HomeWarbaahinta Dunida oo ka faallootay 30-guurada Madaxbannaanida Somaliland iyo Aqoonsi la'aanta

Warbaahinta Dunida oo ka faallootay 30-guurada Madaxbannaanida Somaliland iyo Aqoonsi la’aanta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Salaasadii Toddobaadkii hore oo ku beegnayd 18-ka bisha May, 2021 ayaa guud ahaan Somaliland looga dabbaal-degay Xuska 30 Guurada ka soo wareegtay markii Somaliland ay Madax-banaanideeda dib ugala soo noqotay Soomaaliya, taasi oo ahayd 1991-kii.

Xuska 30 Guurada oo Dalalka Adduunku isha ku hayeen isla-markaana qaarkood wufuud u soo dirteen si ay uga qayb-galaan Xafladaha loogu dabbaal-degayo, ayaa waxa War-bixino dhaadheer ka qoray Warbaahinta dunida qaarkood, kuwaasi oo siyaalo kala duwan sawir uga bixiyey Qadiyadda Somaliland iyo Madax-banaanideeda 30 jirsatay.

blankAfrican Arguments oo ka mid ah Warbaahinta wax ka qortay xuska 30 Guurada Madax-banaanida Somaliland, ayaa ka warramay Marxaladihii Somaliland soo martay 30-kii sanadood ee u dambeeyay, sidii ay Lixdankii ula midowday Soomaaliya oo ay Madax-banaanideedii kala soo noqotay 1991-kii.

African Arguments, ayaa War-bixin dheer oo uu qoray wuxuu ciwaan uga dhigay “Somaliland lama aqoonsan 30 Sano, laakiin way nooshashay, wayna wanaagsan tahay”, waxaanu tafaasiil ka bixiyey waxyaabihii ku riixay inay ka hoos baxdo Soomaaliya inteeda kale, isagoo Tusaale u soo qaatay dhibaatadii Shacabka Somaliland ka dhaxleen Ta cadiyadii Taliskii Maxamed Siyaad Barre.

Warbaahinta PRI oo ka mid ah kuwa caalamiga ah ee wax ka qoray xuska 30 Guurada Madax-banaanida Somaliland, ayaa sheegay in inkasta oo aan Somaliland dunida inteeda u aqoonsanayn Dawlad jirta, haddana taasi aanay Shacabka Somaliland ka joojin inay u dabbaal-degaan 30 Guurada Madax-banaanida dalkooda Somaliland, sidaasi darteedna Suuqyada caasimadda Hargeysa ay buux-dhaafiyeen Dad qaarkood watay Gaadiid hoonka garaacaya isla-markaana ay ka dhex baxayaan heeso Waddanimo muujinaya.

PRI wuxuu sheegay in kumanaan dhallinyaro ah oo ka mid ah kuwa isticmaala Baraha Bulshadu ay Bogagga ay ku leeyihiin Baraha Bulshada ku camireen calanka Jamhuuriyadda Somaliland ee ka kooban saddexda Midab ee caddaan, cassaanka iyo Akhtarka.

“Da’yartu waxay dhasheen intii Somaliland jirtay, Somaliland oo keliya ayay garanayaan, markaa waxay Somaliland u tixgelinyaan inay tahay summaddooda” ayuu yidhi, Jaamac Muuse Jaamac oo ah Guddoomiyaha Xarunta dhaqanka ee Hargeysa, kaasi oo ay soo xigatay PRI.

Ismaaciil Shirwac oo ka mid ah Xafiiska Somaliland ee Nairobi ayaa isaguna u sheegay PRI in Somaliland waddo dedaalo kor loogu qaadayo xidhiidhka diblumaasiyadeed, Ganacsi iyo siyaasadeed ee ay la yeelanayso Dawladaha Adduunka, illaa haddana xidhiidho noocaas ay la samaysatay Dalalka Taiwan, Imaaraadka carabta, Kenya.

“Qof kasta oo reer Somaliland ahi wuxuu kuu sheegayaa, inaan Dadka Jamhuuriyadda Somaliland diyaar u ahayn ama u jeedin inay dib ula midoobaan..” ayuu Ismaaciil Shirwac u sheegay PRI oo uu u warramay.

Warbaahinta Menafn oo ka mid ah Warbaahinta laga leeyahay dalalka carabta ayaa iyaduna Warbixin ka qortay 30 Guurada ka soo wareegtay xilligii ay Somaliland Madax-banaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya.

Menafn ayaa War-bixinteeda oo dheerayd waxay ku sheegtay in Somaliland oo aan la aqoonsan muddo 30 Sanadood, ay dunida u muujisay siday uma Sumcad wanaagsan tahay Soomaaliya oo muddadaa ku jirta Amni-darro iyo khilaafaad Dawladnimadii fashiliyey.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay muddadaa qabsatay illaa lix doorasho oo Qof iyo cod ah, kuwaasi oo lagu soo doortay Goleyaasha Baarlamaanka, Goleyaasha deegaannada iyo Madaxweyneyaal xilka Qaranka u kala dambeeyay, bishan lagu jiro ee May 31-keedana Shacabku u dareerayaan doorashada Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada oo hal mar la wada qabanayo.

@Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories