HomeWarbixin lagu shaaciyey Tirada Budhcad-badeedda ku xidhan Xabsiga Hargeysa iyo qaar dhowaan...

Warbixin lagu shaaciyey Tirada Budhcad-badeedda ku xidhan Xabsiga Hargeysa iyo qaar dhowaan loo soo wareejinayo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Xabsiga Dhexe ee HargeysaSeychelles (SLpost)- Warbixin xambaarsan xog-ururin laga sameeyey tiro-koobka maxaabiista falalka budhcad-badeednimo loogu xukumay Maxkamado ku yaalla waddanka Seychelles, ayaa daboolka ka qaadday tirada budhcad-badeed Soomaali ah oo ku jira Xabsiyo ku yaala Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, kuwaas oo laga soo wareejiyey dalkaasi Seychelles.

Sidoo kale, waxa warbixintu shaaca ka qaadday tirada budhcad-badeed Soomaali ah oo wakhtigan ku xidhan xabsiyo ku yaalla Seychelles oo la qorsheeyey in bilaha soo socda lagu soo wareejiyo Xabsiyada ku yaala Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland. Waxa kale oo Jeelashada waddanka Seychelles ku xidhan maxaabiis kiisaska dacwadahoodu ka socdaan Maxkamadaha dalkaas, kuwaas oo ka dhur-sugaya go’aamo maxkamaduhu ka soo saaraan eedaymaha loo haysto ee la xidhiidha budhcad-badeednimada.

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland iyo magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland, waxa ku yaala laba Xabsi ay maalgelisay Qaramada Midoobay ujeeddada ay ka lahayd dhismahooda ugu talo-gashay inay xukunkooda ku dhammaysteen maxaabiista budhcad-badeedda Soomaalida ah oo lagu soo xukumo dalka Seychelles.

Xabsiyadan ayaa ammaankooda si xooggan loo ilaaliyaa, iyada oo la casriyeeyay dhammaan adeegyada aasaasiga ah ee qofka maxbuuska ahi u baahan yahay, waxaana kharashaadka ku baxa bixisa hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan la-dagaalanka Mukhaadaraadka iyo Dambiyada.

Dalka Seychelles oo ah Jaziirad ku taala Galbeedka Badweynta Hindiya, juquraafi ahaanna uu dhow xeebta dalka Soomaaliya oo budhcad-badeeddu hawl-galkooda ka bilowday sannadkii 2005-kii, ayaa ka mid noqotay dalalka hormoodka ka ah la dagalaanka aafaada budhcad-badeedda oo saamayn ku yeelatay dhaqaalihii dalkaas ka soo geli jiray Maraakiibta iyo dalkiiska. Waxaanay ogolaadeen in dalkooda lagu maxkamadeedyo eedaysanyaasha falalka budhcad-badeenimo loo haysto, iyada oo intii u dhaxaysay 2009 ilaa 2013 hay’adaha garsoorka dalkaasi ka gar-naqeen kiisaskii ugu tirada badnaa ee la xidhiidha falal budhcad-badeed.

Warbixintan oo lagu jariiradda Today In Seychelles, ayaa lagu sheegay in 111 budhcad badeed Soomaali ah oo dalkaas lagu xukumay loo soo kala wareejiyey magaalooyinka Hargeysa ee Somaliland iyo xarunta maamul-goboleedka Puntland ee Garoowe oo ay ku yaallaan Xabsiyo ay maalgelisay isla markaana dhaqaalaha ku baxay ay bixisay Hay’adda La-dagaalanka Maandooriyaha iy Dambiyada u Qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNDOC, mashruucaas oo qayb ka ah la-dagaalanka budhcad-badeedda Soomaalida ah ee beesha Caalamku isu kaashatay.

Haseyeeshee, warbixintani ma xusin tirada rasmiga ah ee maxaabiista Budhcad-badeedda ku jirta Xabsiga Hargeysa, marka laga reebo in tirada 111 Maxbuus ee laga soo wareejiyey dalka Seychelles loo kala qaybiyey labada Xisbi ee Hargeysa iyo Garoowe, iyada oo warbixintu intaas ku dartay in Xabsiga Hargeysa oo Xajmi ahaan ka ballaadhan ka Garoowe uu qaadis karo maxaabiis tiro badan.

Bishii Oktoober ee Sanadkan tiro-koob laga helay ciidanka Asluubta ee dalka Seychelles, in ka badan 41 maxbuus Soomaali budhcad-badeed ah, ayaa ku jira Xabsiga Montagne Posee oo ku yaalla galbeedka buuraleyda ku xeeran caasimadda dalka Seychelles, halkaas oo ah meel si gaar ah loogu hayo Maxaabiistan oo 25 ka mid ahi Xukuman yihiin, lana diyaariyey sidii loogu soo wareejin lahaa Xabsiyada Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland. Halka 16-ka maxbuus ee kale ay sugayaan go’aamo ka soo baxa dacwadda kiisaskooda oo maxkamadaha dalkaas ku jira.

SOMALILANDPOST.NET

CONTACT@SOMALILANDPOST

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories