HomeWarbaahinta Dunida Carabta oo Garowshiinyo ka bixisay Qadiyadda u Dhaxaysa Somaliland iyo...

Warbaahinta Dunida Carabta oo Garowshiinyo ka bixisay Qadiyadda u Dhaxaysa Somaliland iyo Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Warbaahinta The New Arab oo wax ka qorta Arrimaha bariga dhexe iyo Afrika, ayaa War-bixin dheer ka qortay Arrimo la xidhiidha Xaaladda runta ah ee dalka Soomaaliya.

blankThe New Arab (Al-Araby Al-Jadeed) oo War-bixinteeda baahisay Sabtidii Shalay ayaa sheegtay in Dalka Soomaaliya uu u qaybsan yahay Maamul-gobolleedyo hoos taga Dawladda Federaalka ah, balse wuxuu sheegay in aanay Maamulladaasi awood ahaan u sinnayn oo ay kala awood badan yihiin, dhaqaale ahaan iyo nidaam ahaanba.

Warbaahintu waxay sheegtay in Maamullada Puntland iyo Jubbaland yihiin kuwa ugu awoodda badan Maamullada Soomaaliya ka jira, Tusaale ahaana Puntland oo ku taalla Waqooyi-bari dalka Soomaaliya oo dhisnayd tobanaan sanadood waxay leedahay waxyaabo muhiim u ah, sida Deked uu ka soo galo dhaqaale iyo awood aanay Dawladda dhexe ee Muqdisho fadhidaa saamayn ugu yeelan karin arrimaheeda gaarka ah.

Jubbaland oo ku taalla Koonfurta Soomaaliya, ayay The New Arab sheegtay inay tahay Maamul haysta ilo-dhaqaale oo ah Dhul beereed iyo Deked, sidoo kalena taageero ka hesho Dawladda Kenya oo ay jaar yihiin.

Warbaahintu waxa kale oo ay sheegtay in saddexda kale ee Maamul-gobolleed ee Soomaaliya ka dhisan oo kala ah Gal-mudug, Hirshabeele iyo Koonfur-galbeed ay yihiin kuwa ugu Faqiirsan, siyaasad ahaana aan ka Madax-banaanayn Dawladda dhexe ee Xarunteedu tahay Muqdisho, Madaxda Maamulladaa Hagaana ay xulafo la yihiin Madaxda sare ee Muqdisho fadhida.

War-bixintan oo sidoo kale lagu soo hadal-qaaday Qaab-dhismeedka Qabaa’ilka ku salaysan ee Siyaasadda Soomaaliya lagu jaan-gooyo, ayuu The New Arab ku soo hadal-qaaday Somaliland.

The New Arab waxay sheegtay in Somaliland ay Madax-banaanideeda Soomaaliya kala soo noqotay 1991-kii, laakiin Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho fadhidaa u aragto inay tahay Maamul lixaad oo ay xukumaan, balse xaqiiqadu aanay sidaasi ahayn oo ay aad uga duwan tahay.

The New Arab, waxay sheegtay in inkasta oo Somaliland aan dunidu u aqoonsanayn Dawlad Madax-banaan, haddana Soomaaliya aanay inyar oo ka mid ah dhulka Somaliland awood maamul ku lahayn, oo ay si gaar ah hawlaheeda u wadato.

@Geeska

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories