HomeWarbaahinta Madaxa-bannaan oo ku Guulaysatay in Dammaanad lagu Sii-daayo Laba Suxufi oo...

Warbaahinta Madaxa-bannaan oo ku Guulaysatay in Dammaanad lagu Sii-daayo Laba Suxufi oo Shalay lagu Maxkamadi ku ridday Xukunno isugu jira Xadhig iyo Ganaax Lacageed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Warbaahinta madaxa-bannaan ee Somaliland, ayaa manta ku guulaystay in Dammaanad lagu sii daayo Maareeyihii iyo Tifaftirihii Wargeyska Xayiran ee Hubaal oo maxkamadda gobolka Hargeysa shalay ku ridday xukunno isugu jira Xabsi iyo Ganaac, ka dib markii qareennada u doodaya suxufiyiintu ay kiiskaas dammaanad ka qaateen.

Warbaahinta madaxa-bannaan waxa ay mahadnaq u jeedisay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo qayb ka qaatay xal u raadinta Arritan iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanta Maroodijeeex Cabdirashiid Durraan oo ogolaaday in dammaanad lagu sii daayo suxufiyiinta.

War-murtiyeed kooban oo warbaahinta madaxa-bannaan arritan kaga hadashay, ayaa u dhignaa sidan: “Saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland waxay shaacinaysaa inay ku Guulaysatay maanta in Damaanad lagu sii daayo Maareeyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo Tafatiraha Wargeyskaasi Xasan Xuseen Cabdilaahi (keef-keef) oo maalintii shalay Xabsiga loo taxaabay.

Labadan Wariye ayaa maanta Damaanad ay ku sii daysay Maxkamada Racfaanka Gobolka Maroodijeex, ka dib markii Qareenada u doodayaa Rafcaan ka Qaadatay Xukunkii ay shalay Maxkamada Gobolku xubnahaasi ku riday.

Saxaafada Madaxa banaan ee Somaliland waxay u mahad naqaysaa Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Maroodijeex Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (Duuraan) oo aqbalay in Labadaasi suxufi ay Damaanad Xasbiga kaga baxaan Racfaankooda la dhagaysto iyaga oo dibada jooga.

Saxaafada Madaxabanaan waxay sidoo kale u mahad naqaysaa Xukuumada Somaliland gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi  Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade oo ka qayb qaatay sidii xal loogu heli lahaa xadhiga Suxufiyiintan.

Ugu dambayntii Warbaahinta Madaxbanaan iyada oo ku Baraarugsan Xilka Qaran ee Saaran iyo xaalada Guud ee Somaliland waxay ay sii wadaysaa Wadahadalada ay kula jirto Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, si Xal waara loogu helo is af-garanwaaga taagan, loona Sugo ku dhaqanka Sharciga  iyo Sugnaanta Dumuquraadiyada Somaliland.”

Dedaalka Warbaahinta Madaxa-bannaan ee dalku kaga dhiidhiyeen xadhigga labada Suxufi ee Wargeyska Hubaal, ayaa ku yimi ka dib markii ay xukuumadda cadaadis xooggan ku saartay in xorriyaddooda loo soo celiyo isla markaana xayiraadda laga qaado Wargeyska. Sidoo kale, warbaahinta madaxa bannaani ayaa ku hanjabtay mudaharaad ka dhan xukunka labada suxufi, arrintaas oo soo dedejisay in Xubno Wasiirro ahi dalbadaan dhex-dhexaadin ay ka arrintan si looga baaqsado bannaan-baxa ay warbaahintu go’aansatay inay ku soo bandhigaan shucuurtooda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories