HomeWarbixin Caalami ah oo daboolka ka Qaadday in Somaliland Xuddun u tahay...

Warbixin Caalami ah oo daboolka ka Qaadday in Somaliland Xuddun u tahay Ka-ganacsiga Sharci-darrada ah ee Duurjoogta loo dhoofiyo Waddamada Khaliijka Carabta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Warbixin ay dhawaan soo saareen Ururro Caalami ah oo ka shaqeeya Ilaalinta Duurjoogta Adduunka, ayaa lagu sheegay inay Somaliland ka mid tahay mariinnada ugu muhiimsan ee laga tahriibiyo duur-joogta sida sharci-darrada ah loogu tahriibiyo waddamada Khaliijka Carabta.

Waxa warbintan lagaga dayriyey xaaladda ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah Duur-joogta ka sii dabar-go’aysa dunida oo Harim-cadku ka mid yahay, iyada oo laga digay in haddii si wada-jir ah looga hawli waayo wax ka qabashada goobaha laga tahriibiyo ka-ganacsiga Duurjoogta, ay sababi karto in dunida guudkeeda muddo sannado ah lagaga cidhib-tiro qaybo ka mid ah Duurjoogta uu Harimcad-ku ka mid yahay.

cheetah smagglingWar-bixintu wax a ay xustay in marinka ugu weyn ee Suuqyada waddamada Khaliijka loo mariyo Harimcadka uu yahay gobolka Geeska Afrika, iyada oo si gaar ah warbixinta loogu xusay in Somaliland ka mid tahay marinnada ugu muhiimsan ee ka-ganacsiga noolahani laga dhoofiyo.

“Somaliland waxay xarun u noqotay dhoofka sharci-darrada ah ee Duur-joogta gaar ahaan Harimcad-ka Dasha ah oo la geeyo waddamada khaliijka. Xayawaankan waxa si qarsoodi ah xeebaha Somaliland looga qaadaa Doonyo lagu gaadhsiiyo Xeebaha Yemen, dabadeedna baabuur baa lagu dhexmariyaa Yemen ilaa laga gaadhsiinayo xuduudka,” sidaas ayaa lagu sheegay warbixinta uu soo saaray Urur lagu magacaabo CITES oo ka shaqeeya Ilaalinta duur-joogta.

Xidhiidhiyaha Bariga Afrika ee ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Duur-joogta (CITES) u qaabilsan Harimcadka, Mr Nick Mitchell, oo ka qayb-qaatay War-bixin laga diyaariyey ganacsiga sharci-darrada ah ee lagu hayo duur-joogto, ayaa sheegay in hoos-u-dhac weyni Harimcad-ka ku nool Keymaha Bariga Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika oo waddamada Itoobiya, Suudaan iyo Kenya ka mid tahay, kuwaas oo la sheegay in suuqooda ugu weyni yahay waddamada Khaliijka Carabka iyo Eeshiya.

“Ganacsigan gebi ahaanba ma aha mid ay raalli ka yihiin shacabku iyo ururka caalamiga ah ee ilaalinta Duur-joogta,” ayuu yidhi Mitchell, isaga oo intas ku daray, “Haddii aan immika waxba laga qaban ganacsiga iyo dhulka la mariyo, waxa aynu xaqiiqdii sannado kooban ku waayeynaa qayb weyn oo duur-joogta ka mid ah.”

War-bixintu waxa ay sheegtay in la bartilmaameedsanayo 15 nooc oo ka tirsan Harimcad-ka oo lagu qiyaaso inay adduunka guudkiisa kaga nool yihiin 10,000, kuwaas oo 2,500 oo tirsani ku nool yihiin Bariga Afrika, balse wakhtigan ay ku jiraan xaalad laga dareemi kari inay tafiirtoodu sii dabar-go’ayso.

“Waddamada Bariga Dhexe si cad bay uga hadleen, in wax laga qabtana horumar la taaban karo ayaa laga gaadhay. Qadar, Imaaraadka, Kuwait waxay dhammaantood aqoonsadeen inay tahay dhibaato jirta,” sidaa waxa yidhi David Morgan oo ka tirsan qaybta Culuumta iyo baadhista ee Ururka Caalamiga ah ee ilaalinta Duur-joogta oo qayb ka ah khubarada warbixinta soo saartay.

Isaga oo hadalkii sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Waddamo badan oo Eeshiya ah ayaa noolahan u danaynaya inay daawooyin ka saameeyaan, dhaqaalaha waddamadan oo sii kordhaya ayaa sababay inay kor u sii qaadaan dalabaadka ay ku doonayaan. Laakiin, waxay taan ka horjoog-sanaya inaanay heli karin maxaa yeelay xayawaankani immika wuu sii dabar-go’ayaa.”

Sida lagu faafiyey warbixinta, meelaha ugu badan ee noolahani kaga badbaaday ugaadhsiga yihiin waddamada ku yaala Koonfurta Afrika, halkaas oo ay ku nool yihiin tiro lagu qiyaasay 6,200, waxase la xusay in Ka-ganacsiga noolahani uu si xooggan uga socdo waddamada Namibia, Botswana iyo Zimbabwe oo sida war-bixintu sheegtay sannad walba laga ugaadhsado tiro ku dhow 200 oo Harimcad ah.

Dhinaca kale, dalka Somaliland oo aan haba-yaraatee lahayn Seerayaal lagu xannaaneeyo Duurjoogta oo dalka ka haajirtay xilliyadii ay socdeen dagaaladii Sokeeye, haddana waxa jira Duur-joog tiro yar oo aan haysan deegaan fayow oo ay ku noolaan kana badbaadin kara ugaadhsiga. Haseyeeshee waxa tiraba dhowr jeer dalka gudihiisa lagu qabtay Duur-joog uu ka mid yahay Harimcad Dhal ah oo laga keenay waddamada Jaarka ah, gaar ahaan Itoobiya, kuwaas oo la doonayey in si sharci-darro ah dalka looga tallaabiyo waddamada Khaliijka Carabta.

XIGASHO; Wargeyska Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories