HomeWarbixin soo Faqday Musuq-maasuq Baahsan oo Ka Dhacay Laamaha Maaliyadda ee Soomaaliya

Warbixin soo Faqday Musuq-maasuq Baahsan oo Ka Dhacay Laamaha Maaliyadda ee Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Muqdisho (SLpost)- Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya ayaa soo saaray Warbixin sanadeed ku saabsan baadhitaan ay ku sameeyeen Hay’adaha maaliyadda dowladda ee dalkaas.

War-bixinta ayaa lagu xusay inay Qasnadda Dawladda ka maqan tahay Malaayiin dollar, balse aan illaa hadda la garanayn sida loo isticmaalay iyo cid lagu tuhunsan yahayba.

Xafiiska Hanti-dhowraha guud ee Dowladda ayaa warbixin qoraal ah oo uu baahiyay ku faah faahiyay baadhista uu ku sameeyay Hay’adaha Dowladda qaar dakhli uruuriyeen iyo deeqaha caalamiga ah, warbixintan ayaa daaha ka rogtay musuq-maasuqa hay’adaha Dowladda, xafiiska Hanti-dhowrka Dowladda ayaa ku sheegay warbixintiisa in Wasaaradda Gaadiidka, Hay’adda dambi baadhista (CID) iyo Jaamacadda Umadda dakhliga ay qabteen ay dib u isticmaaleen isla-markaana aan la helin hab baadhistu ku sii socon karto.

blank“Muunadda baadhista aan qaatay waxaan ku ogaaday in Hay’adaha Dowladda qaar ka mid ah ay qabteen wadarta dakhli gaadhaya US $ 1,350,400 oo ay isticmaaleen, taas oo baal-marsan Xeerka Xisaabaadka Dowladda 317 qodobkiisa 34aad oo soo baxay sannadkii 1961 (waxna laga bedelay 1972).

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay qabatay dakhli dhan US $86,980 dib ayayna u isticmaashay; Hoggaanka Baadhista Dembiyada (CID) ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay qabteen US $577,014 dib ayayna u isticmaaleen. Hay’adda Duulista Rayidka waxay qabatay US $130,130 dib ayayna u isticmaashay. Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed waxay qabatay US $556,276 dib ayayna u isticmaashay,” Sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta.

Warbixinta ayaa lagu xusay deeqaha Caalamiga ah oo ay hesho dowladda Federaalka ah isla markaana ay ugu deeqeen Midowga Yurub, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo UNOPS ay wadarta Deeq bixintooda aheyd $38,259,559 doolar, waxaanay Warbixintu sheegtay in deeqdaas caalamiga ah ay qasnadda dhexe ee Dowladda Federaalka gaadhayso $19,872,827 doolar.

Warbixinta xafiiska Hanti-dhowrka waxaa ay sheegtay in lacagta deeq bixiyaashu ay ka maqan tahay $18,386,732 doolar oo aan laheyn meel loo raaco.

blank

@HCTV

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories