HomeWARBIXIN: Gunaanadka Shirka Sannadaha ah ee Maal-gashiga Caalamka oo markii u horreysay...

WARBIXIN: Gunaanadka Shirka Sannadaha ah ee Maal-gashiga Caalamka oo markii u horreysay Somaliland lagu marti-qaaday (DAAWO SAWIRRO)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dubia (SLpost)- Sannad walba waxa Dalka Imaaraadka Carabta lagu qabtaa kulan lagaga hadlaayo maal-gashiga caalamiga ah (Annual Investment Meeting [AIM]) oo ay ka soo qayb-galaan dalalka Afrika iyo Khaliijka Carabta ee xidhiidha ganacsi ka dhexeeyo, iyada oo ay goob-joog ka yihiin wakiillo ka socda waddamada ugu dhaqaalaha badan adduunka.

shirka (3)Shirkan oo magaalada Dubia ka socday intii u dhaxaysay 8-dii ilaa 10-kii bisha, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii loola tacaali lahaa saamaynta taban ee ka dhalatay hoos-u-dhaca Dhaqaalaha dunida oo isbeddel ku keenay dhaqaalihii ay waddamada horumaray ku taageeri jireen dalalka soo-koraya, iyada oo ahmiyaddiisu tahay sidii loola dagaalami lahaa Faqriga dunida ku soo badanaya iyo shaqo-la’aanta.

shirka (4)Shirkan oo qaban-qaabadiisa ay iska leedahay Wasaaradda Dhaqaalaha ee Imaaraadka Carabta (UAE), ku qabsoomay Magaalada Dubai, ayaa markii u horreysay lagu soo marti-qaaday Somaliland. Shirkan oo ah mid ay ka soo qayb-galaan madaxda caalamka gaar ahaan masuuliyiinta heer wasiiro iyo Raysalwasaare-yaal tiradoodu gaadhayso 60 oo ay ka mid ahaayeen Raysal-wasaaraha Imaaraadka Carabta, ahna Amiirka Dubai iyo Raysal-wasaare ku xigeenka Dalka Malaysia, waxaana shirkan Somaliland uga qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Xasan Siciid.

shirka (1)Madasha Shirkan oo ahayd mid la isku dhaafsaday laguna lafa-guraayey afkaarta dhaqaalaha iyo horumarinta dhaqaalaha adduunka iyo sidii gacan looga geysan lahaa koboca dhaqaalaha waddamada soo koraya, ayaa waxa hadallo dhiirri-gelin iyo bogaadin isugu jirta halkaas ka jeedinayey Wasiirada Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ee Waddamada Africa ee shirkaa ka qayb-galay, kuwaas oo soo bandhigay muhiimadda ay dunida horumartay u leedahay taageeridda dhaqaalaha dalalka dhaqaalahoodu kobcyo ee qaaradda Afrika.

Mandqadda Geeska Africa waxa shirkaas uga qayb-galay Wufuud metalaysay waddamada Suudaan, Ethiopia, Kenya, Somaliland iyo Djibouti, halka ay shirkaasi ka maqnaayeen Somaliya oo aan lagu  marti-qaadin shirkaas.

Dhinaca kale, weftiga Somaliland ayaa halkaas fursad ugu helay inay kulamo gaar ah kula qaataan masuuliyiin sar-sare oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dhaqaalaha ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, Eng. Sultaan Saed Al Maansoori, waxaanay labada dhinaca ka wada-hadleen sii xoojinta Iskaashiga Somaliland iyo Imaaraadka ee dhinaca Maal-gashiga iyo Mashaariicda Imaaraadku Somaliland maal-gashi ahaan ka fulin karaan.

shirka (5)Sidoo kale Weftiga Somaliland waxa ay kulamo gaar-gaar ah la yeesheen Maal-gashadayaal Caalamiya iyo khubarada Dhinaca Maal-gashiga ee shirkaasi joogtay,  waxanay dhamaantood ku soo dhamaadeen guul iyo is afgarad wada shaqayneed.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories