HomeWarbaahinta iyo Doorkii ay ka Qaadatay Dagaalkii Ciraaq - By Qasim Jama...

Warbaahinta iyo Doorkii ay ka Qaadatay Dagaalkii Ciraaq – By Qasim Jama Hirsi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sanadkii 2003-dii duulaankii lagu qaaday dalka Ciraaq ayaa taageero laxaad leh ka helay inta badan warbaahinta reer galbeedka. Dhacdadii 11-kii September,2011 ee lagu baabi’yey daarihii ganacsiga aduunka oo dad ka badan 3000 (saddex  kun) oo qof ay ku dhinteen ayaa waxay noqotay mid siisa madaxweynihii Maraykanka ee xiligaasi ee George W. Bush taageero laxaad  leh  taasi oo ka imanaynaysa shacabka Maraykanka iyo warbaahinta. Warbaahinta ayaa si dhib yar u aamintay sheegashooyinkii Maamulka George W. Bush ee ahaa inay Ciraaq samaysanayo Hubka aadka wax u Burburiya (Weapons of Mass Destruction (WMD)).

blankMarkii Dagaalkii Ciraaq uu dhamaaday ee khasaare badan oo naf iyo maalba leh uu soo gaadhay labadii dhinac  ee dirirtu ka dhaxaysay ayaa la ogaaday in aanu jirin wax hub ah  oo ay Ciraaq samaysatay ama ay samaysanaysay.Waxa adkaatay in Dimuqraadiyad laga beero Ciraaq xilli ay rabshaduhu cirka isku shareereen taasi oo aan ilaa maanta la ogeyn xilliga ay dadka reer Ciraaq goosan doonaan midhaha Dimuqraadiyada uu Maraykanku u beeray.

Warbaahinta ayaa iyadoo ka aargoosanaysa Majarahabaabinta uu u geystay Maamulka George W.  Bush ee ay sida dhibta yar u qaateen taas badalkeed mar keliya isku wada rogay kuwo ku mucaarid ah Dagaalka uu Maraykanku ka galay Ciraaq. Maamulkii George W. Bush oo markii hore la dhacsanaa doorka warbaahinta ee ololaha dagaalka Ciraaq ayaa ku eedeeyey warbaahinta adduunka iyo Maraykankuba inay marin habaabinayso shacabka Maraykanka iyo ra’yul caamka guud.

blankHaddab Suaashu waxa weeyaan ma warbaahinta ayaa sabab u ahayd taageeradii hoos u dhacday ee loo hayay Dagaalka Ciraaq?  Sida uu sheegayo  Saynisyahanka John Muller ee ku takhasusay Cilmiga Siyaasada  ayaa sheegay in intii lagu gudo jiray Dagaalkii Kuuriya (1950-1953), Dagaalkii Fiitnaam (1965-1973) iyo Dagaalkii Ciraaq ee bilawday sanadkii 2003-dii  in dadweynaha Maraykanku ay taageereen gelista dagaaladaas bilawgii saddex meelodow lab meelood (2/3). Laakiin markii dagaaladaasi socdeen muddo saddex sanadood ah gudahood ay taageeradii loo hayay dagaaladaasi hoos u dhacday wax ka yar saddex meeloodow hal meel ( 1/3). Dagaalkii Kuuriya ahaa ayaa ahaa mid dhacay xilli aanu hano qaadin Telifishanka oo lagu tilmaamo warbaahinta nool ee ugu xooga weyn noocyada kala duwan ee warbaahinta isla mar ahaantaas aan aduunka intiisa badan  laga aqoon, sidaas awgeed warbaahinta oo keli ah laguma eedayn karayo hoos u dhaca taageerada loo hayay dagaaladaas. Waqtiga ay socdeen dagaaladaasi  iyo khasaarihii isa soo tarayey ee  ay sababayeen ayaa inta badan loo eedeeyaa. Shacabka Maraykanka ayaa ay Dhaqan ahaan ah kuwo aan jeclayn dagaalada daba dheeraada sida ay sheegayaan warbixino lasoo ururiyay. Fikradii ay ka haysteen dadka Maraykanku dagaalka Ciraaq ayaa is badashay markii Ciraaq laga waayay Hubka aadka wax baa’biiya (WMD).Milateriga Maraykanka ayaa weli ku eedeeya warbaahinta buunbuuninta khasaaraha Dagaalka Ciraaq.

blankSanadkii 2003-dii Suxufiyiinta ayaa kasoo warameyey Cutubyada ciidamada Maraykanka dhexdooda iyaga oo markaas la socday kolba guuto ciidanka ka mid ah. Arintaasi ayaa jawi fiican waxoogaa ka dhex abuurtay suxufiyiinta iyo Militeriga maadaama ay suxufiyiintu ku tiirsanaayeen Militeriga Maraykanka si ay shaqadooda u qabsadaan. Arintan ayaan noqon mid soo jiidata dadka warbaahinta ka war qaata maadaama weriyayaasha la socda ciidamada Maraykanku ay soo gudbinayaan warar hal dhinac ah  oo xaqiiqda waxa dhacaya ka fog. May jirin cid soo gudbinaysay bililiqadii iyo rabshadihii is watay  ee mar keliya ka bilaw ciraaq. Waxa hoos u dhacay xiligaas ayaa la yidhaahdaa taageeradii,qadarintii iyo xishamadii  loo hayay mixnada saxaafada.

Iyadoo arintu halkaas marayso ayaa waxa dadweynaha aduunka hor yimid  sawiro ay qaadeen ciidamada Maraykanka askar ka tirsan oo muujinaya illaalada xabsiyada Maraykanka ee Ciraaq oo bahdilaad, jidh dil iyo farxumeyn kula kacaya Maxaabiis ciraaqiyiin ah. Sawiradas oo ay sii fidisay warbaahinta caalamku. Haddaba suaashu waxa weeyaan ma warbaahinta ayaa lagu eedayn karaa soo bixida sawiradaas?

Wargeysyada New York Times iyo Washington Post ayaa raali galin balaadhin ka bixiyey kana qoomamooday  inay rumaysteen sheegashooyinkii Maamulka G.W. Bush.

Wixii intaas ka danbeeyay dhowr wargeys ayaa kasoo waramay qorshayaal sir ah oo argagaxisadda ka dhan ah oo Maraykanku watay. Maamulka George W. Bush ayaa ku hanjabay inuu wargaysyadaas la tiigsan doono xeerka basaasnimada (Espionage Act) ee Maraykanka. Wargeysyada ayaa ku dooday inay xaq u leeyihiin inay ogaadaan qorsheyaashaasi xaga uu Maamulka George W. Bush ka sheegay inay saxaafadu dhaawacaysyo qorshaha la dagaalanka argagixisadda arrintaasi oo sababtay inay gorodda isla galaan saxaafada iyo aqalka cad  ee Maraykanka looga arimiyo.

Sanadkii 2006-dii ayaa ay caan noqotay in dadka wargeys-yada reer galbeeka wax ku qoraa gaar ahaan jamhuuriyiinta qunyar socodka ahi ay sheegaan in Maamulka George W. Bush  uu dhiiqo cagaha kula jiro isla mar ahaantaas uu Ciraaq ku baabiyey wixii Maraykanku naf iyo maalba lahaa.

Wararkii foosha xumaa ee ka imanayay Ciraaq waxa hakin kari waaya Guriga Cad  iyo Wasaarada gaashaandhiga ee Maraykanka.

Waxa la ogaaday in aanay jirin hab lagu maamulo warbaahinta oo sax ah oo la isku raacsan yahay. Waxa dhab noqotay in ugu danbaynta runtu cadaato ama warbaahinta ha ka  been sheegto waxa dhacaya ama dhinacyada laga soo waramayaaye. Warbaahinta ayaa caan ku ah inay u shaqeeyaan sida kubbad gidaar lagu laagay oo dabadeeto kasoo booda gidaarkaas sababta oo ah waxay warbaahintu bilawga xoogga saartaa sheegashooyinka dhinacyada is haya mid ka mid ah aakhirkana waxay  ka soo waramaan xaqiiqda meesha taal.

Qasim Jama Hirsi

qasimjama@hotmail.com

BBA in Accounting

Hargeisa Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories