HomeWarbixin daboolka ka qaadday habacsanaanta Hawl-wadeennada Madaarka Jabuuti oo halis-galiyay Nolosha Madaxweyne...

Warbixin daboolka ka qaadday habacsanaanta Hawl-wadeennada Madaarka Jabuuti oo halis-galiyay Nolosha Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Warbixin ay daabacday jariiradda Washington Post, ayaa daboolka ka qaadday habacsanaan ka jirta nidaamka shaqo ee hawl-wadeennada madaarka Jabuuti, gaar ahaan kuwa ku shaqada leh kala-hagista duulimaadyada diyaaradaha isticmaala Garoonka ugu weyn dalkaas ee ku yaala magaalada Jabuuti.

Sida lagu sheegay warbixinta, madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa laba sanno ka hor dirqi kaga bad-baaday shil-diyaareed, kaddib markii ay isku-dhici gaadheen diyaaraddiisa khaaska ah oo ka duulaysay garoonka iyo diyaarad ganacsi oo ay leedahay shirkadda Kenya Airways.

kqJariiradda Washington Post oo warkan daabacday Khamiistii todobaadkan, waxa ay dhacdadan halista gelisay nolosha madaxweynaha Jabuuti daboolka kaga qaadday, xaalado halis ah oo ka jira nidaamka safarrada diyaaradaha isticmaala hawada dalka Jabuuti iyo sida layskugu hallayn karo ammaanka garoonka diyaaraha Djabuuti oo laga deyriyey.

Madaarka Diyaaradaha ugu weyn ee ku yaala magaalada Jabuuti, waxa sannad kasta isticmaala kumanaan diyaaradaha ganacsiga ah, balse waxa taas ka daran duullimaadyo badan oo ay ku sameeyaan diyaarad weyn oo ay leeyihiin Ciidamada Maraykanka, taas oo lagu tilmaamo inay tahay nooca loo adeegsado xog-ururinta iyo basaasidda goobaha ay ka hawl-galaan kooxaha Xag-jirka ah ee Bariga Afrika iyo Yemen

“Dhaq-dhaqaaqyada iyo Xaaladaha ka jira Camp Lemonnier, oo ah saldhigga ay isticmaallaan diyaaradaha hawl-gallada ka fuliya Yemen iyo Soomaaliya, ayaa noqday mid khatar ah oo keentay in diyaaradaha Maraykanak iyo kuwa Ganacsigu ay si isku mid ah u isticmaalaan Hawada magaalada Jabuuti, taasoo sababtay inay badbaadadoodu halis gasho,” waxa sidaas lagu sheegay warbixinta ay qortay jariiradda Washington Post.

Xogo laga helay waaxda Keydka macluumaadka dibadda ee Maraykanka, ayaa muujisay in khataraha dhinaca Hawada sare ay yihiin hab-dhaqan halistiisa leh oo ay raalli ka tahay dowladda Jabuuti, gaar ahaan waaxda Maamulka Hawada iyo hagista duulimaadyada ee madaarka Caasimadda.

Waxa ay warbixintu si gaar ah masuuliyad-darro aan laga fiirsan dusha u saartay Waaxda kala hagista duulimaadyada oo lagu eedeeyey inay saraakiisha ka hawl-gasha ee loo xil-saaray kala-ilaalinta iyo hagista duulimaadyadu ay iska dhego-tiraan baaqyada uga yimaadda duuliyayaasha diyaaradah ‘iyaga inta badan ku mashquul telefoonnadooda gacanta’.

“Maalin kasta oo garoonka diyaaradaha Jabuuti isticmaala ilaa 100 duulimaad, iyagoo in ka badan kala-badh duulimaadyadaasi ay yihiin Diyaaraha Milatariga Maraykanka,”  Sidaas ayay jariiraddu ku sheegtay warbixineeda. Waxa kale oo warbixinta lagu sheegay inuu fashilmay mashruuc ay ku kacayso Todoba Milyan Dollar oo dowladda Maraykanku ku maal-galisay horumarinta nidaamka duulimaadyada diyaaradaha.

Saraakiil ka tirsan Waaxda Duulimaadyada ee Maraykanka oo yu warramay jariiradda Washingtonpost, ayaa masuuliyad-darro iyo dayacaad xagga ammaanka ah u jeediyey Waaxda kala-xagta Duullimaayada ee Garoonka Diyaaradaha Jabuuti oo ay ku tilmaameen mid aan laysku halleyn karin. Waxaanay si gaar ah u eedeeyeen hawl-wadeennada saaran Terminal-ka Madaarka oo ay ku sheegeen inay si xad-dhaaf ah u isticmaala Qaadka Miirooga oo ay shaqada kaga mashquuleen, sida warbixinta lagu sheegay.

Haseyeesehee, dowladda Jabuuti ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay eedayntan. “Waxaas waxba kama jiraan, waxaan xaqiijinayaa in laysku haleyn karo ammaanka garoonka Jabuuti oo xataa ka nadboon madaaradda waddamada kale ee Carbeed,” Waxa sidaas jariiradda Washingtonpost u sheegay Safiirka dalka Jabuuti u fadhiya Washington, Issa Saher Bouraleh. “Haddii ay masuulyad-darro ku jirto oo ay qayilayaan, waxa maalin kasta la arki lahaa shil dhaca,” sidaas ayuu yidhi Mr Bouraleh.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories