HomeWarbixin Guud oo ku Saabsan Khasaarihii Ka Dhasay Raxmaadkii Shaley iyo Xaley...

Warbixin Guud oo ku Saabsan Khasaarihii Ka Dhasay Raxmaadkii Shaley iyo Xaley ka Da’ay Magaalada Caasimada Hargeysa iyo Doorkii Ciidanka Dab-demiska

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa maalintii shalay ilaa habeenimadii ka hawlgalayay khasaarayaal kala duwan oo ay keeneen Roobab waaweyn oo ka da’ay magaalada hadaba, warbixinta  samata bixinta khasaarihii  ka dhashey raxmaadkii eebe ee shaley iyo xaley ku hoorey Caasimada Hargeysa  oo faahfaahsan waxay kala tahay kala tahey :-

blank

 

Samata bixinta Nolosha iyo  Hantida.

1-    Degmada Axmed Dhagax aaga masjid Bootaan waxa laga samata bixiyey 5 caruura oo dugsi waxbarasho laga soo fasaxey.

2-    Dagmada 26 june marinka biyaha ee Indha-Deero  Malls  waxa laga samata bixiyey Hooyo,aabo iyo 6 caruura oo ay dhaleen iyo gaadhigoodii.

3-    Dagmada 26 June Dooxa weyn ee Hargeisa waxa laga samata bixiyey 5 qof  gaadhigoodiina daadka ayaa qaadey.

Wadarta guud ee dadka daadka laga reebey waa 18 Qof.

 

Khasaaraha  Hantida

1-    Degmada 31 xaafada Cabdi Iidaan waxa ku dumey guri waxana ku dhaawacmey laba caruura iyo hooyadood.

2-    Degmada 31 may xaafada boqol-jire waxa ku dumay  10 guri oo kala duwan.

3-    Degmada 31 mey xaafada sheikh Cumar waxa ku dumey 37 Guri.

4-    Degmada Ibraahim Koodbuur  xaafadaha Grand-Haadi Hotel ka danbeeya waxa ku dumey 5 guri waxana ku dhintey 3 qof 2 qofna waa dhaawac ah.

5-    Degmada ibraahim koodbuur xaafada jigjiga yar masjid Daarul iimaan waxa ku dumey guri jiingad ah.

6-    Degmada ibraaim koodbuur Macradka baabuurta iibiya ee Xandule Motors waxa ku dumey hadhkii gaadiidka waxana uu ku fadhiistey 13 gaadhi.

7-    Degmada  ibraahin koodbuur xaafada xero awr  waxa ku dumay laba bakhaar oo ay leedahay shirkad  Jameeco weyn.

8-    Degmada Gacanlibaax dhismaha EX Tiyaatarka Hargeisa waxa soo daatey sakhaaradaha dhismaha oo guud ahaanba xanibey socodka gaadiidka mudo 5 saacadood ah.

9-    Degmada Gacan libaax aaga fooqa buubaa geed ayaa ku fadhiistey meherad ganacsi waana laga jiidey.

Wadarta Guud ee Guryaha iyo goobaha Ganacsiga  waxyeeladu gaadhay 49 guri keliya

 

blank

 

 

 

Caqabadaha.

 

Caqabadaha kala duwan ayaa jira kuwaasoo kala ah :

1-    Dhaawacyo iyo burbur hanti aan sugneyn oo meelo kala duwan wali laga soo sheegayo.

2-    Saxmada Gaadiidka oo ay wadayaashu soconayaan iyada oo ay jiraan daadad iyo dabeylo.

3-    Biraha boodhadhka, leydhka iyo jiingadha dhismayaasha kumeel gaadhka ah oo khasaare kala gedisan keeney.

4-    Wacyi galin la,aan bulshada ka heysata  ka gabashada masiibooyinka ee xiliyada dabeylaha iyo daadadkuba jiraan.

5-    Wada shaqeyn la,aan ka jirta shirkadaha leydhka qaarkood kadib markii xaalad degdeg ah lagu wargaliyey.

 

Baahida Degdeg ah:

1-    Kaalmo caafimaad oo loo fidiyo dadkaan dhakhtarka weyn lasoo gaadhsiin.

2-    Gargaar bani aadanimo oo la gaadhsiiyo dadka guryuhu ka dumeen gaar ahaan raashinka, bustayaasha dhaxanta iyo dib u dhiska hoygooda.

3-     Wax ka qabashada jidadka iyo marinada biyaha ee roobku wax yeeley.

4-    Wax ka qabashada wadayasha biimada ah iyaga oo rakaab sida.

Talo soo jeedin.

 

Ugu dambayn Ciidanka Dab-demisku wuxuu Talo soo jeedin u soo jeedinayaa dhamaan Cid kasta oo ay khusayso ka hortagga iyo wax ka qabashada  xaaladahan.

 

1-    In la sameeyo miis iyo gudi si wada jir ah uuga hawl gala xaaladaha degdeg ah si loo mideeyo helitaanka xogta dhiilada iyo hogaaminta gurmadka qeybihiisa kala duwan.

2-    Sixitaan lagu sameeyo saxmada gaadiidka xiliga gurmadka,  helitaanka shaqaalaha shirkadaha leydhka, wax ka qabashada biraha boodhadhka iyada oo uu go,aan hore ka soo saarey Madaxweynihii hore Mudane Axmed Max,ed Max,ud Siilaanyo.

3-    In la xakameeyo goobaha aan laga taalbi  Karin xiliyada biyaha daadku rogmanayaan.

 

blank

 

Gabagabadii waxaa Ciidanka Dab-demisku u mahadnaqayaa Duqa Caasimada Hargeisa, Badhasaabka gobolka M/jeex, Cisbitaalka guud ee Hargeisa, Ciidanka Booliska qeybihiisa kala duwan.iyo Shirkada Sompower kuwaasoo dhamaantood kala qayb qaatay Ciidanka Dab-demiska gurmadkii shalay ilaa xalay ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories