HomeWarbixin ka hadlaysa Socdaalka Weftiga Saylici ee ku sugan UAE iyo Halka...

Warbixin ka hadlaysa Socdaalka Weftiga Saylici ee ku sugan UAE iyo Halka uu marayo Heshiiska Saldhigga Milatari

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Abu Dhabi (SLpost)- Wefdi uu hoggaminayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo booqasho ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa wakhtigan ku guda-jira gebo-gabayada ujeeddadii ay halkaas u tageen oo la xidhiidha dhinaca dibloomaasiyadda iyo maalgeshiga.

blankWeftiga oo ay ku jiraan tiraba Siddeed Wasiir oo xukuumadda ka tirsan, xubno ka socda Axsaabta Qaranka, ayaa ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidha dhammaystirka heshiiska Saldhigga Milatari ee dalka Imaaraadka Carabta ka samaysanayo garoonka diyaaradaha ee Berbera, kaas oo ay dhawaan ansixiyeen Goleyaasha Xeer-dejinta ee Somaliland.

Qoraalkan hoose oo lagu sheegay warbixin, waxa socdaalka Weftiga Madaxweyne ku-xigeenka ka diyaariyey, weftigana la socda Wariye ka tirsan Telefishanka Qaranka Somaliland oo lagu magacaabo DALMAR kaas oo xaruntiisu tahay dalka Sweden.

“Wefdi uu hoggaminyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa hataan boqosho ku jooga dalka Imaardka Carabta wefdigan oo ah midd aad culus oo ay ku jiraan ilaa 8 wasiir oo ka tirsan xukumda Somaliland iyo xubno kasocda asxaabta mucaaridka ayaa ujeedad safarkani salka ku hayaa ansaxinta dhamaystirka heeshis Meletry oo dhexmara dalka Somaliland iyo Dalka isutaga imaardka carabta heshiiskan ayaa waxaa uu maraya Waji Gabogabo ah la iskuna afgartey.

Wakhtigan xadiirka ee aan warbixintan diyaarinayo waxaan ku suganhay gobta wefdiga Somaliland la dajiyey oo ah goob xaga amaanka aad loo adkeeyey kuna taal madaxtooyada Dalka Imaardka Carbata waxaanada arkeysa sida dalka imaardka carabta u daneeynayso heshiiska meletry oo dhexmara Somaliland iyo Imaardka.

Nuxurka Heshiiska

Heeshiskan iskaashiga meletry ee Somaliland iyo imaardka ayaa ah mid labada dhinac si weyn uga baaran dageen isla markaana ay ka qayb qaateen khubro ku xeeldheer arimaha heshiisayada meletry ee calamka oo aan kula kulmey goobta aan hatan ku sugan walow ay ka gaabsadeen mar aan wax kaweydiiyey nuxurka heshiiska.Balse xog hoose ayaa sheegeysa in uu ku jiro qodob aad u weyn kaaso aan farxad  galindoonin dalalka iyo xoogaga loolanka siyaadeed kula jira Somaliland.

Heeshiska meletry ee Somaliland iyo Imaardka ayaa ah mid labada dhinacaba ay isku waafaqeen inuu kor uqaadi doono xidhiidhka labada dal,taaso dalka imaardku haatan uu bilaabey olole siyaadeed oo uu ku qaado cid wal oo uu tuhumo in ay heshiiskan carqaldeyn karaan gaar ahaan Dalka Somaliya oo qarka u saraan in imaardku galiyo godoon siyaadeed oo ka dhashey warbiximo ku lidi ah heshiiska oo ka imanya Casimada somaliya Muqdisho.

Heshiskan Meletry ee dhexmarey Dalalka Imaardka Iyo Somaliland oo aad ubaladhan ayaa waxaa si khaasa loogu xusey dadka Deeganka goobaha meletry oo iyagu heshiskani siinayo nasnuujin gaar ah marka laga yimaado Somaliland guud ahaan waxaana warar hoose sheegayaan in dawalada imaardku ay ku qanacadey arinkaa dadka deeganka.

Guud ahaan heshiskan Meletry ee Somaliland iyo Imaardka ayaa ah mid diirada lagu saarey amaanka mandaqada bada-Cas iyadoo xeeldheerayaal aan goobta kula kulmey ii sheegen in dawalada imaardka ku talo jirto in uu beyskani meletry noqdo mid lagu qalabeeyo hub casriya oo lagu diifaaci karo Golf of Aden iyo nawaaxiga Bada Cas.” Sidaas ayuu Weriyuhu ku sheegay Qoraalkiisa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories