HomeWarbixin Warbaahinta ugu Afka Dheer dalka Jarmalku ka Diyaarisey Saamaynta Dhaqan-dhaqaale ee...

Warbixin Warbaahinta ugu Afka Dheer dalka Jarmalku ka Diyaarisey Saamaynta Dhaqan-dhaqaale ee Maandooriyaha Qaadku ku hayo bulshada Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Warbixin la yaab leh oo dhinacyo badan taabaneysa ayey Wakaalad laga Leeyahay Dalka Jarmalka oo lagu magacaabo DW.DE.COM , ay ka diyaarisay Isticimaalka Geedka Qaadka oo ah mid bulshadda reer Somaliland si weyn Cunistiisa u Isticimaalan, isla markaana sida ay warbixintu tilmaantay ku dhawaad 90% dadka dadoodu xiligii dhalinyaradda dhaaftay ay yihiin kuwa ugu Isticimaalka badan Qaadka iyado sido kale macluumaadka mareegtaasi qortay lagu tilmaamay in Jaadku yahay Geed dhaqaale ahaan iyo Caafimaad ahaanba Saameyn aan wanaagsaneyn ku yeesha nolosha dadka Isticimaala ama dhibanaha u noqday Qabatinkiisa kuna an docooda inay ku marqaamaan Jaadka Cunistiisa.

1Wakaaladdan Xarunteedu tahay dalka Jarmalka ee DW.DE,COM, ayaa warbixintan ay daabacday Khabiistii shalay, ayaa iyada oo Wariye wakaaladdaasi ka tirsani oo Hargeysa isaga oo ku sugan warbixintaasi diyaariyey, ayaa sida uu Sarkaal Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ka tirsani uu u xaqiijiyey Miisaaniyadda dalku inay 20% ku tiirsan tahay Cashuurta Qaadka lagaga qaado Kastamadda dhinaca Itoobiya iyo Somaliland u dhexeeya, waxana uu sido kale sheegay inay dadku fikrado iska soo horjeeda ka qabaan Faa’iidada iyo Khasaaraha Maaliyaddeed iyo Caafimaad ee maadada Qaadku Bulshadda dhexdeeda ku yeelatay, waxana ay qaarkood aaminsan yihiin inay faa’iidooyin dalka iyo dadkaba Jaadku u leeyahay halka ay fikrad taasi ka soo horjeeda ay kuwo kalena qabaan.

1-Hoonka Gaadiidka Qaadka ka dib.

Marka la maqlo Qeyladda Hoonka waxa ay farxad weyn iyo Astaan gaar ah dareema Dadka sida joogtada ah u isticimaala Geedka Qaadka oo ah mid u muuqda in uu Sakhrad leeyahay, dabcan gaadiid ayaa ka  soo qaada dhinaca Itoobiya gaar ahaan dhulka ka soo geliya Somaliland, waxana Qabatimay Isticimaalka Maadada Qaadka in ka badan 90% oo dadka dadoodu weyn tahay ama wakhtiga dhalinyaradda dhaafay, in kasta oo dhalinyartuna aad u cunaan laftoodu, waanay dabayaacaan sababto ah waxay aaminsan yihiin waxay ugu yeedhaan “Mirqaam” oo ay aaminsan yihiin inay Qaadka ka helaan, waxaanay Muwaadiniinta Somalilanders-ku maalin kasta ku kharash gareeyaan Cunista qaadka 1-Milyan oo Doolar oo u dhiganta (930,000 euros) oo Lacagta Yurub.

22-Kordhinta Iyo Saameynta Khatarta Caafimaad Ee Cunista Qabatinka Geedka Qaadka.

Waxa jira dhibaatooyin soo food saara Isticimaalka iyo Cunista dadka qabatimay Qaadka kuwaasi oo marar badan soo waajahaan dhibaatooyin caafimaad daro waxana ka Wakaaladani oo wax ka weydiisay mid ka mid ah dadka hargeysa ku dhaqan ee Cunista qaadka Qabatimay oo lagu naaneyso Nafyar isla markaana wakhtiyada dambe u soo jeeda Cunista Qaadku, waxa uu ka aaminsan yahay in uu wax yeeleyn karo Caafimaadkiisa waxa uu yidhi “Haa waan ka welwel sanahay in uu Saameyn Xun Caafimaadkeyga ku yeelan karo cunista qaadku, balse waxa uu iga caawiyaa shaqo maalmeedkeyga” waxaana uu Suxufi magaciisa ku soo koobay Cabdilaahi oo hargeysa ka hawlgala sido kale u sheegay wakaladdan in xata Mukhaatadaardka iyo Maandooriyayaasha kale ee sida qamriga oo kale uu mararka qaar ka qadar madan yahay Cunista Jaadku waxaana uu yidhi “ Xata waxa uu Cunista Qaadku ka khatar badan yahay Maandooriyayaasha kale, waayo waxa uu kaa dhigayaa mid Jidhkiisu sii shaqeynaayo xata adiga oo aan Cuneynin waxana uu kaadhigayaa mid Ilkihiisa iyo Afkiisa kaleba Akhtar yihiin, dadkana midba meel ayuu saameyn kaga yeesha.”

43-Aamaahda Dadka Cuna Qaadka.

Macaamiilka ama dadka Qabatimay Cunista qaadku waxa ay Rahan ugu dhiibaan inay ka sii hayaan Haweenka Qaadleyda ah ee ( Jaadka Iibiya) , kuwaasi oo ah Haween Dariiqyada Koleyo Jaad ah ku gada, waana tan iyada oo mid ka mid ah Haweenka Qaadleyda ahi u warameysay wakaalada DW.DE,COM ay tidhi “ Waxaan leeyahay Dukaan iyo Kafateeriyahan iyada oo sido kale aan qaadkan Iibiyo si aan ganacsigeyga u sii balaadhiyo” sidaasi ayey Tidhi Haweenay magaceeda ku sheegtay Sahra Caydiid.

Sida ay warbaahinta DW.DE xogo ay heshay ku sheegtay Haween ka shaqeeya qaadku waxa ku kalifay inay shaqo ka dhigtaan Dagaaladdii Sokeeye ee Somaliland ka dhacay iyo Colaadihii dalka soo maray si ay nolol maal meedka Qoysaskooda u daboolaan waxana haweenay ka hadlaysa arintaasi ay tidhi “Haweenku waxay bilaabeen Iibinta Qaadka wakhtigii Colaaduhu dalka ka jireen balse bilaw ayuubay aheyd wakhtigaasi waxana ay Haweenku faa’iidooyin iyo horumar ka sameeyeen lana qabsadeen shaqadaasi.”

3Waxay warbixintan ay qortay Wakaaladda DW.DE,COM, ay sheegtay inay Qiyaas malo awaal ahi tilaameyso Inay Haweenka Somaliland Boqolkiiba Labaagtan ku dhawaad (20%) iyo ka badani Cunaan Caleenka Maandooriyaha Qaadka tiradduna intaasi ka sii kordheyso iyada oo siyaabo Qarsoodi ah u Cunaan.

Waxay wakaaladu sheegtay in Geedka Qaadku uu ka baxo Waqooyiga Bari ee Dalka Itoobiya , halkaasi oo Gaadiid aad u dheereeya oo Jid dhibaato badan dhinaca Galbeed ee Xuduuda Dhulka ah Somaliland ka soo gala, Qaadkaasina marka uu Somaliland soo galo isaga oo noocyo kala duwan ah oo Caleenta lagu uun lagu kala garan karo dookha dadkuna nooca ay doonaan ay ka ciyaaraan oo ku iibsadaan lacagtodoa kay rabaan oo yaala meelo kala duwan oo Maqaaxiyihu ka midka yihiin.

Waxa warbixinta lagu sheegay sido Suuqa ganacsiga ee Qaadku yahay mid adag oo qaangaadhay mudo dheerna soo shaqeynaayey , isla markaana lacag fiican oo Cashuur ah dawladdu ka hesho sida wasaaradda Maaliyaddu u sheegtay Wakaaladdan, waxaana uu Sarkaal la yidhaahdo Cabdiwali Daa;uud oo wasaaraddaasi ka hawlgalaa sheegay inay sannad kasta Miisaaniyadda dalka in ka badan 20% oo Cashuur ah ka soo gasho Cashuurta Qaadka ee Kastamadda Somaliland dalka Itoobiya la wadaagto ee uu ka soo galo Geedkan Qaadku , balse aanay taasi macnaheedu aheyn dhaqaalaha iyo Cashuurta ay dawladdu ka hesho Geedka Qaadku inay meesha ka saareyso dhibaatadda uu dadka Cuna u geysto iyo Saameynta uu Qoysaska dalka u geysto taasi oo dhibaatooyin noloshooda Cawaaqib xumo uu ku yeeshay, waoxaana ay keentay in Ragii Qaadka isticimaalayey ama Caadeystay Cunistiisu ay ka go’aan qoyska xaaladdiisa , taasina ay sabab u noqotay in Haweenka hawshii qoysku kuwada dhacday, waxaana sida warbixinta lagu sheegay ay Marwo Faadumo Siciid oo haweenka Siyaasiyiinta ee reer Somaliland ahi ay ku dooday ay u sheegtay Raga uu wakhti badani kaga lumo Ruugista Caleenta Jaadka isla markaana uu dhibaatooyin badan oo Caafimaadka ah ku sababi karo la qabsiga Cunista Qaadku ku keeni karo Isku buuq iyo Hurdo la’aan, Amateed xumo iyo dhibaatooyin kale oo badan.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories