo saaray, xukuumaddu go’aankii Golaha way iska indho dirtay, taa macnaheedu waxa weeyaan sidii sharciga isaga indho-tirtay ayay Dastuurkiina isaga indho-tirtay, taas macnaheedu waxa weeyaan xukuumaddani Sharci, Baarlamaan iyo Dastuur midna uma jeedo, faa’iido degdega oo ku-meelgaadha oo ay ka qaado nimanka ganacsatada lacag degdega oo ay meel dhigato, oo aanu berito xaqiijin doono inaanay khasnada dawlada lacagtaasi soo gelin waana boob cad.Laakinse waa la iskaga daba imanayaa ama madax ha noqdo, ama ganacsato ha noqdo, maaha wax la la kala tagayo waxan umadda oodhan ayaa leh.”

 

Sidoo Kale, Mar la weydiiyay Xildhibaan RAYTE maadama ay xukuumaddu iska indho-tirtay Go’aankii goluhu ku laalay Wareejinta haamaha shidaalka waa maxay talaabada aad qaadaysaan? Waxa uu ku jawaabay “Anigu talaabada Baarlamaanku qaado imika kama hadli-karo, sababta oo ah Baarlamaanku go’aan golle ayuu talaabo ku qaada, taasna dooda ayaa ka horeysa, dabadeed go’aan ayaa ka dhasha, Waxase aan qabaa talaabooyin muhiima oo sharciya inay ka soo baxaan Baarlamaanka.go’aankii Baarlaamku soo saaray waxba kama jiraan ayaa la yidhi, ma aqoonsanin ayaa la yidhi Baarlamaanku isaga ayaa hantida umadda ka wakiila, isaga ayaa dadka ka wakiila inuu ka soo saaro go’aan waa arrin waajiba”.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories