HomeWARBIXIN: Sigaar Lagu Xayaysiiyey Boodhadhka Magaalada Hargeysa iyo Mawqifka Xukuumadda -Wariye Kuraase.

WARBIXIN: Sigaar Lagu Xayaysiiyey Boodhadhka Magaalada Hargeysa iyo Mawqifka Xukuumadda -Wariye Kuraase.

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

 

Hargeysa(SLpost)- Xayaysiinta iyo suuqgeynta sigaarku waxay ka soo horjeedaa shuruucda caalamiga oo dhigaya in aad la xayaysiin Karin sigaarka maadaama oo uu halis ku yahay caafimaadka qofka.

Meelo ka mid magaalada Hargeysa, sida dayrka dugsiga hoose/dhexe ee Sheekh Bashiir, wajahadda Wasaaradda waxbarashada iyo goobo kale ayaa waxa ku dhagan boodhadh lagu xayaysiinayo sigaar magiciisu yahay M1. Walaw ay xagga hoose ee baakidhka boodhadhkaa ku sawiran ku qoran tahay “Tubaakadu aad bay u waxyeelaysaa caafimaadka” haddana waxa ku xardhan erayo lagu xayaysiinayo oo ay ka mid ah “Mid la mid ahi Ma jirto”

Maxamed Axmed Muuse “Kuraase”, suxufiga warbixintan diyaariyey oo ka tirsan telefishanka Horn Cable TV ayaa wax ka waydiiyey agaasimaha wasaaradda caafimaadka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare waxaanna ay labadooduba sheegeen in ay mamnuuc tahay in sigaar lagu xayaysiiyo waddanka gudihiisa iyo caalamkaba, iyaga oo balanqaaday in ay ka qaadi doonaan talaabo sharciga waafaqsan oo deg deg ah.

“Laba arrimood mid uun baa jira. In uu dayac jiro ayaa dhici karta oo aan lagu wargelin in waxani mamnuuc ama waxa dhici karta in cid sharciga jabinaysa tahay oo ay og yihiin shuruucda dalka taala.  Sigaarku meel walba mamnuuc buu ka yahay dunida in la xayaysiiyo iyo in goobaha shaqada lagu cabo. Wasaarad ahaan annaga oo adeegsanayna shuruucda ka taala dalka, waxaan uga digaynaa ganacsatada iyo shirkadaha xayaysiiska qoro in ay dambi tahay in sigaar la xayaysiiyo” ayuu yidhi agaasimaha wasaaradda caafimaadka JSL.

 

Sidoo kale wasiir-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa isaguna sheegay in ay mamnuuc tahay xayaysiinta sigaarku islamarkaana waxa uu sheegay in goobaha waxbarashada ee wasaaraddu maamusho si deg deg ah looga jari doono.

 

Halkan Hoose ka Daawo Warbixinta Wariye Kuraase – HCTV

https://youtu.be/Wv4mTjYzXGE

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories