HomeWarbixin: Waxa aanu Xabsiga Ugu Tagnay Taageerayaashii Muuse Biixi, Carruur iyo Dulmanayaal!‏

Warbixin: Waxa aanu Xabsiga Ugu Tagnay Taageerayaashii Muuse Biixi, Carruur iyo Dulmanayaal!‏

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waxa ay ahayd 10:30 arooryo, maalinnimadii Axadda, sooyaalku waxa uu ahaa 22kii Juun sannadka 2014ka markii uu aanu tagnay Saldhigga Dhexe ee Caasimadda Hargeysa si aanu u booqanno Marwo Xaliimo Cismaan Raage Xoghayaha Garabka Haweenka UCID, oo sharci-darro halkaasi ugu xidhnayd in muddo ah.
1 yesMasuuliyiinta hawsha mahuraanka ah aanu ku wada jirnay waxa ka mid ahaa:
Jamaal Cali Xuseen Murashaxa Madaxweynaha ee UCID,
Maxamuud Cali Muuse (Jiir) Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga,
Maxamed Ibraahin Buubaa iyo aniga (Siciid Maxamuud Gahayr: Murashaxa Guddoonka Xisbiga UCID, ahna xubin ka tirsan Golaha Dhexe).
Judhiiba waxa naga hor yimi askar si gaar ah loogu ballamiyay bulshada booqanaysa halgamaaga weyn ee xidhnayd iyo marwada sharafta leh ee duudsiga lagu xayiray. Sheekadan ayaa na dhex martay:
“Jooga, ma gelaysaan, yaad u socotaan” Askari
UCID “Sababma ayaanu u hakannaa? Waxa aanu u soconnaa Xaliimo Cismaan Raage”
Askari “Hayaay! amar ayaanu qabnaa, masuuliyiintina waa maqan yihiin”
UCID “ma yeelayno, idinka ayaa rag ah ee xal keena. Sidee ayaanu u noqonnaa annnaga oo aan arag qofka aad xidheen. Waxa ka fiican in aad annagana nagu dartaan”. Si adag ayaanu ula hadalnay waxaanay muujiyeen ixtiraam kooban oo ay u hayaan Xisbiga Qaran ee aanu ka soconnay.
Waxa ay bilaabeen in ay qoryaha cabbeeyaan, laakiin umaannu nixin. Durbadiiba waxa soo buuxsamay taageerayaal mug leh oo laamiga marayay. Kolkii uu is-marin waagu cirka isku shareeyay ayaa waxa nala hadlay masuuliyiinta maxkamadda milatariga ee ku taalla saldhigga dhexe, oo codsaday in gudaha loo sii daayo Jamaal Cali Xuseen Murashaxa Madaxweynaha ee UCID iyo
Maxamuud Cali Muuse (Jiir) Xoghayaha Ciyaaraha ee Xisbiga. Waxa la joojiyay dhammaan xubihii kale ee aan ka midka ahaa.
Haddii ay cabbaar ku sheekaysteen deyrka saldhigga, waxa markiiba la taxaabay Mujaahid Jiir Cali-madoobe oo si adag uga hadlay in aannnaan marnaba noqon doonin annaga oo aan indhaha saarin masuulkii aanu u soconnay. Intii uu gudaha joogay Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen, waxa la ii sheegay in ay askartu doonayso xadhiggayga “waar carar, baxso waa lagu xidhayaa” ayay haweenay igu tidhi. Ma ihi nin ka baqaya saldhig iyo askari Hargeysa jooga. Laakiin waxa aan ixtiraamay bulshada doonaysa badbaadayda. Sidaas ayaan u dhexqaaday basaska u baxa Jigjiga yar, markii aan ka marayay meel u dhow fooqa cusub ee Dahabshiil ayaan la kulmay saxafi Maxamed  oo ka tiran Somaliland diaspora aniga oo siiyay warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda aloosan.
Isla markaas waxa dibadda u soo baxay Murashaxa Madaxweynaha UCID oo ku hanjabay in aanu goobta ka hulleeli doonin inta la diiddan yahay xuquuqda aanu xisbi ahaan xaqa u leennahay. “Waxa la xidhay haweenay masuul ah” ayaanu warka ku siinnay boqollaal dadweyne ah oo ku soo xoomay fagaarihii aaanu taagnayn. Askartu waxa ay bilaabeen in ay qori iyo bud ku baacsadaan rayidkii madasha taagnaa.. “qabta, socda, hayaay, dhaqaaqa, kamarad bay haystaan” ayay ku muusannaabeen.
Maadaama oo ay xukuumaddi u dhaqmayso si qayru-masuul ah waxa aanu doorbidnay in aanu ka roonnaano oo aan jidka bannayno, waxa aan u holladay kobtii aanu shaaha ka cabbaynay si aan ugu warramo arday iyo saaxiibbo halkaas kuraasi ku fadhiyay. Laakiin waxa iga daba yimi askar maangaab ah oo doonay in ay i jujuubaab, hore ayaan u raacay waxaanan abbaaro 11:15kii barqannimo galay aniga oo maxbuus ah saldhigga dhexe ee Hargeysa. Iyada oo aan waxba la i weydiinnin ayaan bixiyay suunka iyo kabaha, waxa aan dhiibay moobil, qalin iyo waraaqo aan sitay oo lagu xardhay tiro ah 4030.
Waxa la-yaab leh nadaafad-xumada meesha ka jirta iyo dadka sida adhiga loogula kacayo xadhig aan xeerna haysan! Waxa xidhnaa maalintaas 43 qof oo aan ku jiray. Kolkii ay madax-tiris nagula kala wareegeen budhcadda nabadgelyadu waxa aan idhi “waxa jooga laba iyo afartan nin iyo neef (aniga)” kkkkkkkk… kaftan run ahaa ayaan ku tuuray ciidankii markaas isku wareejinayay sharci-darrada.

Taageerayaashii Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha KULMIYE, muwaddiniin la wanjalay, carruur aan qaangaadhin, saxafiyiin, ganacsato, odayaal iyo qaybo kale.
Sidee ayay Somaliland ula dhaqantaa maxaabiista reer Soomaaliya, Kuwa Itoobiya iyo kuwa reer Jabuuti?

  • Maxaad ka ogtahay hannaankii uu u dhacay shilkii uu askarigu ku dhaawacay afarta qof toddoba cisho ka hor? Ag-agaarka Bangiga dhexe ee Hargeysa
  • Dawladda Somaliland waxa ay Jabuuti ku wareejisay muwaaddin lagu tuhmay qaraxii Jabuuti… Sabama iyo goortee tani dhacday?
  • Ma aragtay agaasime dawladeed oo sharci-darro lagu xidho? Maxaad ka taqaan masuuliyadda hoggaanka hawl-gelinta booliska Somaliland?
  • Sidee ayuu Cabdillaahi Fadal Iimaan ula dhaqmaa askarta ka tirsan ciidanka Booliska? Immisa ayuu iska xidhaa, kaddibna cuqaal u diraa isaga oo ah taliyahoodii?
  • Waa ayo ragga uu Warancadde ku eedeeyay in ay ku qabteen hub sharci-darro ah oo la yidhi waxa ay la safan yihiin Mujaahid Muuse Biixi Cabdi? Yaa, ma Jabuuti ayaa haysata?

La soco qaybta 2aad haddii Alle idmo..
Siciid Maxamuud Gahayr
Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories