HomeWARBIXIN: Xukuumadda Somaliland Waxay sharci-darro u aragtaa in Muwaadiniinteedu ku safraan baasaboorka...

WARBIXIN: Xukuumadda Somaliland Waxay sharci-darro u aragtaa in Muwaadiniinteedu ku safraan baasaboorka Soomaaliya, in kasta oo Baasaboorka…’

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Xukuumada Somaliland ayaa sharci daro u aragta in muwaadiniinteedu ku safraan baasaboorka Soomaaliya, inkastoo baasaboorka Somaliland keliya lagu tago Itoobiya iyo Maleysia….” Sidaa waxa lagu bilaabay  WARBIXIN dheer oo laga qoray waayaha Somaliland.

Warbixintan oo lagu daabacay Barta Internetka ee Machadka Caalamiga ah ee Siyaasadda adduunka ee The Interpreter, ayaa waxa qoray Haweenay Wax ka Dhigta Jaamacadda Sydney ee dalka Australia, laguna magacaabo Sarah Phillips taas oo socdaal ay daraasad ku   ayaa lagu bilaabay: “Xitaa khubarada siyaasada, madaxbanaani, maaha wax saamayn badan ku yeelanaya nolol maalmeedkayga. Laakiin, wakhtigaan joogay Somaliland, waa lama huraan, iyo sida loogu heelan yahay. Somaliland oo xornimadeeda kala soo laabatay soomaaliya 1991, ayaan weli rasmi loo aqoonsan, inkastoo maamul dhisani ka jiro.

Markaad soo gashid xuduudaha Somaliland muhiimada doodada madaxbanaanida Somaliland ee shacabka caadiga ah waa mid aad dareemaysid. Ajaanibka ayaa bixiya $34, isla markaana xukuumada Somaliland ayaa u aqonsan qofka sita baasaboorka Soomaaliya ajaanib. Dadka Soomaalida ee koonfurta iyo Puntland ayaa ku cawda inaan loo aqoonsan ajaanib, maadama aanay Somaliland aduunku aqoonsan.

Xukuumada Somaliland ayaa sharci daro u aragta in muwaadiniinteedu ku safraan baasaboorka Soomaaliya, inkastoo baasaboorka Somaliland keliya lagu tago Itoobiya iyo Maleysia. Xukuumada Jabuuti ayaa aqbasha ku gelitaanka baasaboorka Somaliland, balse viisaha ugu dhufata warqad gooni ah, taasoo muujinaysa inaan jabuuti weli aqoonsan baasaboorka Somaliland.

Sababta aqoonsi la’aanta, xukuumada Somaliland ayaan fursad u helin gargaar caalami, hadii ay tahay mid horumarineed, ama amah baanka aduunka iyo hay’adaha kale. Shirkada ganacsiga ayaan awood u helin la macaamilka baananka iyo shrkadaha caymiska, taasoo caqabad ku ah in maalgashedayaal ajaanib ah u sahlanaato maalgashiga dalka.

Berbera Airport
KEDINKA HORE EE LAGA GALO GAROONKA DIYAARADAHA BERBERA

Hore, Qaramada Midoobay ayaa u ololeysay inay ka saaraan erey kastoo muujinaya madaxbanaanida Somaliland manhajka iskuulada, taasoo dood adag ka keentay awooda hay’adaa u leedahay dalabkaa. Dhowaan UNDP waxay ku adkaysteen in direyska ciidamada booliiska la mid ahaadaan kuwa Puntland iyo koonfur, inkastoo xukuumadu iska aqbashay direyskaa.

Doodada madaxbanaanida Somaliland ayaa kululaatay dhowaanahan. Badhtamahii May, wakiilo ka socda UNDP, hay’ad fadhigeedu yahay Nayroobi oo hawada qaabilsan iyo xukuumada Soomaaliya ayaa go’aan ku gaadhay in maamulka hawada Soomaaliya lagu wareejiyo dhamaadka 2013. Taasoo bedelkeeda wasiirka Duulista Somaliland ku dhawaaqay in Somaliland maamulan doonto hawadeeda laga bilaabo 5th June, isla markaana dhamaan diyaaradaha UN aanay soo fadhiisan Karin dalka. Diyaaradihii fadhiyeyna kici Karin.

Sidoo kale, madaxa hawlgalka Qaramada Midoobay UNSOM, oo booqasho ku yimi Somaliland waxa loo sheegay inaanu xafiis ka furan Karin Somaliland.

Inkastoo xukuumadaha Hargeysa iyo Muqdisho ku dedaalayaan fidinta awoodahooda gudaha iyo dibedda, caqabadaha soo waajahaya dalkan cusub ayaa muuqda. Caqabadaha aayaa saamayn doona ganacsiga, duulimaadka, iyo horumarka Somaliland, oo fikirka madaxbanaanidu ka mid yahay nolosha dadkooda.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories