HomeWarbixin iftiimisay Halista Shacabka Danyarta ah kaga soo Wejahan Isticmaalka Dhuxusha oo...

Warbixin iftiimisay Halista Shacabka Danyarta ah kaga soo Wejahan Isticmaalka Dhuxusha oo Dabar-go’ ku dhow iyo Dhiiri-gelin la’aanta Ilaha kale ee Tamarta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

HARGEYSA (SLpost)-  “Nolol-maalmeedka qoysaska nugul ee ay ku jiraan kuwa faqiirka ah iyo kuwa ku bara-kacay gudaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa si adag u sameeyey kor-u-kac ku yimi qiimaha Dhuxusha oo ah tamarta ugu muhiimsan ee loo isticmaalo wax karinta. Kiishka 25kg ee dhuxusha ah ayaa qiimihiisu yahay 90,000 Somaliland Shillings oo u dhiganta $13.84 bishii October, iyada oo qiimahaasi kor uga soo kacay bishii September oo qiimaha kiishka Dhuxusha ahi ahaa 60,000 Shilling una dhiganta $9.23 Dollar. Sannadkii 2007-dii waxa kiishka dhuxusha la siinayey 18,000 Shilling (2.76 Dollar),” sidaas waxa lagu sheegay warbixin ay magaalada Hargeysa ka diyaarisay Wakaaladda wararka Qaramada Midoobay ee IRIN.

dhuxul“Waxaanu markii hore bil kasta iibsan jiray laba gadbadood oo dhuxul, laakiin qiimaha kor-u-kacay awgeed, waxaanu maalin kasta iibsanaa hal Jaqaf,” sidaa waxa wakaaladda wararka QM ee IRIN u sheegtay Casha Axmed oo ah hooyo shan carruur ah haysata, waxaanu kharashka dhuxushu boqolkiiba 64 ka yahay biilka qoyskeeda.

“Waxaanu dhuxusha ku kharash-garaynaa 9,000 Shilin oo ka mid ah 14,000 Shillin oo aanu maalin kasta biil ahaan u isticmaalno. Shanta Kun ee kale kuma filna inay daboosho saddexda Cunto-wakhi ee qoyska maalin kasta,” sidaas ayay Caasha u sheegtay IRIN.

Warbixinta waxa lagu soo qaatay cilmi-baadhis Akeedamiyadda Nabadda iyo Horumarintu samaysay sannadkii 2007-kii, taas oo lagu ogaaday qiyaas ahaan 70,000 oo guri oo ku yaala magaalada Hargeysa inay isticmaaleen 105,000 kiish oo dhuxul ah bil kasta oo qiimahoodu ahaa 1.89 bilyan Shilling oo u dhiganta $300,000 (Saddex boqol Kun oo Dollar).

“Intii aanu ku gudo-jirnay daraasaddayada sannadkii 2007, waxaanu Oodweyne ka helnay goob laga shido Dhuxusha, halkaas oo maalin kasta lagu gubi jiray 3,000 geed,” sidaa waxa yidhi Cumar Aadan Yuusuf oo ah cilmi-baadhe ka tirsan Akedamiyadda Nabadda iyo Horumarinta (APD), waxaan intaas ku daray in gobollada Sanaag iyo Badhan ee Bariga Somaliland yihiin meelaha Dhuxulaysigu si xooggan saamaynta ugu yeeshay. “Xaalufka ugu xun ee Deegaanku wuxuu ka jiraa Sanaag iyo Badhan maxaa yeelay waxa halkaas Dhuxusha looga raraa dekedda Boosaaso oo looga dhoofiyo waddamada Gacanka,” ayuu yidhi Cumar Aadan.

Warbixinta oo soo xiganaysa tira-koobka xukuumadda Somaliland, tirada Guryaha ku yaala magaalada Hargeysa ee lagu nool yahay, ayaa korkay in ka badan libin-laab wixii ka dambeeyey sannadkii 2007, iyada oo cel-celis ahaan qoyskiiba laba kiish oo Dhuxul ah ku isticmaalo bil kasta Qiime u dhigma 27.68 Dollar.

Maxaa Sababay Hoos-u-dhaca Dhuxusha?
Hoos-u-dhaca ku yimi Dhuxusha magaalooyinka loo iib-geeyo, ayaa sida warbixintu sheegtay loo aanaynaa nabaad-guurka deegaanka iyo dedaallo xukuumaddu ka gashay inay xididdada u siibsto ka-ganacsiga Dhuxusha.

“Laba sababood ayaa keenay kor-u-kaca qiimaha Dhuxusha; Midi waxa weeye ganaax dawladdu saartay dadka ka ganacsada Dhuxusha, arrinta labaadna waxa weeyi dhirtii dhuxusha laga shidayey oo aan jirin,” sidaas waxa yidhi Axmed Cabdilaahi oo ah khabiir ku xeel-dher Deegaanka.
Waxa jirta sabab kale oo saamayn ku yeelatay Dhuxusha magaalooyinka loo iib-geeyo, taas oo ku khasbaysay dadka Dhuxusha ka ganacsada inay joojiyaan ganacsigooda, sida uu IRIN u sheegay Yuusuf Maxamed Cali oo ah ganacsade goob Dhuxusha lagu iibiyo ku leh magaalada Hargeysa.

“Ma sii wadi karno ganacsiga Dhuxusha gebi ahaanba maxaa yeelay haddii kiish lagaa siiyey 70,000 Shillin ($10.76) ku iibiso 80,000 Shilling ($12.30), Berri wuxuu noqonayaa 88,000 Shillings ($13.56),” sidaa ayuu yidhi Yuusuf Maxamed.

Tamartii Dhuxusha Beddelkeeda noqon lahayd oo kooban

Qorshayaasha muddada-fog ee ku wejahan diyaarinta ilo kala duwan oo laga helo Tamarta lagu isticmaalo Somaliland, ayaan weli hana-qaadin, in kasta oo dawladda Somaliland Sannadkii 2011-dii dejisay qorshayse maalgelineed oo lagu samaynayo dhuxul-dhagaxda, Tamarta laga helo Qorraxda iyo Gaasta si loo dhiirigelin karo dhinacyo kale oo laga helo Tamarta wax lagu karsado.

“Dawladda way ku hawlan tahay in la helo Tamar lagu beddeli karo Dhuxusho maxaa yeellay waxay mar horeba saamayn taban ku yeelatay deegaanka Dhulka Somaliland, keymahayagii oo dhanna waxay noqdeen lama-degaan,” sidaa waxa IRIN u sheegtay Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxaanay intaas ku dartay hadalkeeda oo tidhi, “Dawladda Somaliland waxay cashuurta ka dhaaftay Shooladaha Gaasta loo isticmaalo si dhibaatadan xal loogu helo.”

In kasta oo ay xaddigan tahay tamar dadku adeegsan karaan halkii ay Dhuxusha ka isticmaali lahaayeen, haddana aad bay u hoosaysaa heerka isticmaalkooda oo aanay dadku ku badnayn, sida lagu xusay warbixitan. “Waxaan qoyskayga u soo iibiyey shoolad maxaa yeelay way ka jaban tahay Dhuxusha. Tusaale ahaan, qoyskaygu waxay maalintii isticmaalaan hal litir oo gaas oo qiimaheedu yahay 7,000 shillin,” sidaas waxa yidhi Aw Ciise Axmed oo ah Aabe todoba Carruur ah dhalay oo ku magaalada Hargeysa.

Haseyeeshee Aqoonyahanka dalka qaarkood, ayaa aamisan inaanay shacabka Somaliland si fudud ku joojin doonin isticmaalka Dhuxusha. “Dadka Somaliland waligood joojin maayaan inay isticmaalaan shooladaha dhuxusha lagu karsado ilaa ay nolosha ku qasabto inay raadsadaan wax kale oo ay ku beddeshaan, maxaa yeelay dadka noloshooda oo dhan baa la qabatintay inay isticmaalaan Dhuxusha,” sidaasna waxa IRIN u sheegay Cali Sheekh oo wax ka barta Jaamacadda Hargeysa.

In kasta oo ay jirto aqoon-darro dadka intooda badan ka haysata Isticmaalka Shooladaha Gaasta, haddana Xukuumadda Somaliland waxa ay beesha Caalamka ka codsatay sidii looga caawin lahaa Tamar laga maarmo dhuxusha laga shito Dhirta iyo Nabaad-guurka deegaanka.

“Ma garanaynayno sida loo isticmaalo shooladaha, laakiin waxaanu kaliya garanaynaa sida loo isticmaalo Dhuxusha, “ Sidaasna waxa sheegtay Aamina Cumar oo ah hooyo da’ ah oo ku nool Xaafadda State House-ka ee Hargeysa.

“Waxaanu beesha caalamka ugu baaqaynaa inay naga caawiso sidii aanu ku heli lahayn Tamar wax lagu karsado sida Shooladaha Gaasta ama Haamaha naqaska iyo Tamarta Qoraxda,” sidaa waxa tidhi Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories