HomeWARBIXIN: Wakaalada Biyaha Burco Oo Tahli Kariwayday Inay Daboosho Surmiga Iyo Haraadka...

WARBIXIN: Wakaalada Biyaha Burco Oo Tahli Kariwayday Inay Daboosho Surmiga Iyo Haraadka Burco

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka togdheer waxay ka mid tahay magaalooyinka  rabi ku manaystay biyaha, waxaana jira baahi badan oo  biyo la,aaneed taasi oo ka taagan gudaha magaalada burco ayna cabasho xoogan ka muujiyeen qaar kamida dadweynaha reer burco, lama garanaayo sababta keentay biyo yaraanka ka jirta burco xili  ay dhawaan Wakaalada Biyaha Burco   soo bandhigtay wax qabadkeedii sanadla ahaa sidoo kale soo badhigtay gaadiid iyo qalab cusub oo ay ku tilmaantay horumar ay gaadhay.

Wakaaladda Biyaha BurcoGuud ahaan ceelashii biyayaha magaalada burco ayaan ahayn kuwo shaqeeya  halka kuwo kale oo kamida ceelashii dawlada ay la wareegeen gacan ku hayntooda dad shicib ah  kuwaas hada iyagu maamula ceelashaas waana sababta lagu  sifeeyey biyo la,aanta laga qeylinaayo gudaha magaalada burco,  Maareeyaha  Wakaalada Biyaha Burco ayaa warbaahinta ka sheegay marar badan inay ku geelaysteen hirgelinta biyo ku filan caasiamda labaad ee dalka basle ilaa iyo hada ma cada arinkaasi.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Somaliland  Xuseen Axmed Cabdulle  ayaa Madaxweyne siilaanyo  u magacaabay jagadaasi  wakhti  aanay hore Wasaaradani dalka uga jirin iyada oo gaara balse ay  ku lamaanayd  Wasaarada Macdanta Wasiirka ayaa maalintii loo dhaariyey xilka wasaaradaasi ayuu  qaaday  masuuliyada Wasaaradaasi, hasa yeeshee wali  wasiirkan ayan kasoo bixin shaqadii uu madaxweyne siilaanyo u igmaday oo ahayd inuu ka war hayo  xaalada biyaha dalka,  Wasiirku  tiramada dhawr jeer ayuu soo booqday magaalada burco waxaana  kasoo qeyb galay xaflado ay dhigatay Wakaala Biyaha Burco (WBB) walina muu arag meel ay ku yaalaan Ceelasha Waraabiyaha Magaalada .
Dhawaan ayey ahayd markii ay Wakaalada biyaha Burco soo  qaban qaabisay Xaflad  sida ay ku sheegeen ku xusaysay   Waxqabadkoodii Sanad laha ahaa, waxaan xafladaasi  lagu soo badhigay gaadhi noociisu yahay PARADO islamarkaan la sheegay in lasoo siiyey  Lacag dhan dhawr iyo toban kun oo doolar lacagtaasi oo laga soo amaahday Baanka Dhexe ee Somaliland, Sidoo kale waxay Wakaaladu soo bandhigtay Riwaayad si qaawan loogu weeraray Dalwada Dhexe iyo Xildhibaanda Golaha Deegaanka Burco oo ahayd mid meel ka dhaca, Wasiirka Biyaha ayaa 300KM usoo socday si uu wax uga soo qaato una soo xanbaarto lacagta amaahda ah ee diyaarka loola yahay.
Bulshada ku dhaqan Magaalada Burco ayaan qiray inaan Maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco  Daacad ka ahayn Shaqada Wakaalada islarmaana ay ku jiraan Gacmo, sidoo kale maamulka Wakaaladaasi  aanu ahayn sidii loo baahnaa shaqadiisuna aanay u socon sida Xafiis dawaldadeed, Waxaana ay taasi ku macneeyeen inay jiraan Gacmo si gaara u adeegta  Wakaaladaasi arintan ayaa fajiso ku ah dadka reer burco, sidoo kale Dadka reer burco ayaa Wasiirka Biyaaha Somaliland u bixiyey Magac aan hore loo maqal waxaanay ku naanayseen (Wasiir Xaaluf Daaq), tan ayaa ka qoslisay  in badan oo kamida dadka reer burco, Wasiirka Biyuhu marka uu yimaado magaalada burco wuxuu isla casarkaba  dib uga caraabaa  Magaalda Burco.

Xukuumada Madaxweyne siilaanyo ayaa moogan Hab dhaqanka Wakaalada Biyaha Burco oo si guracan u shaqeeya halka wasiirka Biyuhu  aanu ka war hayn xalaada biyaha ee dalka ayna tahay shaqadii uu ku dhaartay wakhtigii xilka loo igmaday, wali ma cada damaca uga meel yaala wax ka bedelka xukuumada Wasaarada iyo maamulka Wakaalada Biyaah Burco.

Mohamed Elmi Hassan

shiine1433@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories