HomeWarbixin: Saamaynta Cimilada Kululaatay Ku leedahay Horumarka Afrika

Warbixin: Saamaynta Cimilada Kululaatay Ku leedahay Horumarka Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Waxa Qoray Charles Ole Ngereza, Waxa soo Koobay Xuseen Kurdi

Kooxda Qaaradda Afrika u qaabilsan wadahadalada caalamiga ah ee diirimaadka cimilada iyo isbedelkeeda  ayaa go’aansaday inay ka bxi doonaan wadahadalada hadii ay u arkaan in heshiiska la doonayo in  wax lagaga qabto isbedelka cimilada adduunku uu noqdo mid jilicsan oo aan ku filnayn dalabaadkooda, isla markaana aan tixgelin la siin saamaynta isbedelka cimiladu ku leeyahay Qaaradda afrika.

Dalalka Afrika ayaa heshiis midaysan ka sii gaadhaya arintaasi ka hor inta aan la gaadhin shirweynaha Qaramada midoobay ee isbedelka cimilada adduunka oo bilaha soo socda lagu qaban doono magaalada Paris ee Dalka faransiiska

Wakiilada Qaaradda Afrika u meteli doona shirweynahasi ayaa dhowaan sheegay in ay ka soo qayb galayaasha ka dalban doonaan in isbedelka kulaylka cimilada lagu hayo 2 degrees Celsius si loo ilaaliyo in Afrika cimiladu ka sii kululaato.

Nuqulka heshiiska ay qaramada midoobay soo diyaarisay ee lagu falanqayn doono Magaalada Paris ayaa la sheegay inuu dhigayo in korodhka  kulaylka cimilada adduunka aan la dhaafin 1.5 degrees Celsius.
“Haddii heshiiska la keenayaa noqdo mid aan noo cuntamin waxaan filayaa inay haysan doonaan heshiis qabyo ah oo Afrika qayb ka ahayn, heshiiskaasina waxa uu la kulmi doonaa diidmo naga timaadda, taasoo aan u arko habka keliya ee wax lagaga bedeli karo miisaanka awoodeed ee Paris isugu iman doona.” sidaa waxa sheegay Mr. Patrick Bond oo ah cilmi baadhe caalami ah oo ka tirsan jaamacadda KwaZulu-Natal ee dalka K/Afrika oo u waramayey Shabakadda wararka ee http://www.scidev.net/ oo wax ka qorta arrimaha ku saabsan dhanka cimilada iyo isbedeladeeda.

Kulan ay wakiilo ka socda dalalka Qaaraddu ku yeesheen Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania todobaadkii hore waxa lagu cadeeyey in mar kasta oo isbedelka cimilada addunku uu sii kululaado qiyaas dhan 2 degree uu baabi’inayo 4.7% wax soo saarka gudaha ee guud ahaan qaaradda, sababtoo ah khasaare ku imanaya dhanka beeraha.

Sida ay sheegeen saynisyahanadu Kulaylka Cimilada oo sii kordhaa waxa uu cunto yaraan ku keeni karaa 128 Milion oo afrikaan ah, halka sidoo kalena 108 Milion oo kale uu ku keenayo barokac ay sababaan daadad xoog leh oo yimaadda iyo heerka biyaha badda oo kor u kaca.

Dalalka ay qaramada Midoobay ku casuuntay shirweynaha isbedelka cimilada adduunka ee Paris ka dhici doona waxay hiigsanayaan sidii loo yarayn lahaa carbon dioxide, laakiin ficil ahaan waa mid ku adag wadamadan inay sidan sameeyaan sababtoo ah kharashka ku baxaya oo badan.

Qayb ka mid ah kulanka xarunta Dalka Tanzania ku qabsoomay waxaa la iskula qaatay muhiimada wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo hoos u dhigidda kulaylkeedu u leedahay barwaaqo ay mustaqbalka gaadho Afrika

Mr Charles Jonga oo Agaasime ka ah Ururka ilaaliya kheyraadka dabiiciga ah iyo culuunta ogaanshaha asaliyadda eeZimbabwe’s Campfire Association, waxa uu kulanka Arusha ka sheegay ‘inuu ka werwersan yahay sida wadamada dhinaca wershadaha hore uga maray ay ugu yar yihiin wax ka qabashada isbedelka cimilada adduunka ee soo kululaanaysa’

Dhankiisana Mr John Kioli, gudoomiyaha ururada bulshada rayidka ah ee Dalka Kenya ee ka hawlgala dhanka cimilada ayaa tilmaamay in Afrika ay tahay meelaha ugu nugul isbedelka cimilada ee keenay inay dunidu kululaato oo ah isbedel ay dhaliyeen dalalka horumaray waxyeelana ku haya bulshada faqiirka ah ee Afrika, inkastoo uu sheegay in  qaaradu ay weli haysato fursado yar oo ay kaga qayb qaadanayso dadaalada lagu dhimayo kulaylka cimilada iyadoo lala kaashanayo khibrada waayo aragga Qaaradda u dhashay.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories