HomeWarbixin ku Saabsan Socdaal Shaqo Oo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare Ku Mareen Gobolada...

Warbixin ku Saabsan Socdaal Shaqo Oo Garsooreyaasha Maxkamadda Sare Ku Mareen Gobolada Bariga Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee u guurray gobolada barriga dalka ayaa u qaybsanaa saddex kooxood, oo ku kala jihaysnaa gobolada Saaxil, Togdheer iyo Sanaag.

Garsoorayaasha ayaa muddo 3 todobaad ah ku gudo jiray safarkooda shaqo, kaasi oo salka ku hayay soo eegisaha goobaha lagu muran sanyahay, dhagaysiga darafyada iyo qaadista dacwadaha. Kooxda koowaad ee Garsoorayaasha oo ka koobnaa 3 Garsoore oo kala ah Axmed Diiriye Qaalib, Cabdilaahi Cabdi Aadan iyo Sheekh Cali Shucayb Sh. Ibraahin oo ay kaalinayeen Khadar Muuse Cabdi iyo Cabdikariin Ismaaciil Cabdilaahi ayaa ka amba-baxay xarunta Maxkamadda Sare iyagoo ku jihaysnaa deegaanada baaxada leh ee gobolka Sanaag. Waxaanay dacwado ku soo dhagaysteen deegaannada Dayaxo, Ilad garaad, Ceel-qoray, Kabiid, Dab-xidig, Ceel-Af-weyn iyo gudaha magaalada Ceerigaabo.

Halka ay labada qaybood ee kale u amba-baxeen Gobolada Saaxil iyo Togdheer, kuwaasi oo kala ah Maxamed Cumar Geele, Maxamed Faarax Siciid, Cabdiraxmaan Xuseen Caynaan, Yaxye Cali Idiris iyo Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ay kaalinayeen Muuse Maxamed Sh. Ibraahin, Cumar Cabdiwahaab Siciid, Cabdisalaan Muuse Ducaale, Cismaan Maxamed Caydiid iyo Mubaarig Aadan Cabdilaahi. Garsoorayaasha ayaa soo eegay isla markaana dhagaystay goobo ay dacwado ka socdeen oo ku yaala degmooyinka Berbera, Sheekh, Burco, Beer, Yiroowe iyo deegaanka Ragadka. Iyo deegaannada baaxada leh hoos yimaada gobolada Saaxil iyo Togdheer.

Guud ahaan dacwadaha ay ka soo garnaqeen Garsoorayaasha Maxkamadda Sare, soona eegeen goobaha ay dacwaduhu ka socdaan ayaa ka koobnaa 96 dacwadood, kuwaasi oo 20 kamid ahi Ciqaab ahaayeen halka 76 dacwadood ay Madani ahaayeen. Waxa xusid mudan in 20-ka dacwadood ee Ciqaabta ah ay saddexda kooxood ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ku wada galeen hoolka dacwadaha ee Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Togdheer, kuwaasi oo ay wehelinayeen Ku-xiggeennada Xeer-ilaaliyaha Guud Axmed Cismaan Mire Mawliid Cabdi Muuse iyo Jamaal Jaamac Xaashi.

Ka sokow dhagaysiga dacwadaha iyo soo eegisaha goobaha ay dacwaduhu ka socdaan waxa iyana qayb weyn ka ahayd maaraynta cabashooyinka, kuwaasi oo ay Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ugu kuur galayeen arrimaha ay dadweynuhu ka cabanayaan isla markaana u maaraynayeen.

Socdaalkan shaqo ee Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ay ugu guurreen gobolada bari iyo deegaannada baaxada leh ee hoos yimaada ayaa kamid ah dedaaladda ay Maxkamadda Sare ee dalku ku hoggaaminayso Maxkamadaha Guurguura. Sannad walba Maxkamadda Sare iyo Maxkamadaha hoose ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u guuRra deegaannada ay maamulaan ee hoos yimaada. Halka bil kastana qaybo (Chambers) kamid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Sare u kala guurraan gobolada bari iyo kuwa galbeed ee dalka.

Maxkamadaha guurguura ayaa sidoo door muuqda kaga jira dedejinta dacwadaha iyo u fududeynta bulshada adeega Garsoor ee ay xaqa u leeyihiin, iyadoo bulshada loogu garnaqayo kambalka guryahooda halkii ay safar dheer u soo gali lahaayeen magaalada Hargeysa oo ay tahay xarunta Maxkamadda Sare.

blank blank blank blank

Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories