HomeWarbaahinta Ingiriiska oo soo bandhigtay Haweenaydii uu Mo Farah Eedeeyey

Warbaahinta Ingiriiska oo soo bandhigtay Haweenaydii uu Mo Farah Eedeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost) – Warbaahinta Ingiriiska oo Maalmihii u dambeeyay baadhid ku waday Haweenay uu Orodyahanka reer Somaliland ee Maxamed Faarax ku eedeeyay Inay si sharci-darro ah u geysay dalka Ingiriiska sagaashamaadkii, ayaa Axadda Maanta soo bandhigay Magaca Rasmiga ah ee Haweenaydaas iyo Magaceeda.

Orodyahanka Caalamiga ah ee Maxamed Faarax oo Magaciisa runta ahi yahay Xuseen Cabdi Kaahin, ayaa Toddobaadkii hore sheegay in sannadkii 1991-kii sifo aan sharci ahayn loogu soo dhoofiyey UK isla-markaana haweenaydii kaxaysay ay Addoonsan jirtay muddadii uu gurigeeda joogay.

Laakiin, Wargeyska The Sun oo ka mid ah Warbaahinta ugu afka dheer UK, ayaa baadhid iyo daba-gal dheer oo uu ku baadi-goobay gabadhaasi, wuxuu ku ogaaday in Haweenayda uu Xuseen Cabdi Kaahin eedeeyay tahay Nimco Faarax oo xilligan deggan Ingiriiska.

Wargeyska uma suurto-gelin inuu Nimco si toos ah ula xidhiidho, balse wuxuu xidhiidh la sameeyay Qoyskeeda.

Haweenaydan 54-jirka ah, ayaa qoyskeeda u sheegtay inay Maxamed Faarax oo Magaciisa Runta ahi yahay Xuseen Cabdi ay Dalka Ingiriiska ku geysay fiiso been abuur ah, balse waxay diidday isla-markaana been-abuur ku tilmaantay Inay Addoonsadeen Xuseen markii ay London geysay, eeddaas oo uu hore ugu jeediyey Orodyahanku.

Nimco Wiilkeeda Axmed oo u warramay Wargeyska The SUN, ayaa hooyadii ka soo weriyey Inay sheegtay in Qorshahii ay London ku geynaysay Maxamed Faarax uu is beddelay daqiiqadihii u dambeeyay ee ay safarka geli lahaayeen, ka dib markii ay ogaatay In Fiisaha ay sidato oo ay u malaynaysay inay saddex Carruur ahi ku dhoofi karaan ay laba keliya loo ogol yahay, taasi oo ku khasabtay inay dariiqan khaldan ku kaxayso.

Axmed oo ah Wiilka ay dhashay Nimco, ayaa mar kale oo uu la hadlay BBC-da wuxuu sheegay in hooyadii aanay wax dambi ah gelin  “Hooyaday wax qalad ah ma sameyn”.

Axmed wuxuu sheegay in xilligaa ay hooyadii ahayd gabadh yar oo haysata laba caruur ah, laguna khasbay inay Maxamed Faarax geyso London “Hooyaday waxay sheegtay inay wax walba halis u galisay inuu Mo Faarax mar nala yimaado, oo ay ula dhaqanto sidii wiilkeeda oo kale, markaa sidee loogu eedaynayaa waxyaalahan xun.” Ayuu yidhi.

Mo Faarax ayaa dhawaan sheegay in xilligii London la keenayey laga beddelay Magaciisii runta ahaa ee Xuseen Cabdi Kaahin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories