HomeWarbixin xambaarsan Dokumentiyo Sir ah oo Daaha Ka rogtay In Maraykanku Basaasay...

Warbixin xambaarsan Dokumentiyo Sir ah oo Daaha Ka rogtay In Maraykanku Basaasay (Dhegaystay) Telefoonada 35 ka mid ah hoggaamiyeyaasha Caalamka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Dokumentiyo sir ah oo laga helay ninka Sirdoonka Maraykanka ka fallaagoobay ee Edward Snowden, ayaa daaha ka fayday Hawl-galo qarsoodi ah oo Dawladda Maraykanku ku Basaasi jirtay telefoonada ay adeegsadaan 35 ka mid ah hoggaamiyeyaasha waddamada Adduunka. Sida ay daabacday Jariiradda Guardian ee ka soo baxda Dalka Ingiriiska.

Sir culus
Sarkaal sare oo ka tirsan Dawladda Maraykanka, ayaa hay’adda Ammaanka Qaranka ee dalkaas u gudbiyey 200 oo telefoon oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaasha waddamada qaaradaha Yurub iyo Eeshiya.
Xogta laga helay dokumentiyada Sirta ah ee ninkani faafiyey, ayaa intaas ku daray in Shaqaalaha Aqalka cad, Wasaaradaha Arrimaha Debedda iyo Gaashaan-dhigga lagu booriyey inay isu gudbiyaan macluumaadyada lagula xidhiidho Siyaasiyiinta dalaka kala duwan ee caalamka.
XAALADDA YURUB OO KACSAN KA DIB FASHILAADDA BASAASIDDA MARAYKANKA
Afhayeen u hadlay Aqalka cad oo ka jawaabcelinayay warbixintan debedda u soo baxday, ayaa dafiray inuu Maraykanku qaaday tallaabo ka baxsan hawlaha xog-raadinta dalalka caalamka. “Munaasib maaha inaanu warnaahinta ka sheegno wax kasta oo lagu eedeeyo hawlaha sirdoonka, siyaasad ahaana waxaanu si cad u sheegnay in Maraykanu ururiyo xogta sirdoonka dibadda ee waddamada caalamka oo dhami sameeyaan,” ayuu yidhi afhayeenka u hadlay dawladda Maraykanka.
Wararka la xidhiidha basaasida Maraykanka ee dalalka debedda ayaa soo if-baxay ka dib markiu dawladda Jarmalku ka dalbaday Maraykanka inuu jawaabo ka bixiyo eedaymo la xidhiidha in dhegaystay telefoonka Raysalwasaaraha Jarmalka Angela Merkel, taas oo noqonaysa boogtii ugu xumayd ee samaysa xidhiidhka labada dal muddo toban sanno ah.
Aqalka Cad ee Maraykanka looga Arrimiyo muu beenin eedayntan, balse waxa uu ku dooday inaanay dhici doonin mar dambe.
“Mid ka mida dhacdooyinkii u dambeeyey, sarkaal Maraykan ah ayaa hay’adda Ammaanka Qaranka (NSA) u gudbiyey 200 oo telefoon Lambar oo ay ku jiraan 35 hoggaamiye ee caalamka ah,” ayaa ka mid ahaa qoraal ku xardhanaa waraaq ka mid ah dokumentiyada sirta ah ee la fashiliyey, kuna taariikhaysneyd bishii Oktober 2006-dii, taas oo uu soo xigtay Wargeyska Guardian.
In kasta oo aan la aqoonsan siyaasiinta lays weydiinayo, haddana Jariiradda Guardian waxa ay tibaaxday in basaasidda noocan ahi ay ka baaxad weynaan karto inta markii hore loo malaynayey, iyada oo la qorsheeyey in arrintan lagaga tashado Shir ay magaalada Brussels ku yeelanayaan Waddamada ku bahoobay Midowga Yurub oo ay ugu miisaan culus yihiin dalalka Jarmalka iyo Faransiiska.

Somalilandpost.net

London

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories